Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee la xiriira crypto, blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.
Halkan waxaad ka aqrisan doontaa dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto.
1. π xaalada guud ee Suuqa
Qiimaha guud ee suuqa crypto waxuu marayaa maanta $3.39 Tirilyan, waxuuna kor u kacay 2.73%.
Fear and Greed Index: Toolka lagu cabiro kalsoonida maalgashiyaasha ay ku qabaan suuqa waxuu sheygayaa inuu yahey (54), Tani waxay tilmaamaysaa in dareenka dadku ay ka qabaan suuqa yahay mid damac u janjeedha maadaama suuqu dib u soo kacay.
In ka badan $333.91 million ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $280.81 million ay ka yimaadeen dad hoos u galay suuqa (short positions).

Xigasho:- Coinglass
Bitcoin (BTC): Qiimaha lagu kala iibsanaayo ayaa kor u kacay waxuuna gaadhay $109,605, kor u kac ah 1.96% ayay sameysay maanta.
Ethereum (ETH): Qiimaha Ethereum waxa uu kor u kacay 6.26% 24-kii saac ee u dambeeyay waxa uuna hadda marayaa $2,600.05.
XRP: Waxaa kor u kacay qiimahiisa qiyaastii 5.47% Waxaana hada suuqyada lagu kala iibsanayaa qiimo ah $2.29.
Solana:- Qiimaha Coinka Sol ayaa maanta ku jira kor u kac ah 4.11% waxuuna marayaa qiimihiisa hadda $154.52.
- π Xeerarka Sharciyeed iyo Siyaasada Suuqa
Trump ayaa ku baaqay in Guddoomiyaha Fed, Jerome Powell, uu βsi degdeg ahβ isku casilo.
Arthur Hayes wuxuu ku doodayaa in bangiyada Mareykanka haddii ay qaataan isticmaalka stablecoins ay keeni karaan awood wax-iibsasho oo gaadhaysa $6.8 trillion oo loogu talagalay iibsashada deynta dawladda Mareykanka (US Treasuries).
Wuxuu arrintan ku tilmaamay βlacag daabacaad deyn ah oo loo ekaysiiyay Ethereum,β wuxuuna talo ahaan ku dhiirrigeliyay in la maalgashado Bitcoin.
Shirkadda maaliyadeed ee SIFMA ayaa ku boorrisay SEC in ay diido codsiyada raadinaya in laga helo oggolaansho gaar ah oo u oggolaanaya in saamiyada la token-gareeyey ee crypto laga ganacsado.
Waxay ku doodayaan in isbeddellada noocan oo kale ah ee qaab dhismeedka suuqyada wax ka baddelaya ay tahay in loo maro hab-raaca saxda ah ee ogaysiiska iyo faallooyinka dadweynaha halkii laga siin lahaa oggolaansho degdeg ah oo aan tallaabo laga qaadin (no-action relief).
- π Exchange Inflow & Outflow
Maalinkii shalay ee 2-da July waxaa Exchanges-yada soo galay Bitcoin dhan 28,163.1 BTC oo u dhiganta qiime ahaan $3.06 billion, waxaana ka baxay 31,878.55 BTC oo u dhiganta $3.47 billion, Tani waxay ka turjumaysaa in dhaqdhaqaaq aad u weyn inuu jiro suuquna ku jiro xaalad Bitcoin-ta lala baxayo inkasta oo hadda kor u kac fiican ka muuqdo suuqa.
- π Dhaq-dhaqaaqa Maalgashedeyaasha
Circle ayaa mar kale 250 milyan oo $USDC ah ku daabacday shabakadda Solana.
Wallet Jump Crypto la xidhiidha ayaa ku wareejisay 7,499 $BTC oo u dhiganta $816M cinwaan cusub kaddib markii uu labadii sano ee la soo dhaafay aanay wax dhaqdhaqaaq ah ka muuqan.
Qof maalgeliye ah oo horey u galay ICO-ga Ethereum ayaa ku shubay 1,000 $ETH ($2.6M) barta Kraken, iyadoo wali uu haysto 3,000 $ETH oo ka mid ah 100K uu markii hore ku iibsaday kaliya $31K.
Qoyska Trump ayaa ka helay ugu yaraan $620 milyan ganacsiyada cryptocurrency, oo ay ku jiraan iibinta tokens, memecoin sumaddeedu tahay Trump, iyo 20% saamiga shirkadda American Bitcoin.
- π Mashruucyada Horumarineed ee Crypto ku socda
Shirkadda dahabka qoda ee Hamak Limited ayaa ku dhawaaqday inay ku dari doonto Bitcoin kaydka maaliyadeed ee shirkadda.
Bangiga AMINA ee laga diiwaangeliyey Switzerland ayaa noqday bangigii ugu horreeyay ee caalami ah ee taageera stablecoin-ka Ripple ee $RLUSD, isagoo bixiya adeegyada kaydinta iyo ganacsiga macaamiisha hay’adaha ah.
Guddiga Bangiyada ee Senate-ka ayaa qaban doona dhageysi ku saabsan qaab-dhismeedka suuqa crypto-ga bisha July 9-keeda, 2025.
Ka qayb-galeyaasha waxaa ka mid ah Maamulaha Guud ee Blockchain Association Summer Mersinger, Maamulaha Guud ee Chainalysis Jonathan Levin, Maamulaha Guud ee Ripple Brad Garlinghouse, iyo Wakiilka Guud ee Paradigm Dan Robinson.
- π Maalgashiga ETF-yada iyo Hayβadaha Suuqa crypto.
ETF-yada Bitcoin-ka ee suuqa Mareykanka Spot Bitcoin ETF-yada Maraykanka ayaa diiwaangeliyeen qulqul maalgelin ah oo soo galay oo gaadhaya $407.8 milyan bishii July 2-deedii, halka ETF-yada Ethereum ay la kulmeen lacag maalgelin ah oo lagala baxay dhanna $1.9 milyan.
Fidelity spot Ethereum ETF ayaa iibsaday 10,730 $ETH oo qiimahoodu yahay $25.8 milyan taariikhdu markay ahayd July 2-deedii.
- π€ Intelligence-AI
OpenAI waxay caddeysay in “OpenAI tokens” aysan ahayn saamiyo sharci ah, iyagoo sheegay inaysan la shaqeynin Robinhood isla markaana aysan ku lug lahayn abuurista tokens-ka.
Ku baro halkan crypto bilaw ilaa dhammaad luqaddaada hooyo