">
Skip to content Skip to sidebar Skip to footer

Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee la xiriira crypto, blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto.

  1. 📈 xaalada guud ee Suuqa

Qiimaha guud ee suuqa crypto waxuu marayaa maanta $3.37 Tirilyan, waxuuna kor u kacay 1.37%

Fear and Greed Index: Toolka lagu cabiro kalsoonida maalgashiyaasha ay ku qabaan suuqa waxuu sheygayaa inuu yahey (69), Tani waxay tilmaamaysaa in uu jiro damac ama rabitaan iibsi oo aad u sarreeya waxuuna is badeli karaa daqiiqad kasta.

Bitcoin (BTC): Qiimaha lagu kala iibsanaayo ayaa kor u kacay waxuuna gaaray $$106,592, kor u kac ah 1.19% ayay sameysay maanta.

Ethereum (ETH): Qiimaha Ethereum waxa uu kor u kacay 1.24% 24-kii saac ee u dambeeyay waxa uuna hadda marayaa $2,548.8.

XRP: Waxaa kor u kacay qiimahiisa qiyaastii 0.23%Waxaana hada suuqyada lagu kala iibsanayaa qiimo ah $2.35.

Solana:- Qiimaha Coinka Sol ayaa maanta ku jira kor u kac ah 1.58% waxuuna marayaa qiimihiisa hadda $169.33.

  1. 🏛 Xeerarka Sharciyeed iyo Siyaasada Suuqa

Guddoomiyaha SEC Paul Atkins ayaa sheegay in siyaasadda la xiriirta crypto lagu dejin doono iyada oo la adeegsanayo hannaan sharci-dejin ah oo ku saleysan “ogaysiis iyo faallo,” halkii laga adeegsan lahaa nidaamka awood ku meel-marin sharci ah.

Duqa Magaalada New York Eric Adams ayaa ku dhawaaqay furitaanka golaha latalinta ee crypto-ga intii lagu jiray shirweynaha NYC Crypto Summit.

SEC ayaa dacweysay shirkadda Unicoin ee fadhigeedu yahay New York iyo saddex ka mid ah maamulladeeda sare, iyadoo lagu eedeeyay khiyaano ay ku ururiyeen 110 milyan oo dollar iyagoo ka helay in ka badan 5,000 oo maalgashade ah iyagoo adeegsanaya fikrado marin-habaabin ah.

Aqalka Wakiillada ee Texas ayaa gadhay u mariyey akhrinta labaad ee sharciga kaydka istaraatiijiga ah ee Bitcoin (SB 21), taasoo u dhoweyneysa inuu noqdo sharci rasmi ah.

  1. 🐋 Dhaq-dhaqaaqa Maalgashedeyaasha

Shirkadda blockchain-ka ee BTCS ee ka Diwaan-gashan Nasdaq ayaa iibsatay 3,450 ETH oo ku kacaya 8.42 milyan oo dollar, iyadoo celcelis qiimo ahaan uu ugu joogo 2,441 dollar halkii ETH. Tani waxay keenaysaa wadarta guud ee ETH ay hayso shirkaddu in ay gaarto 12,500.

El Salvador ayaa hadda ku jirta faa’iido aynan wali suuqa kala bixin oo ka badan 350 milyan oo dollar oo ka timid maalgashigooda Bitcoin.

Sida aan ka soo xigannay River, qiyaastii 40% kaydka guud ee Bitcoin ee caalamka waxaa haysta muwaadiniinta Maraykanka iyo shirkadaha Maraykanka.

85ka Shirkadaha ugu sarreeya suuqa crypto ayaa guud ahaan haysta in ka badan 800,000 BTC.

4. 🚀 Mashruucyada Horumarineed ee Crypto ku socda

    Hong Kong ayaa meelmarisay Sharciga Stablecoins-ka si ay u dejiso nidaam laysanka loogu sameeyo shirkadaha soo saara stablecoins-ka ku xiran lacagaha fiat-ka, iyadoo ujeedadu tahay in la dhiirrigeliyo hal-abuurnimada isla markaana la adkeeyo ilaalinta maalgashadayaasha.

    Bitcoin Suisse ayaa ka heshay oggolaansho sharciyeed oo rasmi ah gudaha Abu Dhabi, taasoo calaamad u ah is-ballaadhinteedii ugu horreysay ee ka baxsan Midowga Yurub, iyadoo xiisaha cryptaha ee Bariga Dhexe sii kordhayo.

    5. 📊 Maalgashiga ETF-yada iyo Hay’adaha Suuqa crypto

      Qiyaastii 3,120 BTC iyo 25,640 ETH ayaa la iibsaday May 20.

      ETF-yada BTC waxay heleen qulqul dhaqaale oo gaadhaya 329.2 milyan oo dollar, halka ETF-yada ETH ay heleen 64.8 milyan oo dollar.

      Spot ETF-yada BlackRock ayaa iibsaday 2,720 BTC iyo 17,810 ETH shalay oo ahayd May 20keeda.

      Fidelity ayaa iibsatay 220.79 BTC oo qiimahoodu yahay 23.5 milyan oo dollar.

      6. 🔗Teknooloojiyadda Blockchain

        Open interest-ga Bitcoin features-ka ayaa gaartay heerkii ugu sarreeyay abid oo ah 74.96 bilyan oo dollar.

        Ku baro halkan crypto bilaw ilaa dhammaad luqaddaada hooyo

        Leave a comment