Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee la xiriira crypto, blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.
Halkan waxaad ka aqrisan doontaa dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto.
1. 📈 xaalada guud ee Suuqa
Qiimaha guud ee suuqa crypto waxuu marayaa maanta $3.1 Tirilyan, waxuuna kor u kacay 0.54%.
Fear and Greed Index: Toolka lagu cabiro kalsoonida maalgashiyaasha ay ku qabaan suuqa waxuu sheygayaa inuu yahey (37), Tani waxay tilmaamaysaa inay jiro cabsi xooggan laga qabo suuqyada crypto sababaha dagaallada socda oo suuqa jaahwareer ku riday awgeed..
In ka badan $488.11 million ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $315.58 million ay ka yimaadeen dad kor u galay suuqa (long positions).

Xigasho:- Coinglass
Bitcoin (BTC): Qiimaha lagu kala iibsanaayo ayaa kor u kacay waxuuna gaaray $101,979, kor u kac ah 1.30% ayay sameysay maanta.
Ethereum (ETH): Qiimaha Ethereum waxa uu kor u kacay 3.98% 24-kii saac ee u dambeeyay waxa uuna hadda marayaa $2,277.5.
XRP: Waxaa kor u kacay qiimahiisa qiyaastii 2.78% Waxaana hada suuqyada lagu kala iibsanayaa qiimo ah $2.01.
Solana:- Qiimaha Coinka Sol ayaa maanta ku jira kor u kac ah 5.77% waxuuna marayaa qiimihiisa hadda $135.90.
- 🏛 Xeerarka Sharciyeed iyo Siyaasada Suuqa
Trump ayaa bartiisa X ku soo qoray hadal ah ” Ma habboona inaan dhahno waa in la baddalaa xisbiga haya talada Iiraan, balse haddii uu xisbigan Iiraan ka dhigayn mid weyn, maxaa diidaya in la baddelo xisbigan?“.
Hadalkan ayaa noqday mid uu weji-gabax aad u weyn uu kala kulmay Trump, maadaama dad badan ay ugu jawaabeen ” Iiraan weligeedba way wayneyd ee adigu dalkaaga ka adkow!“
Guddiga Stable Token ee gobolka Wyoming ayaa qorsheystay in la bilaabo stablecoin-ka WYST bisha August 20, 2025, inta lagu jiro Shirka Blockchain ee Wyoming ee ka dhacaya Jackson.
- 🔁 Exchange Inflow & Outflow
24-kii saac ee u dambeeyay waxaa Exchanges-yada soo galay Bitcoin dhan 8771.8 BTC oo u dhiganta qiime ahaan $895.3 million, waxaana ka baxay 10,793.3 BTC oo u dhiganta $1.1 billion, Tani waxay ka turjumaysaa in dhaqdhaqaaq aad u weyn inuu jiro suuquna ku jiro xaalad Bitcoin-ta lala baxayo inkasta oo hadda kor u kac fiican ka muuqdo.
- 🐋 Dhaq-dhaqaaqa Maalgashedeyaasha
$1B oo USDT ah (1,001,400,000 USD) ayaa si cusub loogu daabacay Tether Treasury iyadoo lagu saleeyay shabakadda TRON.
Shirkadda Saylor ee Strategy ayaa iibsatay 245 Bitcoin oo qiimahoodu yahay $26M, midkiiba ay ku iibsadeen $105.8K, taasoo wadarta guud ee ay hadda haysato ka dhigaysa 592,345 BTC oo ku fadhiya $41.87B.
Shirkadda maalgashiga guryaha oo ku fadhida $5.1B, Cardone Capital, ayaa iibsatay 1,000 BTC iyada oo qaadatay istaraatijiyad cusub oo isku dhafaysa hantida maguuraanka ah iyo crypto, iyadoo qorsheyneysa inay iibsato 3,000 BTC oo kale sannadkan.
Ganacsade (Whale) ayaa ku shubtay $4.28M oo USDC ah HyperLiquid, wuxuuna furay $101M oo ah ETH long isagoo isticmaalaya 25x leverage.
Metaplanet ayaa iibsatay 1,111 BTC oo qiimahoodu yahay $118.2M, taasoo wadarta guud ee ay hadda haysato ka dhigaysa 11,111 BTC.
- 🚀 Mashruucyada Horumarineed ee Crypto ku socda
Sanduuqyada hantida dhijitaalka ah ayaa galay toddobaadkii 10aad oo xidhiidh ah oo ay lacag ku soo qulqulayso, iyagoo gaadhay $1.24B toddobaadkan, taasoo wadarta guud ee sannadkan (YTD) ka dhigaysa rikoor ah $15.1B, waxaana hogaaminaya $1.1B oo la geliyay BTC iyo $124M oo loo geliyay ETH.
Ganacsade Robert Kiyosaki ayaa ku taliyay in la haysto “dahab, Silver-ka, iyo Bitcoin haddii aad rabto inaad noqoto mid hanti leh marka haqaalaha caalamku dumo.”
CZ ayaa leh “Xusuusnow, caadi ahaan, wax kasta oo ka horreeya heerka ugu sarreeya ee xiga (ATH) waa hoos u dhac.”
Trump Media $DJT ayaa ansixisay dib-iibsasho saamiyo ah oo gaadheysa $400M, taasoo si buuxda uga madax bannaan istaraatijiyaddeeda $2.3B ee keydka Bitcoin, taasoo aan wax isbeddel ah lagu sameynin.
- 📊 Maalgashiga ETF-yada iyo Hay’adaha Suuqa crypto.
ETF-ka Bitcoin ee BlackRock ayaa toddobaadkan guud ahaan iibsaday 11,638 BTC, halka celcelis ahaan kaliya 3,150 BTC la soo saaray.
- 🤖 Intelligence-AI
Dowladda UK ayaa qorsheyneysa inay maalgeliso in ka badan £500M oo lagu horumarinayo tiknoolajiyadda Quantum computing.
Ku baro halkan crypto bilaw ilaa dhammaad luqaddaada hooyo