Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee la xiriira crypto, blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.
Halkan waxaad ka aqrisan doontaa dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto.
1. 📈 xaalada guud ee Suuqa
Qiimaha guud ee suuqa crypto waxuu marayaa maanta $3.14 Tirilyan, waxuuna hoos u dhacay 2.19%.
Fear and Greed Index: Toolka lagu cabiro kalsoonida maalgashiyaasha ay ku qabaan suuqa waxuu sheygayaa inuu yahey (40), Tani waxay tilmaamaysaa inay jiro cabsi xooggan laga qabo suuqyada crypto sababaha dagaallada socda oo suuqa jaahwareer ku riday awgeed..
In ka badan $716.67 million ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $629.16 million ay ka yimaadeen dad kor u galay suuqa (long positions).

Xigasho:- Coinglass
Bitcoin (BTC): Qiimaha lagu kala iibsanaayo ayaa hoos u dhac ay waxuuna gaaray $102,671, hoos u dhac ah 1.18% ayay sameysay maanta.
Ethereum (ETH): Qiimaha Ethereum waxa uu hoos u dhacay 6.80% 24-kii saac ee u dambeeyay waxa uuna hadda marayaa $2,277.5.
XRP: Waxaa hoos u dhacay qiimahiisa qiyaastii 5.08% Waxaana hada suuqyada lagu kala iibsanayaa qiimo ah $2.03.
Solana:- Qiimaha Coinka Sol ayaa maanta ku jira hoos u dhac ah 6.40% waxuuna marayaa qiimihiisa hadda $133.11
- 🏛 Xeerarka Sharciyeed iyo Siyaasada Suuqa
Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa habeenkii beegsaday saddexda goobood ee ugu waaweyn ee nukliyeerka Iran, taasoo si toos ah Mareykanka ugu biirisay dagaalka u dhexeeya Iran iyo gumaystaha Israel, inkasta oo Madaxweyne Donald Trump uu muddo dheer ballanqaaday inuu ka fogaado dagaallo cusub.
Sidoo kale Iran ayaa ballan-qaadday in dhammaan gobolku uu dhadhamin doono natiijada weerarka Maraykanku ku duqeeyay warshadahooga nukliyeerka.
Tani waxay noqon kartaa mid saameyn xun ku yeelata Bitcoin iyo dhammaan suuqa crypto.
Guddoomiyaha Texas, Abbott, ayaa saxiixay sharciga Bitcoin Reserve SB 21, isagoo si rasmi ah uga dhigay sharci.
Guddoomiyaha Machadka Qaranka ee Maaliyadda iyo Horumarka ee Shiinaha, Li Yang, ayaa sheegay in stablecoins-ku ay kordhiyaan awoodda doolarka Mareykanka.
Wuxuuna ugu baaqay in la sameeyo stablecoin ku xiran lacagta Shiinaha (RMB) oo laga hirgeliyo Hong Kong si loo difaaco madax-bannaanida lacagta shiinaha.
Thailand ayaa furtay fursad dadweyne oo lagu bixinayo jawaab-celinta sharciyo cusub oo oggolaanaya sarrifyada inay liis gareeyaan tokens-kooda gaarka ah, iyadoo muddada kama dambaysta ah lagu asteeyay July 21-keeda.
- 🔁 Exchange Inflow & Outflow
24-kii saac ee u dambeeyay waxaa Exchanges-yada soo galay Bitcoin dhan 5679.7 BTC oo u dhiganta qiime ahaan $584 million, waxaana ka baxay 4846 BTC oo u dhiganta $498 million, Tani waxay ka turjumaysaa in suuqa halka dadka qaar ay lacagta la baxayaan ay qaar kale u xiisaynayaan inay ka faa’iidaystaan xilligan ay Bitcoin hoos joogto.
- 🐋 Dhaq-dhaqaaqa Maalgashedeyaasha
El Salvador ayaa toddobaadkan ku iibsatay 8 BTC, taasoo wadarta guud ee ay hadda haysato ka dhigaysa 6,215 BTC.
Bitdeer waxay hadda haysataa 1,445.8 BTC kadib markii ay toddobaadkii hore ay iibsatay 36.9 BTC. 49.6 BTC ayay qodatay(Mined), halka 13.8 BTC ay iibisay.
Chainlink ayaa maanta u wareejisay 17.88M LINK (oo u dhiganta $149M) Binance.
- 🚀 Mashruucyada Horumarineed ee Crypto ku socda
Sida aan ka soo xigannay Glassnode, halkii dollar ee ay ku maalgeliyaan Bitcoin hay’adaha dowliga ah wuxuu suurtagal u yahay inuu kor u qaado qiimaha suuqeed ee BTC ilaa $25 waqtiga dhow gudihiis iyo $1.70 muddada dheer.
Mareykanka ayaa hadda bixinaya $3.3 bilyan maalintii oo kaliya lacagta oo dulsaar ah, taasoo ka dhigaysa federaalka kharashkiisa labaad ee ugu weyn .
- 📊 Maalgashiga ETF-yada iyo Hay’adaha Suuqa crypto.
61.18 BTC ayaa la iibsaday halka 4.48K ETH la iska iibiyay June 20-keedii.
ETF-yada BTC ayaa helay $6.40M oo maalgashi cusub ah, halka ETF-yada ETH laga saaray $11.30M.
- 🤖 Intelligence-AI
Elon Musk ayaa qorsheynaya inuu isticmaalo Grok 3.5 si uu “dib uu ugu qoro keydka aqoonta aadamaha.”
Ujeeddadiisu waa inuu saxo khaladaadka uguna tababaro moodeelka xog nadiif ah oo la hagaajiyay.
- 🔗Teknooloojiyadda Blockchain
VITALIK ayaa yidhi “Ethereum L1 waa diiwaanka(Ledger) caalamiga ah ee ugu sarreeya adduunka.”
Ku baro halkan crypto bilaw ilaa dhammaad luqaddaada hooyo