Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee la xiriira crypto, blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.
Halkan waxaad ka aqrisan doontaa dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto.
1. 📈 xaalada guud ee Suuqa
Qiimaha guud ee suuqa crypto waxuu marayaa maanta $3.44 Tirilyan, waxuuna hoos u dhacay 0.44%.
Fear and Greed Index: Toolka lagu cabiro kalsoonida maalgashiyaasha ay ku qabaan suuqa waxuu sheygayaa inuu yahey (68), Tani waxay tilmaamaysaa in uu jiro damac ama rabitaan iibsi oo aad u sarreeya waxuuna is badeli karaa daqiiqad kasta.
Bitcoin (BTC): Qiimaha lagu kala iibsanaayo ayaa hoos u dhac ay waxuuna gaaray $108,903, hoos u dhac ah 0.64% ayay sameysay maanta.
Ethereum (ETH): Qiimaha Ethereum waxa uu kor u kacay 0.31% 24-kii saac ee u dambeeyay waxa uuna hadda marayaa $2,652.8.
XRP: Waxaa hoos u dhacay qiimahiisa qiyaastii 0.40%Waxaana hada suuqyada lagu kala iibsanayaa qiimo ah $2.30.
Solana:- Qiimaha Coinka Sol ayaa maanta ku jira hoos u dhac ah 1.42% waxuuna marayaa qiimihiisa hadda $174.38.
- 🏛 Xeerarka Sharciyeed iyo Siyaasada Suuqa
SEC ayaa qaban doontaa shir ku saabsan “Isbeddellada Soo Kordhaya ee Maareynta Hantida” 5-ta June, iyadoo qayb ka mid ah fadhiyada looga hadli doono Hantida Dhijitaalka ah iyo Tokenization-ka.
Komishanarka SEC Hester Peirce iyo xubno ka socda BlackRock, Franklin Templeton, Fidelity, iyo shirkado kale oo waaweyn ayaa ka qeyb gali doona shirkaas.
Agaasimaha Fulinta ee Hantida Dhijitaalka ah, Bo Hines, ayaa yidhi, “Maraykanku wuxuu noqon doonaa awoodda ugu sarreysa ee haysata Bitcoin.”
Senator Lummis: “Inaad yeelato kayd istaraatiiji ah waa habka ugu sarreeya ee lagu helo faa’iido juqraafiyeed.”
- 🔁 Exchange Inflow & Outflow
Socodka Lacagaha Suuqyada Isweydaarsiga ee 24-kii Saac ee La Soo Dhaafay:
Bitcoin (BTC)
Inflow : $1.4B
Outflow : $1.2B
Faallo: hanti baxa saafiga ah ee BTC wuxuu muujinayaa in maal-gashadayaashu ay u wareejinayaan hantidooda suuqyada wax kala iibsiga taas oo ka turjumaysa in iibsasho badan ay jirto.
Ethereum (ETH)
Inflow: $658.2M
Outflow : $651.1M
Faallo: Dakhliga soo galay ee ah ee $7.2M wuxuu muujinayaa dhaqdhaqaaq yar oo suuqyada isweydaarsiga ah, taasoo muujinaysa xasillooni ku jirta dhaqaalaha ETH.
Tether (USDT)
Inflow : $655.9M
Outflow : $656.5M
Faallo: Socodka USDT ayaa aad u dheeli-tiran, iyadoo kala duwanaanshaha yar uu muujinayo xasilooni ku jirta dhaqdhaqaaqa suuqyada lacaga dijitaalka ah.
4. 🐋 Dhaq-dhaqaaqa Maalgashedeyaasha
Shirkadda Gamestop ayaa iibsatay 4,710 BTC.
SAYLOR: “Marka Bitcoin ay Wall Street ka noqoto 10% , qiimaha Bitcoin wuxuu gaadhi doonaa hal milyan halkii coin.”
- 🚀 Mashruucyada Horumarineed ee Crypto ku socda
SEC ayaa si rasmi ah u eegaysa soo-jeedinta WisdomTree ee spot XRP ETF, waxaana hadda la furay qabashada faallooyinka dadweynaha.
Block waxay bilaabi doontaa in wax lagu gato Bitcoin iyada oo loo marayo Square, iyadoo la bilaabi doono badhka labaad ee 2025-ka lana gaadhsiin doono dhammaan ganacsatada u qalma sanadka 2026.
- 📊 Maalgashiga ETF-yada iyo Hay’adaha Suuqa crypto
Qiyaastii 3,520 BTC iyo 15,140 ETH ayaa la iibsaday May 27.
ETF-yada Bitcoin waxay heleen qulqul dakhli oo gaadhaya $385.4M.
ETF-yada Ethereum-na waxay diiwaan geliyeen $38.8M oo ah qulqul dakhli ah.
Warbixinta gudaha ee BlackRock ayaa muujisay in ay haystaan 2,123,592 saamiyo ka mid ah ETF-keeda Bitcoin (IBIT), kuwaas oo qiimahoodu yahay $99.4M ilaa March 31-keedii, taasoo ah korodh 25% marka loo eego saamiyadii hore ee 1,691,143 ahaa.
- 🤖 Intelligence-AI
Grayscale waxay soo bandhigtay qayb cusub oo loo yaqaan “AI Crypto Sector” oo ka kooban 20 token, kuwaas oo qiimahoodu gaarayo qiyaastii $21 bilyan.
Ku baro halkan crypto bilaw ilaa dhammaad luqaddaada hooyo