Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee la xiriira crypto, blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.
Halkan waxaad ka aqrisan doontaa dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto.
1. 📈 xaalada guud ee Suuqa
Qiimaha guud ee suuqa crypto waxuu marayaa maanta $3.29 Tirilyan, waxuuna kor u kacay 0.13%.
Fear and Greed Index: Toolka lagu cabiro kalsoonida maalgashiyaasha ay ku qabaan suuqa waxuu sheygayaa inuu yahey (50), Tani waxay tilmaamaysaa in dareenka dadku ay ka qabaan suuqa yahay dhexdhexaad.
In ka badan $226.45 million ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $129.73 million ay ka yimaadeen dad hoos u galay suuqa (short positions).

Xigasho:- Coinglass
Bitcoin (BTC): Qiimaha lagu kala iibsanaayo ayaa kor u kacay waxuuna gaadhay $107,243, kor u kac ah 0.21% ayay sameysay maanta.
Ethereum (ETH): Qiimaha Ethereum waxa uu kor u kacay 1.11% 24-kii saac ee u dambeeyay waxa uuna hadda marayaa $2,448.15.
XRP: Waxaa hoos u dhacay qiimahiisa qiyaastii 0.72% Waxaana hada suuqyada lagu kala iibsanayaa qiimo ah $2.17.
Solana:- Qiimaha Coinka Sol ayaa maanta ku jira hoos u dhac ah 1.65% waxuuna marayaa qiimihiisa hadda $143.46.
- 🏛 Xeerarka Sharciyeed iyo Siyaasada Suuqa
Madaxweyne Trump ayaa sheegay inuu bilaabay wareysiga musharixiinta beddeli doona Guddoomiyaha Fed Jerome Powell, iyadoo 3 ilaa 4 magac la soo hadal qaaday.
Sargaal ka tirsan Aqalka Cad ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay leedahay “qorshe urursi” si ay u iibsato Bitcoin oo loogu talagalay Kaydkeeda Istiraatijiyadeed.
Hong Kong ayaa daahfurtay Policy 2.0 iyadoo lala kaashanayo barnaamijka LEAP si loo horumariyo tokenization-ka iyo stablecoins, iyagoo hiigsanaya in ay hoggaan ka noqdaan hantida dhijitaalka ah ee caalamka.
- 🔁 Exchange Inflow & Outflow
shalay 25-kii June waxaa Exchanges-yada soo galay Bitcoin dhan 29,876.6 BTC oo u dhiganta qiime ahaan $3.2 billion, waxaana ka baxay 31,847 BTC oo u dhiganta $3.42 billion, Tani waxay ka turjumaysaa in dhaqdhaqaaq aad u weyn inuu jiro suuquna ku jiro xaalad Bitcoin-ta lala baxayo inkasta oo hadda kor u kac fiican ka muuqdo.
- 🐋 Dhaq-dhaqaaqa Maalgashedeyaasha
Metaplanet ayaa iibsatay 1,234 $BTC oo ku kacaya $132.7 milyan, taasoo ka dhigtay in kaydkeedu gaadho 12,345 $BTC, isagoo hadda ka badan kaydka Bitcoin ee Tesla.
GameStop ayaa ururisay $450M oo dheeri ah, taasoo wadarta guud ee maalgelinta ka dhigaysa $2.7B si loogu qoondeeyo Bitcoin oo hanti kayd u ah.
Whale ayaa u wareejiyay 274,788 $SOL (oo u dhiganta $39.9M) Stake.com ilaa HyperLiquid, taasoo noqotay kaydka ugu weyn ee hanti spot ah ee halmar la wareejiyo madashooda ahaan.
Shirkadda Mega Matrix ayaa samaysay iibsigeedii ugu horreeyay ee Bitcoin, iyadoo iibsatay 12 BTC oo qiimahoodu yahay $1.27M.
- 🚀 Mashruucyada Horumarineed ee Crypto ku socda
Kraken ayaa helay liisanka MiCA ee Ireland, taasoo u suurtagelinaysa inay si sharciyeysan uga howlgasho dhammaan 30ka waddan ee ku jira Aagga Dhaqaalaha Yurub (EEA).
Shirkadda Trump ee World Liberty Financial ayaa ku dhawaaqday in kooxdeedu ay ka shaqaynayaan sidii $WLFI looga dhigi lahaa mid si fudud loo kala wareejisan karo dhowaan.
Invesco Galaxy ayaa u gudbiyay SEC foomka S-1 si ay u bilaabaan ETF ku saleysan Solana.
Coinbase ayaa ku daahfurtay noocyada ah wrapped Cardano (cbADA) iyo Litecoin (cbLTC) shabakadda Base.
Komishineerka SEC Hester Pierce ayaa sheegtay in bixinta saamiyada beddelkooda tooska ah (in-kind redemptions) ee ETF-yada crypto ay soo dhow yihiin.
NVIDIA ayaa gaadhay heerkii ugu sarreeyay abid, iyadoo qiimaheeda suuqa uu gaadhay $3.75 tirilyan.
Futures-ka $XRP ee CME ayaa gaadhay mug ganacsi oo dhan $542M bishii ugu horreysay, iyadoo 45% ganacsigaas uu ka yimid meel ka baxsan Waqooyiga Maraykanka.
- 📊 Maalgashiga ETF-yada iyo Hay’adaha Suuqa crypto.
Qiyaastii $547.7 milyan oo ah $BTC iyo $60.4 milyan oo ah $ETH ayaa la iibsaday June 25-keedii.
ETF-yada BlackRock ayaa iibsaday 3,210 $BTC iyo 22,550 $ETH June 25.
- 🔗Teknooloojiyadda Blockchain
Galaxy Digital ayaa daahfurtay sanduuq $175M ah si ay ugu taageerto stablecoins, crypto, iyo kaabeyaasha tiknoolajiyadda.
“Stablecoins waxay noqon doonaan qayb weyn oo ka mid ah nidaamka lacag-bixinta,” ayuu yidhi Mike Novogratz.
- 🤖 Intelligence-AI
Bernie Sanders ayaa ka digay in AI ay baabi’in doono malaayiin shaqooyin.
Ku baro halkan crypto bilaw ilaa dhammaad luqaddaada hooyo
1 Comment
Mohamed
H