Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee la xiriira crypto, blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.
Halkan waxaad ka aqrisan doontaa dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto.
1. š xaalada guud ee Suuqa
Qiimaha guud ee suuqa crypto waxuu marayaa maanta $3.29 Tirilyan, waxuuna hoos u dhacay 1.05%.
Fear and Greed Index: Toolka lagu cabiro kalsoonida maalgashiyaasha ay ku qabaan suuqa waxuu sheygayaa inuu yahey (55), Tani waxay tilmaamaysaa in uu jiro damac ama rabitaan iibsi waxuuna is badeli karaa daqiiqad kasta.
Bitcoin (BTC): Qiimaha lagu kala iibsanaayo ayaa hoos u dhac ay waxuuna gaaray $104,817, hoos u dhac ah 0.59% ayay sameysay maanta.
Ethereum (ETH): Qiimaha Ethereum waxa uu hoos u dhacay 0.91% 24-kii saac ee u dambeeyay waxa uuna hadda marayaa $2,607.8.
XRP: Waxaa hoos u dhacay qiimahiisa qiyaastii 2.14% Waxaana hada suuqyada lagu kala iibsanayaa qiimo ah $2.25.
Solana:- Qiimaha Coinka Sol ayaa maanta ku jira hoos u dhac ah 2.52% waxuuna marayaa qiimihiisa hadda $152.07.
- š Xeerarka Sharciyeed iyo Siyaasada Suuq
Trump ayaa ku baaqay in gebi ahaanba la tirtiro xadka deynta Mareykanka, isagoo uga digay in uu yahay khatar sababi karta masiibo dhaqaale.
Golaha Wakiillada California ayaa meel mariyay sharci cusub oo nidaaminaya hantida dijitaalka ah iyadoo la hoos keenayo xeerka āUnclaimed Propertyā, kaasoo dhigaya in Bitcoin iyo lacagaha kale ee dijitaalka ah ee lagu ilaaway is-weydaarsiyada muddo 3 sano ah lagu wareejiyo dowladda, ka hor inta aysan milkiilayaashu dib u dalban karin. Sharcigan ayaa hadda u gudbay Aqalka Senate-ka.
Senate-ka ayaa ansixiyay Michelle Bowman inay noqoto Ku-xigeenka Guddoomiyaha Sare ee Kormeerka ee Federal Reserve, iyadoo cod ah 48-46 lagu beddelay Michael Barr, waxaana ay xilkan hayn doontaa muddo afar sano ah iyadoo noqoneysa kormeeraha ugu sarreeya ee bangiyada ee Fed-ka.
- š Exchange Inflow & Outflow
24-kii saac ee u dambeeyay waxaaĀ Exchanges-ka soo galay Bitcoin dhanĀ 6639Ā BTC oo u dhiganta qiime ahaan $695Ā million, waxaana ka baxayĀ 6836.8Ā BTC oo u dhiganta $716Ā million, Tani waxay ka turjumaysaa in maanta dhaqdhaqaaq xooggan uunan jirin oo suuqu xasilloon yahay.
- š Dhaq-dhaqaaqa Maalgashedeyaasha
Wallet lala xidhiidhiyo Consensys ayaa hadda ka iibsatay ETH qiimihiisu dhan yahay $320 milyan shirkadda Galaxy Digital.
Nin maalqabeen ah (whale) ayaa hadda ka iibsaday 3,046 ETH oo qiimahoodu yahay $7.97 milyan suuqyada Binance.
Shirkadda maareysa maalgashiyada ee APS, oo gacanta ku haysa hanti gaadhaysa $13 bilyan, ayaa sameysay iibsigii ugu horreeyay ee hayāadeed ee guryo tokenized ah ay ku iibsato, iyadoo $3.4 milyan ku iibsatay hanti guriyeed oo ku taalla Talyaaniga, iyada oo adeegsanaysa madasha MetaWealth.
- š Mashruucyada Horumarineed ee Crypto ku socda
Sui ayaa la kaashatay Hayāadda Maamulka Dhaqaalaha Dhijitaalka ah ee Dubai (VARA) si ay u taageeraan shirkadaha bilowga ah, u horumariyaan kartida maxalliga ah, una bixiyaan hagitaan xeer-dejin ah oo ku saabsan hal-abuurka Web3 ee Bariga Dhexe.
Shirkadda UK ka diiwaan gashan ee Bluebird Mining Ventures, oo ku hawlan macdanta dahabka, ayaa qaadan doonta istiraatiijiyad keyd maaliyadeed oo ku saleysan Bitcoin, iyadoo qorsheyneysa in dakhliga mustaqbalka ee ka yimaada mashaariicda dahabka ee Kuuriyada Koonfureed iyo Filibbiin (oo ah wadar dhan 1.8 milyan oo ounces) loo beddelo BTC.
Tim Draper ayaa sheegay in Bitcoin ay gaadhi karto $250,000 sanadkan, isla markaana laga yaabo in qiimaheedu uu noqdo mid aan xad lahayn marka loo eego dollarka, iyadoo ay sii kordhayaan la qabsiga hayāadaha maaliyadeed, bangiyada, iyo hal-abuurka Web3.
- š Maalgashiga ETF-yada iyo Hayāadaha Suuqa crypto.
Qiyaastii 825 BTC iyo 21,990 ETH ayaa la iibsaday June 4-teedii.
ETF-yada BTC waxay heleen $87 milyan oo dhaqaale soo galay ah.
ETF-yada ETH waxay heleen $57 milyan oo dhaqaale soo galay ah.
Spot ETF-yada BlackRock ayaa iibsaday 2,700 BTC iyo 28,240 ETH maalinta shalay ee June 4-teeda.
- šTeknooloojiyadda Blockchain
Shirkadda BitFuFu oo fadhigeedu yahay Singapore ayaa bishii May soo saartay(Mined) 400 BTC, taasoo ah korodh 91% marka la barbar dhigo bishii hore, waxayna gaadhay heer rikoor ah oo ah hashrate dhan 34.1 EH/s.
$302 milyan ayaa lagu waayay khiyaanooyin la xidhiidha crypto bishii May 2025, halka kaliya weerarrada phishing-ka ay sabab u ahaayeen khasaare dhan $47.6 milyan.
Ku baro halkan crypto bilaw ilaa dhammaad luqaddaada hooyo