Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee la xiriira crypto, blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.
Halkan waxaad ka aqrisan doontaa dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto.
1. 📈 xaalada guud ee Suuqa
Qiimaha guud ee suuqa crypto waxuu marayaa maanta $3.36 Tirilyan, waxuuna hoos u dhacay 2.13%.
Fear and Greed Index: Toolka lagu cabiro kalsoonida maalgashiyaasha ay ku qabaan suuqa waxuu sheygayaa inuu yahey (67), Tani waxay tilmaamaysaa in uu jiro damac ama rabitaan iibsi oo aad u sarreeya waxuuna is badeli karaa daqiiqad kasta.
Suuqu maanta gaduud ayuu u badan yahay maadaama uu Trump yidhi maalinkii darraad ahayd ee 23-ka May in wada hadalka lala yeelanayo midawga yurub uu yahay mid aan meelna u socon oo ah madhalays.
Bitcoin (BTC): Qiimaha lagu kala iibsanaayo ayaa gaadhay $107,207, hoos u dhac ah 2% ayay sameysay maanta.
Ethereum (ETH): Qiimaha Ethereum waxa uu hoos u dhacay 2.76% 24-kii saac ee u dambeeyay waxa uuna hadda marayaa $2,497.8.
XRP: Waxaa hoos u dhacay qiimahiisa qiyaastii 2.77%Waxaana hada suuqyada lagu kala iibsanayaa qiimo ah $2.29.
Solana:- Qiimaha Coinka Sol ayaa maanta ku jira hoos u dhac ah 3.28% waxuuna marayaa qiimihiisa hadda $171.83.
2. 🏛 Xeerarka Sharciyeed iyo Siyaasada Suuqa
Shabakadda Plume waxay la kulantay Hay’adda SEC, iyagoo soo jeediyay abuurista DeFi sandbox iyo xeerar cusub oo ku saabsan amniga hantida loo beddelay token (tokenized securities).
- 🔁 Exchange Inflow & Outflow
Inflow: 24-kii saac ee la soo dhaafay, in ka badan $732.60 million Bitcoin u dhiganta ayaa loo wareejiyay suuqyada crypto, taasoo muujinaysa in suuqa cabsi badan laga qabo maadaama uu meeshii u sarraysay gaadhay sidoo kale ay ku dhawaad -4% ay bitcoin hoos u dhacday.
Outflow: Sida aan ka soo xigannay Coinglass, Bitcoin exchange outflow wuxuu muujinayaa in lala baxay bitcoin u dhigan $863,12 million.
4. 🐋 Dhaq-dhaqaaqa Maalgashedeyaasha
James Wynn wuxuu furay trade sell ah (short position) oo ah $111.8 milyan isagoo ku saleynaya 1,038.7 BTC qiimo dhan $107,711.10 halkii Bitcoin; qiimaha la stop-loss (liquidation price) waxuu ka dhigay $149,100.
Isticmaalka USDC ee shabakadda Ethereum ayaa gaadhay heerkii ugu sarreeyay abid (ATH).
Pakistan ayaa u qoondeysay 2,000 megawatt oo koronto ah xarumaha Bitcoin mining iyo xarumaha garaadka macmalka ah (AI), iyadoo la siinayo dhiirrigelin canshuureed.
- 🚀 Mashruucyada Horumarineed ee Crypto ku socda
Maamulaha JPMorgan Jamie Dimon ayaa mar kale xaqiijiyay qorshayaal maalgashi iyo horumarin oo waqti dheer ah gudaha Shiinaha, inkasta oo ay jiraan xiisado ganacsi sida aan ma soo xigannay Bloomberg.
Hantida deynta dowladda Mareykanka ee la token-gareeyay ayaa dhaaftay $7 bilyan, iyadoo BlackRock’s BUIDL uu ku dhow yahay $3 bilyan, tani waxay muujinaysaa xiisaha sii kordhaya ee hay’adaha maaliyadeed u qabaan hantida blockchain-ka ku saleysan.
- 📊 Maalgashiga ETF-yada iyo Hay’adaha Suuqa crypto
Spot Bitcoin ETF-yada waxay gaareen heerkii ugu sarreeyay 2025, iyadoo mugga ganacsiga toddobaadlaha ah uu gaadhay $25 bilyan.
BlackRock’s IBIT ayaa hormuud ka ahayd korodhkaasi, iyadoo leh 30 maalmood oo xidhiidh ah oo aan wax lacag ah oo ka baxday laga diiwaan gelin.
In ka badan $1.2 bilyan ayaa ku qulqulay Bitcoin ETFs kala duwan, oo ay ku jiraan Grayscale Bitcoin Trust (GBTC) iyo ETFs-ka cusub ee spot Bitcoin, kuwaas oo dhammaantood muujinaya kalsoonida sare ee suuqyada.
ETF-ka Ethereum ee BlackRock ayaa isna muujiyay dakhli maalinle ah oo gaadhaya $52.8 milyan, taasoo tilmaamaysa baahida sii kordhaysa ee maalgashadayaasha hay’adaha u qabaan Ethereum.
- 🔗Teknooloojiyadda Blockchain
Xarunta Maaliyadda Qatar (Qatar Financial Centre) ayaa qorsheynaysa inay hantida maguurtada ah ka dhigto kuwo la token-gareeyay, iyadoo bilaabi doonta mashruucyo dhismo oo ka badan $500 milyan.
Waxay sidoo kale baarayaan suurtagalnimada abuurista sanduuqyo token-gareysan iyo dejinta xeerar ku saabsan hantida dhijitaalka ah.
Ku baro halkan crypto bilaw ilaa dhammaad luqaddaada hooyo
2 Comments
Macaga caygu waa abdiraxman ciise shire
Asc team gelle wad ku mahad santihiin shaqada fiican ad haysaan waxaan ustaan geelle si gaar ah ka codsanayaa waxa jirey exchange uu hal cashar kasameeyey mexc exchange inuu ustaadku labo ilaa sadex cashar YouTube ka soo geliyo halkii cashar wan ka faaiidey account kii wan samaystay laakiin waxa an caqabad kala kulmay lacagihii exchange lagu soo liisti gareeyey isla marka magadan karo bal in ustaadku wax nooga iftiimiyo arinkaas dhamaan wad mahad santihiin
abdirahman
wayahay wll