Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee la xiriira crypto, blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.
Halkan waxaad ka aqrisan doontaa dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto.
- ๐ xaalada guud ee Suuqa
Qiimaha guud ee suuqa crypto waxuu marayaa maanta $3.32 Tirilyan, waxuuna kor u kacay 2.43%
Fear and Greed Index: Toolka lagu cabiro kalsoonida maalgashiyaasha ay ku qabaan suuqa waxuu sheygayaa inuu yahey (68), Tani waxay tilmaamaysaa in uu jiro damac ama rabitaan iibsi oo aad u sarreeya waxuuna is badeli karaa daqiiqad kasta.
Bitcoin (BTC): Qiimaha lagu kala iibsanaayo ayaa kor u kacay waxuuna gaaray $$104,861, kor u kac ah 2.20% ayay sameysay maanta.
Ethereum (ETH): Qiimaha Ethereum waxa uu kor u kacay 4.11% 24-kii saac ee u dambeeyay waxa uuna hadda marayaa $2,497.5.
XRP: Waxaa kor u kacay qiimahiisa qiyaastii 1.14%Waxaana hada suuqyada lagu kala iibsanayaa qiimo ah $2.33.
Solana:- Qiimaha Coinka Sol ayaa maanta ku jira kor u kac ah 2.83% waxuuna marayaa qiimihiisa hadda $165.78.
- ๐ Xeerarka Sharciyeed iyo Siyaasada Suuqa
Musharraxa madaxweynenimo ee ugu cadcad Koonfur Kuuriya ayaa soo jeediyay samaynta stablecoin ku xidhan lacagta won-ka, si loo xakameeyo bixitaanka hantida isla markaana kor loogu qaado madaxbannaanida maaliyadeed.
Habeenkii xalay, Aqalka Senate-ka ayaa ansixiyay cod-bixin habraaceed oo la xidhiidha sharciga GENIUS ee ku saabsan stablecoins, iyadoo 66 ay u codeeyeen, 32 ay ka soo horjeesteen, laba na ay ka aamuseen. Lix iyo toban Dimuqraadi ah ayaa taageeray cod-bixinta, waxaana hogaaminayay Senatarrada Gillibrand, Alsobrooks, Gallego, iyo Warner. Isla cod-bixintan ayaa horey u fashilantay 8-dii May.
Binance ayaa codsi u gudbisay maxkamadda si ay u joojiso dacwadda $1.76 bilyan ah ee ay FTX kusoo oogtay, iyadoo ku tilmaantay eedeymaha kuwo aan sal lahayn isla markaana sheegtay in maxkamadaha Mareykanka aysan lahayn awood sharciyeed oo ay ku qaadaan dacwadda.
Sharciga Kaydka Bitcoin ee Texas, SB 21, ayaa mari doona Akhrintiisa Labaad ee Aqalka Wakiillada. Haddii la ansixiyo, wuxuu u gudbi doonaa Akhrinta Saddexaad, iyadoo codbixinta ugu dambeysa la filayo toddobaadkan.
Guddoomiyihii SEC, Paul Atkins, ayaa dhaliilay qaabka hayโaddu ula dhaqmayso crypto-ga, isagoo ku tilmaamay mid cadaawad leh oo aan caddayn. Wuxuu ugu baaqay in la taageero hal-abuurka halkii laga hor istaagi lahaa.
- ๐ Exchange Inflow & Outflow
Inflow: 24-kii saac ee la soo dhaafay, in ka badan 2,010 BTC ayaa loo wareejiyay suuqyada crypto, taasoo muujinaysa in suuqa dhaqaaq badan ka jirin maanta, sida ay sheegayso xogta Coinglass
Outflow: Sida aan ka soo xigannay Coinglass, Bitcoin exchange outflow wuxuu muujinayaa in 4470 BTC suuqyada laga saarayo, taasoo tilmaamaysa in dadka haysta BTC ay u wareejinayaan hardware wallets-kooda amaba ay Coins kale ku beddelanayaan.
Tirada Ethereum ee lagu hayo suuqyada is-weydaarsiga ayaa hoos uga dhacday 4.9% markii ugu horreysay taariikhda, halka Tirada Bitcoin ee suuqyada is-weydaarsiga ay gaartay 7.1% taasoo ah heerkii ugu hooseeyay tan iyo November 2018kii.
- ๐ Dhaq-dhaqaaqa Maalgashedeyaasha
Ganacsade weyn (whale) ayaa mar kale kala baxay Binance 1,350 BTC oo qiimahoodu yahay $141.91 milyan, isagoo hadda ku haysta 20,723 BTC oo lagu qiimeeyo $2.19 bilyan wallet-kiisa.
Aasaasaha Tron, Justin Sun, ayaa ku dhawaaqay inuu ka qeybgalayo Casho sharafeedka Madaxweyne Trump Khamiista soo socota, isagoo ka mid ah dadka ugu waaweyn ee haysta token-ka TRUMP.
- ๐ Mashruucyada Horumarineed ee Crypto ku socda
Bangiga JPMorgan ma ilaalin doono Bitcoin, balse waxuu u oggolaan doonaa macaamiishiisa inay iibsadaan, sida uu sheegay CEO Jamie Dimon.
Crypto.com ayaa la kaashatay Canary Capital si ay u daahfuraan Canary CRO Trust, kaas oo ah sanduuqii ugu horreeyay ee maalgelin oo ay Maraykanku si buuxda u xakameeyo, kaas oo kaydin doona token-ka CRO.
SEC ayaa dib u dhigay goโaanka ku saabsan soo jeedinta spot ETF-ka Solana ee ay gudbiyeen 21Shares, Bitwise, VanEck, iyo Canary Capital.
- ๐ Maalgashiga ETF-yada iyo Hayโadaha Suuqa crypto
Qiyaastii 6,270 BTC iyo 5,490 ETH ayaa la iibsaday May 19.
ETF-yada BTC waxay heleen qulqul-dakhli oo wadar ahaan gaaraya $667.4 milyan.
ETF-yada ETH waxay heleen qulqul-dakhli dhan $13.7 milyan.
BlackRock spot ETF-yadu waxay iibsadeen 2,870 BTC iyo 5,490 ETH May 19.
Fidelity ayaa iibsatay 1,790 BTC oo qiimahoodu dhan yahay $188 milyan.
6. ๐ค Intelligence-AI
Binance iyo Kraken ayaa si guul leh u adeegsaday qalab amni oo ku saleysan AI si ay uga hortagaan weerarrada social engineering-ka ah ee saameeyay xogta macaamiisha Coinbase. AI-du waxay la socotaa wada sheekaysiga shaqaalaha caawimaadda waxayna xaddidaysaa u helitaanka xogta si faahfaahsan. Coinbase waxay wajahayaan kharash dhan ilaa $400 milyan oo ka dhashay amniga shirkadda oo la jabsaday.
Ku baro halkan crypto bilaw ilaa dhammaad luqaddaada hooyo