">
Skip to content Skip to sidebar Skip to footer

Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee la xiriira crypto, blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto.

1. 📈 xaalada guud ee Suuqa

    Qiimaha guud ee suuqa crypto waxuu marayaa maanta $3.49 Tirilyan, waxuuna kor u kacay 3.72%.

    Fear and Greed Index: Toolka lagu cabiro kalsoonida maalgashiyaasha ay ku qabaan suuqa waxuu sheygayaa inuu yahey (73), Tani waxay tilmaamaysaa in uu jiro damac ama rabitaan iibsi oo aad u sarreeya waxuuna is badeli karaa daqiiqad kasta.

    Bitcoin waxay soo daalaa-dhacdaba waxay samaysay qiimihii ugu sarreeyay ee taariikhdeeda ay gaadhay qiimahaas oo ah $111,868, illaa haddana kor ayay u sii socotaa.

    Bitcoin (BTC): Qiimaha lagu kala iibsanaayo ayaa kor u kacay waxuuna gaaray $110,640, kor u kac ah 3.76% ayay sameysay maanta.

    Ethereum (ETH): Qiimaha Ethereum waxa uu kor u kacay 4.02% 24-kii saac ee u dambeeyay waxa uuna hadda marayaa $2,649.8.

    XRP: Waxaa kor u kacay qiimahiisa qiyaastii 2.74%Waxaana hada suuqyada lagu kala iibsanayaa qiimo ah $2.42.

    Solana:- Qiimaha Coinka Sol ayaa maanta ku jira kor u kac ah 5.07% waxuuna marayaa qiimihiisa hadda $178.05.

    2. 🏛 Xeerarka Sharciyeed iyo Siyaasada Suuqa

      Mas’uulka crypto ee Trump, David Sacks, ayaa sheegay in sharciga stablecoin-ka uu mari doono Aqalka Senate-ka, taasoo fure u noqon doonta baahi balaadhan oo balaayiin doolar ah oo loo qabi doono bonds-ka(Deynta dawladda) Mareykanka iyada oo loo marayo crypto la nidaamiyay oo ku xidhan dollarka.

      Madaxweynaha El Salvador, Nayib Bukele ayaa muujiyay xoogga kaydka Bitcoin ee dalkiisa iyada oo ay Bitcoin gaadhay $110K.

      Wuxuu yidhi: “Waxay yidhaahdeen, Ha sawirin shaashadaha ee faa’iidada qaado micnaha ku indho-doogso.”

      3.🐋 Dhaq-dhaqaaqa Maalgashedeyaasha

        Ganacsadaha weyn ee Bitcoin James Wynn ayaa ku jira faa’iido aan wali lala bixin oo ka badan $39 milyan, taasoo ka timid Buy dheer oo 40x ah oo uu ku galay BTC qiimihiisuna yahay $1.14 bilyan, iyadoo Bitcoin ay gaadhay $111.9K.

        CZ ayaa yidhi, “Waan ka xumahay kuwa iska iibiyay Bitcoin marka uu qiimuhu gaaray 77k.”

        SAYLOR: “Qofna weligiis kuma khasaarin lacag uu ku iibsaday Bitcoin.”

        Maanta oo kale 15 sano kahor, Laszlo Hanyecz wuxuu sameeyay wax ku iibsigii ugu horreeyay ee Bitcoin isagoo ku iibsaday laba pizza oo Papa John’s ah isagoo bixiyay 10,000 BTC, taasoo waqtigaas ku kacaysay $40.
        Qiimahaas maanta wuxuu dhaafi lahaa $1.1 bilyan.

        4. 🚀 Mashruucyada Horumarineed ee Crypto ku socda

          VolatilityShares waxay berri bilaabeysaa ETF-keedii ugu horreeyay ee 1x XRP futures ah oo loo yaqaan XRPI.

          5. 📊 Maalgashiga ETF-yada iyo Hay’adaha Suuqa crypto

            Qiyaastii 5,680 BTC iyo 237 ETH ayaa la iibsaday May 21.

            ETF-yada BTC waxay heleen qulqul dhaqaale oo gaadhaya 607.1 milyan oo dollar, halka ETF-yada ETH ay heleen 600 kun oo dollar.

            BlackRock ayaa iibsatay 4,970 BTC oo ku kacaya $530.6 milyan May 21.

            Hadda waxay haystaan ku dhowaad 643,974 BTC oo qiimahoodu dhaafayo $67 bilyan.

            6. 🌐 Web3

              VanEck ayaa qorsheynaysa in ay bishan Juun soo saarto sanduuq gaar ah oo Web3 ah oo ku saleysan AVAX.

              Solana Mobile ayaa soo bandhigtay qaab-dhismeedka kaabayaasha decentralised-ka ah ee TEEPIN iyo token-ka SKR oo loogu talagalay qalabkeeda Seeker, kuwaasoo noqonaya tiirarka aasaasiga ah ee nidaamka Web3 ee mobilada.

              Ku baro halkan crypto bilaw ilaa dhammaad luqaddaada hooyo

              1 Comment

              • Chouaib
                Posted May 22, 2025 3:58 pm

                Chouaib

              Leave a comment