">
Skip to content Skip to sidebar Skip to footer

Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee la xiriira crypto, blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto.

1. ๐Ÿ“ˆ xaalada guud ee Suuqa

Qiimaha guud ee suuqa crypto waxuu marayaa maanta $3.44 Tirilyan, waxuuna kor u kacay 2.10%.

Fear and Greed Index: Toolka lagu cabiro kalsoonida maalgashiyaasha ay ku qabaan suuqa waxuu sheygayaa inuu yahey (69), Tani waxay tilmaamaysaa in uu jiro damac ama rabitaan iibsi oo aad u sarreeya waxuuna is badeli karaa daqiiqad kasta.

Suuqu maanta gaduud ayuu u badan yahay maadaama uu Trump yidhi maalinkii darraad ahayd ee 23-ka May in wada hadalka lala yeelanayo midawga yurub uu yahay mid aan meelna u socon oo ah madhalays.

Bitcoin (BTC): Qiimaha lagu kala iibsanaayo ayaa kor u kacay waxuuna gaaray $109,807, kor u kac ah 2.13% ayay sameysay maanta.

Ethereum (ETH): Qiimaha Ethereum waxa uu kor u kacay 2% 24-kii saac ee u dambeeyay waxa uuna hadda marayaa $2,564.8.

XRP: Waxaa kor u kacay qiimahiisa qiyaastii 1.71%Waxaana hada suuqyada lagu kala iibsanayaa qiimo ah $2.34.

Solana:- Qiimaha Coinka Sol ayaa maanta ku jira kor u kac ah 3.14% waxuuna marayaa qiimihiisa hadda $177.75.

  1. ๐Ÿ› Xeerarka Sharciyeed iyo Siyaasada Suuqa

Madaxweyne Trump ayaa ogolaaday in dib loo dhigo waqti-dhamaadka canshuurta 50% ee ganacsiga Midowga Yurub (EU) oo markii hore ahayd June 1, loona raray July 9.

Florida ayaa soo jeedisay in la tirtiro canshuurta faa’iidada raasumaalka ee gobolka ee lagu soo rogay Bitcoin, XRP, iyo saamiyada.

Senator-ka Australian-ka ah Rennick ayaa Bitcoin ku tilmaamay โ€œPonzi,โ€ taasoo dhalisay falcelin adag oo ka timid bulshada crypto-ga. “Waa wax aadan cuni karin,” ayuu yiri.

  1. ๐Ÿ” Exchange Inflow & Outflow

Socodka Lacagaha Suuqyada Isweydaarsiga ee 24 Saac ee La Soo Dhaafay:

Bitcoin (BTC):
Inflow: $470.4M | Outflow: $500.1M
Hantida lagala baxayo Exchange-yada ayaa muujinaysa in maal-gashadayaashu u wareejinayaan BTC-ta kayd gaar ah, taas oo tilmaamaysa inay niyadda ku hayaan haysiga BTC muddo dheer .

Ethereum (ETH):
Inflow: $306.7M | Outflow: $324.6M
ETH sidoo kale waxaa ka muuqata in hantida lala baxay ay ka badan tahay ta soo gashay , taasoo tilmaamaysa hoos u dhac ku yimid awoodda iibsiga ee suuqyada isweydaarsiga.

Tether (USDT):
Inflow: $655.9M | Outflow: $656.5M
Stablecoin-ku wuu dheeli-tiran yahay, iyadoo Outflow-ga yar uu muujinayo xasilooni ku jirta dhaqdhaqaaqa suuqa.

4. ๐Ÿ‹ Dhaq-dhaqaaqa Maalgashedeyaasha

Circle ayaa mar kale daabacday $250M oo ah USDC oo lagu salaynayo Solana, taasoo wadarta USDC ee la daabacay bishii May gaadhsiisay $1.5B.

MicroStrategy waxay iibsatay 4,020 BTC oo dheeraad ah oo qiimahoodu yahay $427M midkiiba lagu helay $106K, taasoo hadda ka dhigaysa in ay hayso 580,250 BTC oo qiimahoodu gaarayo $40.6B, iyadoo gaartay faaโ€™iido BTC ah oo dhan 16.8% tan iyo bilowgii sannadka.

Kooxo waaweyn oo bangiyo ah ayaa ka codsanaya SEC inay ka noqoto xeerka shaacinta dhacdooyinka amniga-jebinta internetka, kaas oo shirkadaha gaarka loo leeyahay ku waajibinaya inay shaaciyaan jebinta amniga muddo afar maalmood gudahood ah.

Shirkadda daryeelka caafimaadka ee H100 Group ee dalka Sweden ayaa lacag dhan $2.2 milyan ka heshay maalgelin uu hoggaaminayo Adam Back, si ay u iibsato Bitcoin dheeraad ah.

Whale James Wynn ayaa xidhay Trades-kii Sell-ka ahaa ee 40x ahaa ee uu ku lahaa Bitcoin oo ku kacayay qiyaastii $1 bilyan, isagoo la kulmay khasaare gaadhaya $15.87 milyan.

El Salvador ayaa ku dartay jeebkeeda 8 BTC toddobaadkii la soo dhaafay, iyada oo sii waddo ururinta hantideeda Bitcoin.

5.๐Ÿš€ Mashruucyada Horumarineed ee Crypto ku socda

Waaxda Dhulka ee Dubai ayaa la kaashatay shirkadda Ctrl Alt si ay u bilaabaan Mashruuca Tokenization-ka Hantida Ma-guurtada ah, iyadoo dooratay XRP Ledger in uu noqdo blockchain-ka rasmi ah ee mashruuca.

10x Research waxay muujisay kalsooni hooseysa oo ay ku qabaan Bitcoin ETFs, iyadoo saadaalisay in MicroStrategy ay wajihi karto hoos u dhac gaaraya 25%.

6. ๐Ÿ“Š Maalgashiga ETF-yada iyo Hayโ€™adaha Suuqa crypto

ETF-yada Bitcoin ee suuqyada Mareykanka ayaa toddobaadkan iibsaday 25,500 BTC, halka celcelis ahaan la qoday(Mined) kaliya 3,150 BTC.

7. ๐Ÿค– Intelligence-AI

Nvidia ayaa qorsheynaysa inay soo saarto chips-ka AI-ga oo qiimo jaban ah oo loogu talagalay suuqyada Shiinaha, kaddib xayiraadaha dhoofinta ee ay soo rogtay dowladda Mareykanka, sida ay sheegtay warbixin ka timid Reuters.

Sida laga soo xigtay Palisade Research, moodelka OpenAI ee o3 ayaa diiday in la damiyo inkasta oo si toos ah loogu amray, waxaana la sheegay inuu isbeddel ku sameeyay koodhkiisa si uu uga hortago in la damiyo.

Ku baro halkan crypto bilaw ilaa dhammaad luqaddaada hooyo

Leave a comment