Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee la xiriira crypto, blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.
Halkan waxaad ka aqrisan doontaa dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto.
1. đ xaalada guud ee Suuqa
Qiimaha guud ee suuqa crypto waxuu marayaa maanta $3.45 Tirilyan, waxuuna kor u kacay 0.19%.
Fear and Greed Index: Toolka lagu cabiro kalsoonida maalgashiyaasha ay ku qabaan suuqa waxuu sheygayaa inuu yahey (68), Tani waxay tilmaamaysaa in uu jiro damac ama rabitaan iibsi oo aad u sarreeya waxuuna is badeli karaa daqiiqad kasta.
Bitcoin (BTC): Qiimaha lagu kala iibsanaayo ayaa kor u kacay waxuuna gaaray $109,757, kor u kac ah 0.02% ayay sameysay maanta.
Ethereum (ETH): Qiimaha Ethereum waxa uu kor u kacay 2.89% 24-kii saac ee u dambeeyay waxa uuna hadda marayaa $2,639.8.
XRP: Waxaa hoos u dhacay qiimahiisa qiyaastii 0.60%Waxaana hada suuqyada lagu kala iibsanayaa qiimo ah $2.32.
Solana:- Qiimaha Coinka Sol ayaa maanta ku jira hoos u dhac ah 0.54% waxuuna marayaa qiimihiisa hadda $176.58.
- đ Xeerarka Sharciyeed iyo Siyaasada Suuqa
Dawladda UK ayaa 2025-ka heshay korodhka ugu dhaqsaha badan ee lahaanshaha lacagaha dhijitaalka ah caalamka, inkasta oo aysan jirin xeerar qaran oo cad, sida uu sheegay wakiil ka tirsan Gemini.
Trump Media ayaa beenisay warbixintii ay faafisay Financial Times ee sheegaysay in shirkaddu ay doonayso inay $3 bilyan u ururiso iibsashada Bitcoin iyo crypto, iyadoo sheegtay in wargeyskaasi âwaxaa u shaqeeya qorayaal aan caqli badanayn oo dhageysta ilo kasii liita.â
Thailand ayaa u oggolaan doonta dalxiisayaasha inay wax ku bixiyaan lacagaha dhijitaalka ah iyagoo adeegsanaya kaararka, waxaana ay qorsheyneysaa dib-u-habeyn dhaqaale oo ballaaran si loo mideeyo suuqyada caadiga ah iyo kuwa dhijitaal ah.
Japan ayaa markii ugu horreysay 34 sano gudahood lumisay kaalintii ay ku ahayd deyn-bixiyihii ugu weynaa caalamka, sida ay shaacisay Wasaaradda Maaliyadda ee Japan.
- đ Exchange Inflow & Outflow
Socodka Lacagaha Suuqyada Isweydaarsiga ee 24-kii Saac ee La Soo Dhaafay:
Bitcoin (BTC)
Inflow : $470.4M
Outflow : $500.1M
Faallo: hanti baxa saafiga ah ee BTC wuxuu muujinayaa in maal-gashadayaashu ay u wareejinayaan hantidooda meel ammaan ah (cold storage), taas oo tilmaamaysa kalsooni iyo kaydsashada muddada dheer ah.
Ethereum (ETH)
Inflow: $306.7M
Outflow : $324.6M
Faallo: ETH sidoo kale wuxuu muujiyay in hanti badan laga saartay, taas oo muujinaysa in cadaadiskii iibka uu yaraaday, isla markaana maalgashadayaashu ay bilaabeen kaydinta ETH.
Tether (USDT)
Inflow : $655.9M
Outflow : $656.5M
Faallo: Socodka USDT ayaa aad u dheeli-tiran, iyadoo kala duwanaanshaha yar uu muujinayo xasilooni ku jirta dhaqdhaqaaqa suuqyada lacaga dijitaalka ah.
4. đ Dhaq-dhaqaaqa Maalgashedeyaasha
The Blockchain Group, oo ah shirkaddii ugu horreysay ee Yurub ka samaysa kayd Bitcoin, ayaa qorsheyneysa inay iibsato 590 BTC kaddib marka ay dhamaystirto iibka bonds-keeda.
Satoshi Nakamoto wuxuu haatan haystaa Bitcoin ka badan $120 bilyan. Tani waxay ka dhigan tahay in uu hayo in ka badan 5% tirada guud ee BTC ee hadda jirta.
Circle ayaa beenisay wararka sheegaya in ay wadahadallo iibsasho la wadaan Ripple iyo Coinbase, waxayna sheegtay, âCircle lama iibinayo. Hadafyadeenna fog waxay ahaanayaan sidii hore.â
Qof haysta $TRUMP memecoin oo ku iibsaday qiyaastii $300,000 si uu uga qeyb galo casho lacageed uu Trump qabtay ayaa cunnada ku tilmaamay âqashinâ iyo khudbaddana âMaalaayacni,â isagoo yiri xitaa McDonaldâs ayaa ka fiicnaan lahayd.
Sanduuqyada hantida dhijitaalka ah ayaa la diiwaangeliyay hanti soo-gal dhan $3.3 bilyan toddobaadkii la soo dhaafay, taasoo wadarta guud ee sannadkan ilaa hadda ka dhigaysa rikoor cusub oo ah $10.8 bilyan.
jeeb-waynta Bitcoin ee haysta in ka badan 10,000 BTC ayaa haatan noqday iibiyayaal, halka akoonnada yaryar ay sii wadaan ururinta Bitcoin.
5.đ Mashruucyada Horumarineed ee Crypto ku socda
Madaxa JP Morgan, Jamie Dimon, ayaa sheegay in shirkaddu u oggolaanayso macaamiisheeda inay iibsadaan Bitcoin inkastoo uusan isaga taageersaneyn BTC.
“Waan difaacayaa xuquuqdaada ah inaad iibsato Bitcoin, waa inaad fursaddaas ka faaâiidaysataa.”
Elon Musk ayaa xaqiijiyay in X Money uu bilaabay tijaabadiisa bilawga ah.
âTani waxay marka hore ahaan doontaa mid tijaabo xaddidan ah. Marka kaydka dadka laga hadlayo, waa in si aad u taxaddar badan loo wajahaa.â
6. đ Maalgashiga ETF-yada iyo Hayâadaha Suuqa crypto
24-kii saac ee la soo dhaafay, ETFs-yada Bitcoin ee Mareykanka waxay diiwaangeliyeen hanti soo gashay dhan 1,034 BTC, oo u dhiganta qiyaastii $86.98 milyan.
ETF-ka Fidelity ee Bitcoin (FBTC) ayaa hormuud ka ahaa, isagoo helay 1,113 BTC oo ku kacaya $93.68 milyan.
Dhanka kale, ETFs-yada Ethereum ayaa la kulmay hanti ka baxday oo dhan 4,236 ETH oo u dhiganta $8 milyan.
ETF-ga Fidelity ee Ethereum (FETH) ayaa lahaa hanti baxa ugu weyn, isagoo lumiyay 999 ETH oo ku kacaya $1.89 milyan. Kala duwanaanshahan ayaa muujinaya in hayâadaha maaliyadeed ay hadda si weyn u doorbidayaan Bitcoin marka loo eego Ethereum.
Ku baro halkan crypto bilaw ilaa dhammaad luqaddaada hooyo