">
Skip to content Skip to sidebar Skip to footer

Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee la xiriira crypto, blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto.

1. 📈 xaalada guud ee Suuqa

Qiimaha guud ee suuqa crypto waxuu marayaa maanta $3.33 Tirilyan, waxuuna kor u kacay 0.30%.

Fear and Greed Index: Toolka lagu cabiro kalsoonida maalgashiyaasha ay ku qabaan suuqa waxuu sheygayaa inuu yahey (57), Tani waxay tilmaamaysaa in uu jiro damac ama rabitaan iibsi waxuuna is badeli karaa daqiiqad kasta.

Bitcoin (BTC): Qiimaha lagu kala iibsanaayo ayaa kor u kacay waxuuna gaaray $105,720, kor u kac ah 0.32% ayay sameysay maanta.

Ethereum (ETH): Qiimaha Ethereum waxa uu kor u kacay 0.86% 24-kii saac ee u dambeeyay waxa uuna hadda marayaa $2,638.8.

XRP: Waxaa kor u kacay qiimahiisa qiyaastii 2.31% Waxaana hada suuqyada lagu kala iibsanayaa qiimo ah $2.25.

Solana:- Qiimaha Coinka Sol ayaa maanta ku jira hoos u dhac ah 2.92% waxuuna marayaa qiimihiisa hadda $156.73.

  1. 🏛 Xeerarka Sharciyeed iyo Siyaasada Suuqa

Trump ayaa la filayaa inuu la hadlo Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping, maalinta Jimcaha.

Golaha Wakiillada California ayaa meel mariyay sharci u oggolaanaya gobolka inuu aqbalo lacag-bixinta Bitcoin iyo lacagaha dhijitaalka ah, iyadoo cod aqlabiyad ah oo 68-0 ah lagu ansixiyay, waxaana hadda loo gudbinayaa Aqalka Senate-ka.

Guddoomiyaha SEC Paul Atkins ayaa sheegay in siyaasadda la xidhiidha lacagaha dhijitaalka ah lagu sameyn doono hab sharci dejin dadweyne ah oo ku saleysan ogeysiis iyo faallo dadku ku dhiibanayaan fikirkooda, halkii laga mari lahaa hab fulin sharciyeed ah.

Wasiirka hantida dhijitaalka ah ee Pakistan, Bilal Bin Saqib, ayaa la kulmay Bo Hines oo ah mid u dooda siyaasadda lacagaha dhijitaalka ah ee Mareykanka ahna musharraxii hore ee Kongareeska, si ay uga wada hadlaan iskaashi ku saabsan tiknoolajiyada lacagaha loo yaqaan ‘crypto‘.

Maamulaha guud ee Coinbase, Brian Armstrong, ayaa sheegay in “Bitcoin ay noqon doonto lacagta kaydka caalamiga ab” haddii Kongareesku uusan yareyn xawliga hoos u dhaca dhaqaalaha isla markaana aysan bixin deymaha dowladda.

La-taliyaha dhaqaale ee Trump, Kevin Hassett, ayaa shaaciyay inuu haysto saamiyo Coinbase ah oo u dhaxeeya $1 milyan ilaa $5 milyan, sida uu u sheegay Bloomberg.

Wuxuu sidoo kale caddeeyay inuu mushaar dhan $50,000 ka helay Coinbase isagoo ka tirsan guddiga maamulka shirkadda.

  1. 🔁 Exchange Inflow & Outflow

24-kii saac ee u dambeeyay waxaa Exchanges-ka soo galay Bitcoin dhan 4354.14 BTC oo u dhiganta qiime ahaan $460 million, waxaana ka baxay 15,660.75 BTC oo u dhiganta $1.65 billion, Tani waxay ka turjumaysaa in lagala baxayo Bitcoin-ta suuqyada isweydaarsiga hantiyada dhijitaalka ah oo loo wareejinayo kaydad la taaban karo(physical wallets).

  1. 🐋 Dhaq-dhaqaaqa Maalgashedeyaasha

Aasaasaha Ethereum Vitalik Buterin ayaa hadda u wareejiyay 693.91 ETH ($1.83 milyan) iyo $340 kun oo USDC ah mashruuca RAILGUN.

Circle ayaa mar kale daabacday $250 milyan oo USDC ah oo ku saleysan Solana, sidoo kale waxay $100 million ku daabaceen USDC.

Shirkadda dillaasha cryptada ee fadhigeedu yahay Norway, K33, ayaa samaysay iibsigeedii ugu horreeyay ee Bitcoin iyadoo iibsatay 10 BTC, taasoo qeyb ka ah istaraatiijiyaddeeda kaydka Bitcoin, iyagoo ujeedadoodu tahay in ay ururiyaan 1,000 BTC.

Senator Lummis: “Amniga maaliyadeed waa amniga qaran. Waxaan u baahanahay kayd istaraatiiji ah oo Bitcoin ah, waxaana arrintan igu raacsan saraakiisha milatari ee Mareykanka.”

  1. 🚀 Mashruucyada Horumarineed ee Crypto ku socda

Madaxweyne Trump ayaa daahfuray galiyayna liiska sugitaanka ee rasmiga ah wallet dhijitaal ah oo uu ugu magacdaray TRUMP Wallet.

Shirkadda Truth Social ee Madaxweyne Trump ayaa gudbisay codsi si ay u sameyso Bitcoin ETF.

151,820 wallet oo haysta 10 ilaa 10,000 BTC ayaa toddobaadkan iibsaday 79,244 BTC, taasoo celcelis ahaan ka dhigan in ka badan 11,000 BTC maalintii inay iibsanayeen.

Ripple ayaa soo saartay Warbixinteeda sannadlaha ah ee 2024, iyadoo ku deeqday $21 milyan oo cusub, taasoo ka dhigaysa guud ahaan deeqaha ay bixisay in ka badan $200 milyan.

  1. 📊 Maalgashiga ETF-yada iyo Hay’adaha Suuqa crypto.

Qiyaastii 3,540 BTC ayaa la iibiyay halka 42,010 ETH la iibsaday June 3-deedii.

ETF-yada BTC waxay heleen $375.1 milyan oo dhaqaale soo galay ah (net inflows).

ETF-yada ETH waxay heleen $109.5 milyan oo dhaqaale soo galay ah.

Spot ETF-ka BlackRock ayaa iibsaday 29,580 ETH oo qiimahoodu yahay $77.1 milyan June 3-deedii. Hadda waxa uu haystaa ETH ka badan $4 bilyan qiime ahaan.

Ku baro halkan crypto bilaw ilaa dhammaad luqaddaada hooyo

Leave a comment