">
Skip to content Skip to sidebar Skip to footer

Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee la xiriira crypto, blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto.

1. 📈 xaalada guud ee Suuqa

Qiimaha guud ee suuqa crypto waxuu marayaa maanta $3.35 Tirilyan, waxuuna hoos u dhacay 0.48%.

Fear and Greed Index: Toolka lagu cabiro kalsoonida maalgashiyaasha ay ku qabaan suuqa waxuu sheygayaa inuu yahey (55), Tani waxay tilmaamaysaa in dareenka dadku ay ka qabaan suuqa yahay mid damac u janjeedha maadaama suuqu dib u soo kacay.

In ka badan $170.84 million ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $104.10 million ay ka yimaadeen dad kor u galay suuqa (Long positions).

Xigasho:- Coinglass

Bitcoin (BTC): Qiimaha lagu kala iibsanaayo ayaa hoos u dhacay waxuuna gaadhay $108,757, hoos u dhac ah 0.15% ayay sameysay maanta.

Ethereum (ETH): Qiimaha Ethereum waxa uu hoos u dhacay 1.16% 24-kii saac ee u dambeeyay waxa uuna hadda marayaa $2,546.70.

XRP: Waxaa hoos u dhacay qiimahiisa qiyaastii 1.50% Waxaana hada suuqyada lagu kala iibsanayaa qiimo ah $2.23.

Solana:- Qiimaha Coinka Sol ayaa maanta ku jira hoos u dhac ah 1.54% waxuuna marayaa qiimihiisa hadda $150.16.

  1. 🏛 Xeerarka Sharciyeed iyo Siyaasada Suuqa

Aqalka Wakiillada Mareykanka ayaa ku dhawaaqay “Toddobaadka Crypto” laga bilaabo July 14 ilaa 18, iyadoo diiradda la saarayo saddex sharci oo waaweyn: Sharciga CLARITY, Sharciga Ka-hortagga Kormeerka Dawlada ee CBDC, iyo Sharciga GENIUS.

Mid ka mid ah suuqyada ugu weyn Shiinaha, JD.com, iyo qeybta fintech ee Alibaba, Ant Group, ayaa ka codsanaya bangiga dhexe in la sameeyo stablecoins ku saleysan yuan, iyagoo ujeedadoodu tahay inay xoojiyaan kaalinta yuan ee caalamiga ah isla markaana caqabado ku keenaan awoodda doolarka Mareykanka ee bixinta lacagaha dhijitaalka ah.

Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF) ayaa diiday qorshaha Pakistan ee ah in koronto la dhimay loo isticmaalo qoditaanka Bitcoin, isagoo ka digay in arrintani ay keeni karto in suuqa tamarta uu xasillooni darro galo.

  1. 🔁 Exchange Inflow & Outflow

Maalinkii shalay ee 3-da July ,2025-ka waxaa Exchanges-yada soo galay Bitcoin dhan 21,402.2 BTC oo u dhiganta qiime ahaan $2.34 billion, waxaana ka baxay 22,314.2 BTC oo u dhiganta $2.44 billion, Tani waxay ka turjumaysaa inuusuuqu ku jiro xaalad Bitcoin-ta lala baxayo.

  1. 🐋 Dhaq-dhaqaaqa Maalgashedeyaasha

Circle ayaa soo saartay 250,000,000 $USDC oo ku saleysan Solana.

James Fickel, oo ah mid taageera kor u kaca ETH/BTC, ayaa u wareejiyay 80,000 ETH ($204 milyan) Coinbase Prime waa dhaqdhaqaaqiisii ugu horreeyay muddo 6 bilood ah.

Shirkadda DeFi Development Corp ayaa iibsatay 17,760 $SOL oo qiimahoodu yahay qiyaastii $2.7 milyan, taasoo ka dhigaysa wadarta guud ee ay kaydsatay 640,585 $SOL.

Ganacsatada Bitcoin ayaa iska iibiyay in ka badan 500,000 $BTC oo qiimahoodu yahay $50 bilyan sanadkii la soo dhaafay, halka hay’aduhu ay iibsadeen ku dhawaad 900,000 $BTC, taasoo muujinaysa isbeddel xagga xakamaynta suuqa Bitcoin sida ay uu qabo wargayska Bloomberg.

  1. 🚀 Mashruucyada Horumarineed ee Crypto ku socda

Ripple iyo Tenity ayaa daahfuray barnaamijka XRPL Accelerator ee Singapore, iyaga oo bixinaya deeqo gaadhsiisan ilaa $200,000.

Barnaamijkan wuxuu diiradda saarayaa shirkadaha billowga ah ee XRPL ku dhisan ee ku yaalla gobolka Asia Pacific.

Maamul hore oo ka tirsanaa Gemini iyo Agaasimihii Guud ee hore ee Bank of Ireland, Gillian Lynch, ayaa ku biirtay Binance iyadoo noqotay Madaxa qaybaha Yurub iyo UK.

FTX ayaa laga yaabaa inay ka reebto isticmaaleyaasha ku sugan 49 waddan magdhowga, sababo la xidhiidha mamnuucidda dawladahooga maxalliga ah ee cryptocurrency.

In ka badan 82% dadka sheegtay lacagta la dhacay waxay ka soo jeedaan Shiinaha.

Bitstamp oo ka tirsan Robinhood ayaa heshay rukhsadda MAS si ay uga howlgasho Singapore, taasoo calaamad u ah is-ballaadhinta uu exchange-gan ka wado gobolka Asia-Pacific.

VITALIK BUTERIN: “Ethereum way guulaysatay iyada oo ka gudubtay dhammaan filashooyinkii xumaa.

  1. 📊 Maalgashiga ETF-yada iyo Hay’adaha Suuqa crypto.

Qiyaastii $601.8 milyan oo ah $BTC iyo $148.5 milyan oo ah $ETH ayaa la iibsaday July 3-deedii.

BlackRock spot Ethereum ETF ayaa iibsaday 33,240 $ETH oo qiimahoodu yahay $85.4 milyan taariikhdu markay ahayd July 3-deedii.

Bitcoin ETF-ka BlackRock ee $IBIT ayaa noqday maalgashiga saddexaad ee ugu dakhliga badan shirkadda oo leh in ka badan 1,197 oo maalgashi, sida uu sheegay Eric Balchunas.

Ku baro halkan crypto bilaw ilaa dhammaad luqaddaada hooyo

Leave a comment