Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee la xiriira crypto, blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.
Halkan waxaad ka aqrisan doontaa dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto.
- 📈 xaalada guud ee Suuqa
Qiimaha guud ee suuqa crypto waxuu marayaa maanta $2.91 Tirilyan, waxuuna hoos u dhacay 0.59%
Fear and Greed Index: Toolka lagu cabiro kalsoonida maalgashiyaasha ay ku qabaan suuqa waxuu sheygayaa inuu yahey Neutral (50) aysan jiran cabsi xoogan iyo damac sare waxuuna is badeli karaa daqiiqad kasta.
Bitcoin (BTC): Qiimaha lagu kala iibsanaayo ayaa hoos u dhacay waxuuna gaaray $93,970, hoos u dhac ah 0.19% ayay sameysay maanta.
Ethereum (ETH): Qiimaha Ethereum waxa uu hoos u dhacay 1.13% 24-kii saac ee u dambeeyay waxa uuna hadda marayaa $1,787.99.
XRP: Waxaa hoos u dhacay qiimahiisa qiyaastii 2.84%. Waxaana hada suuqyada lagu kala iibsanayaa qiimo ah $2.09.
Solana:- Qiimaha Coinka Sol ayaa maanta ku jira hoos u dhac ah 0.74% waxuuna marayaa qiimihiisa hadda $143.24.
- 🏛 Xeerarka Sharciyeed iyo Siyaasada Suuqa
Guddoomiyaha SEC, Paul Atkins, ayaa khudbadda furitaanka ka jeedin doona shirweynaha SEC ee ku saabsan lacagaha loo beddelayo crypto (tokenization) oo dhici doona May 12keeda.
Shirkadaha Fidelity, Nasdaq, BlackRock, iyo Invesco ayaa ka mid ah ka qaybgalayaasha golaha doodda.
Sharciyadii kaydka Bitcoin ee Florida, HB 487 iyo SB 550, ayaa ku guuldarreystay in la meel mariyo kadib markii golaha sharci dejinta uu soo gabagabeeyay kalfadhigiisii 2025 ee May 2 iyada oo aan midna la ansixin.
Labada soo jeedinba waxaa si rasmi ah loo hakiyay loona laalay in la tixgeliyo mustaqbalka dhow.
- 🐋 Dhaq-dhaqaaqa Maalgashiyaasha Whale Investment
Tether ayaa daabacday 1,000,000,000 USDT oo cusub oo ku saleysan shabakadda Tron.
Riot Platforms waxay iibsatay 475 Bitcoin bishii April iyadoo ka heshay $38.8 milyan waa markii ugu horreysay ee ay Bitcoin iibsato tan iyo January 2024.
Riot weli waxay haystaa 19,211 Bitcoin, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn ee Bitcoin haysta, kaddib MicroStrategy iyo MARA Holdings.
- 🚀 Mashruucyada Horumarinta ku socdo ee Crypto
PumpFun ayaa ilaa hadda sanadkan 2025 samaysay $294 milyan oo ah lacagaha adeegga (fees), taasoo ka sarreysa $249 milyan ee ay soo xareysay Ethereum.
Trump ayaa lagu wadaa inuu lacag malaayiin dollar ah ururiyo bishan isaga oo qabanaya laba casho sharaf oo diiradda lagu saarayo lacagaha crypto, kuwaas oo midkood yahay xaflad lacag ururin ah oo halkii qofba lagu casuumayo $1.5 milyan, iyo mid kale oo dhici doona May 22keeda oo loogu talagalay dadka haysta token-ka $TRUMP.
- 📊 ETFs iyo Maalgashi Hay’ado Suuqa saameeyo
BlackRock Spot Bitcoin ETF ayaa iibsatay 5,640 BTC oo qiimahoodu yahay $531.2 milyan May 5teedii, taasoo wadarta maalgelinta 15-kii maalmood ee la soo dhaafay ka dhigaysa $4.6 bilyan.
Sidoo kale waxay 24-kii saac ee la soo dhaafay ku dartay hantideeda 5,613 Bitcoin oo qiimahoodu yahay $535 milyan, taasoo wadarta labada toddobaad ay urursatay ka dhigaysa 41,452 Bitcoin oo u dhiganta $3.92 bilyan.
Bitcoin ah Qiyaastii 4,520 BTC ayaa la iibsaday, taasoo la micno ah $425.5 milyan oo lacag ah oo soo gashay ETF-yada (net inflows).
Ethereum (ETH) waxba maynan soo galin oo dhaqdhaqaaqeedu waa Eber (net flows), taasoo muujinaysa in aan wax lacag ah la gelin ama laga saarin ETH ETFs maalintii shalay ee 5ta May.
Tani waxay muujinaysaa kalsoonida sii kordheysa ee maalgeliyayaasha ku qabaan BTC marka loo eego ETH.
- 🤖 Artificial Intelligence-AI
OpenAI waxay ka tanaasushay qorshihii ay ku noqon lahayd shirkad faa’iido doon ah, iyadoo sii haysanaysa hannaankeeda aan faa’iido doonka ahayn iyadoo la jaanqaadaysa qaab-dhismeed cusub.
Maamulaha guud, Sam Altman, ayaa sheegay in qaab-dhismeedkan cusub uusan wax u dhimi doonin awoodda ay shirkaddu u leedahay inay maalgelin u hesho iyo sidoo kale horumarinta garaadka macmalka ah (AI), taasoo “ugu dambayn laga yaabo inay u baahato balaayiin doollar.”
Our Courses
- Cryptocurrency Course bilaw ilaa dhamaad.
- Forex Trading A-Z Af-soomaali
- Website Design WordPress.
- Cisco Certified Network Associate (CCNA 200-301)
- Dropshipping Mastery Course
- Somali alibaba Online Course
- MongoDB No-SQL Database
- Ultimate react JS course
- HTML and CSS beginner to advanced Course
- Video Editing in CapCut Desktop + Mobile.
- Facebook Ads (Digital Marketing).
- Somali Alibaba Online Course.
- Git and Github Course
- Modern Javascript master Course
- Graphic Design Course.
- Basic Computer and Office Mastery.
- Premiere Pro (Video Editing).
- Python for beginners
- Blogging & Monetisation(WordPress).
- E-commerce Course.
- Tailwind CSS modern Course.
Our Services
- Website Design
- Business Consulting
- Digital Marketing