">
Skip to content Skip to sidebar Skip to footer

Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee la xiriira crypto, blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto.

1. 📈 xaalada guud ee Suuqa

Qiimaha guud ee suuqa crypto waxuu marayaa maanta $3.32 Tirilyan, waxuuna kor u kacay 1.78%.

Fear and Greed Index: Toolka lagu cabiro kalsoonida maalgashiyaasha ay ku qabaan suuqa waxuu sheygayaa inuu yahey (58), Tani waxay tilmaamaysaa in uu jiro damac ama rabitaan iibsi waxuuna is badeli karaa daqiiqad kasta.

Bitcoin (BTC): Qiimaha lagu kala iibsanaayo ayaa hoos u dhac ay waxuuna gaaray $108,283, kor u kac ah 0.93% ayay sameysay maanta.

Ethereum (ETH): Qiimaha Ethereum waxa uu kor u kacay 4.95% 24-kii saac ee u dambeeyay waxa uuna hadda marayaa $2,608.8.

XRP: Waxaa kor u kacay qiimahiisa qiyaastii 3.33% Waxaana hada suuqyada lagu kala iibsanayaa qiimo ah $2.21.

Solana:- Qiimaha Coinka Sol ayaa maanta ku jira kor u kac ah 4.40% waxuuna marayaa qiimihiisa hadda $161.03.

  1. 🏛 Xeerarka Sharciyeed iyo Siyaasada Suuqa

Daynta guud ee lagu leeyahay dawladda Mareykanka ayaa gaadhay rikoor cusub oo ah $36 tirilyan.

Lacagta M2 ee Mareykanka ayaa gaadhay heerkii ugu sarreeyay abid oo ah $21.86 tirilyan.

Maamulka Trump ayaa ku cadaadinaya dalalka inay keenaan dalabkooda ganacsi ee ugu dambeeya ka hor Arbacada, si looga hortago in canshuuraha cusub lagu soo rogo marka la gaaro waqtiga kama dambaysta ah ee 8-da July.

Madaxweyne Trump ayaa difaacday tallaabada uu ugu magac daray ‘Big, Beautiful Bill’ isagoo ku tilmaamay “yarayn kharash tii ugu weyneyd taariikhda”.

Madaxweyne Trump ayaa yiri, “Sababta Canshuuraha Soo Dejinta(Tariffs) darteed , dhaqaalahayagu wuu kobcayaa!”

Khasaaraha ganacsiga badeecadaha Mareykanka ayaa hoos ugu dhacay $87.6 bilyan bishii April, taasoo ah heerkii ugu hooseeyey tan iyo September 2023-kii, kadib markii cashuuraha laga qaaday badeecadaha dibadda laga keeno ay keeneen hoos u dhac ku yimid waxyaabaha la keeno, halka waxyaabaha la dhoofinayana ay gaadheen heerkii ugu sarreeyey abid.

    3. 🐋 Dhaq-dhaqaaqa Maalgashedeyaasha

      Kooxda Blockchain Group ayaa iibsatay Bitcoin ku kacaya $69 milyan, taasoo u kordhisay tirada guud ee ay hayaan ilaa 1,471 BTC.

      Tether iyo Bitfinex ayaa u wareejiyey 25,812 BTC oo qiimahoodu yahay $2.7 bilyan shirkadda Jack Mallers ee Twenty One Capital, si ay u hormariyaan maalgelinta horudhaca ah ee shirkadaha kaydka Bitcoin.

      Iibsadayaasha hay’adaha ah ayaa kor u qaaday baahida Bitcoin sanadka 2025, iyaga oo ku daray 417,000 BTC, halka shakhsiyaadku ay iibiyeen 158,000 BTC ilaa sannadkan, sida aan ka soo xigannay Bitwise.

      Qiimaha guud ee suuq-geynta lacagaha xasilloon (stablecoins) ayaa markii ugu horreysay dhaafay $250 bilyan.

      4. 🚀 Mashruucyada Horumarineed ee Crypto ku socda

        Stablecoin-ka RLUSD ee Ripple ayaa loo ansixiyay inuu noqdo lacag rasmi ah oo laga aqoonsan yahay isticmaalkeeda gudaha Xaruun Maaliyadeedka Caalamiga ah ee Dubai (DIFC) iyadoo ay oggolaatay Hay’adda Adeegyada Maaliyadeed ee Dubai (DFSA).

        Shirkadda Solana ayaa la saxiixatay Heshiis Isfahan (MoU) Hay’adda Kormeerka iyo Maamulka Maalgashiga Dijitaalka ah ee Dubai (VARA) si loo bilaabo Aagga dhaqaaleed ay Solana leedahay lana xoojiyo iskaashiga ka dhexeeya horumariyeyaasha iyo sharci-dejiyeyaasha.

        5. 📊 Maalgashiga ETF-yada iyo Hay’adaha Suuqa crypto.

          Ku dhowaad 2,530 BTC ayaa la iibiyey halka 30,810 ETH la iibsaday June 2-deedii.

          ETF-yada BTC waxay la kulmeen hanti ka baxday oo dhan $267.5M.

          ETF-yada ETH waxay heleen hanti soo gashay oo dhan $78.2M.

          ETF-ga BlackRock ayaa iibsaday 19,070 ETH oo qiimahoodu yahay $48.4M June 2-deedii.

          6. 🤖 Intelligence-AI

            Milkiilaha Facebook ee Meta ayaa heshiis la galay shirkadda Constellation si uu uga iibsado koronto nukliyeer ah, iyadoo baahida AI ay si xowli ah u kordhayso.

            Ku baro halkan crypto bilaw ilaa dhammaad luqaddaada hooyo

            1 Comment

            • Aden Roble
              Posted June 3, 2025 4:38 pm

              Ustaad waad mahadsantahay sida wanaagsan ee aad macluumaadka suuqa iyo updatkii ugu danbeyey aad noo siisid

            Leave a comment