">
Skip to content Skip to sidebar Skip to footer

Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee la xiriira crypto, blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto.

  1. 📈 xaalada guud ee Suuqa

Qiimaha guud ee suuqa crypto waxuu marayaa maanta $3 Tirilyan, waxuuna kor u kacay 2.44%

Fear and Greed Index: Toolka lagu cabiro kalsoonida maalgashiyaasha ay ku qabaan suuqa waxuu sheygayaa inuu yahey Neutral (53) aysan jiran cabsi xoogan iyo damac sare waxuuna is badeli karaa daqiiqad kasta.

Awoodda suuqa ee Bitcoin(Bitcoin dominance) ayaa hadda ka sarreeysa 65%, taasoo ah heerkii ugu sarreeyay muddo 4 sano ah.

Bitcoin (BTC): Qiimaha lagu kala iibsanaayo ayaa kor u kacay waxuuna gaaray $97,030, kor u kac ah 3.09% ayay sameysay maanta.

Ethereum (ETH): Qiimaha Ethereum waxa uu kor u kacay 2.53% 24-kii saac ee u dambeeyay waxa uuna hadda marayaa $1,838.

XRP: Waxaa kor u kacay qiimahiisa qiyaastii 2.43%Waxaana hada suuqyada lagu kala iibsanayaa qiimo ah $2.14.

Solana:- Qiimaha Coinka Sol ayaa maanta ku jira kor u kac ah 2.88% waxuuna marayaa qiimihiisa hadda $147.80.

  1. 🏛 Xeerarka Sharciyeed iyo Siyaasada Suuqa

Sharciga labaad ee kaydka Bitcoin ee Arizona, SB 1373, ayaa ka gudbay Akhriskiisii Ugu Dambeeyay iyadoo Golaha Senate-ku uu aqbalay.

Hadda sharcigu wuxuu u gudbayaa Guddoomiyaha gobolka, Hobbs, oo dhowaan hor istaagtay sharcigii hore ee kaydka Bitcoin, SB 1025.

Musharraxa madaxweyne ee ugu cadcad Koonfur Kuuriya, Lee Jae-myung, ayaa ballan qaaday in uu ansixin doono spot Bitcoin ETFs haddii la doorto bisha soo socota.

Wasaaradda Ganacsiga ee Shiinaha ayaa xaqiijisay in dalka uu go’aansaday inuu galo wadahadallo ganacsi oo lala yeesho Mareykanka kaddib qiimeyn taxaddar leh.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Shiinaha, He Lifeng, ayaa kula kulmi doona Xoghayaha Maaliyadda Mareykanka, Bessent, dalka Switzerland 9-ka May si ay uga wada hadlaan arrimaha canshuuraha.

SEC ayaa dib u dhigtay go’aanka ku saabsan Litecoin(LTC) ETF waxayna codsatay faallooyin dadweyne oo ku saabsan soo-jeedinta shirkadda Canary.

  1. 🐋 Dhaq-dhaqaaqa Maalgashiyaasha Whale Investment

Circle ayaa markale daabacday $250 milyan oo USDC ah blockchain-ka Solana.

Metaplanet ayaa iibsatay 555 BTC oo qiimahoodu yahay $53.4 milyan, taasoo wadarta guud ee ay haysato ka dhigaysa 5,555 BTC.

Shirkadda DeFi Development Corp ayaa iibsatay 82,404 SOL oo qiimahoodu yahay qiyaastii $11.2 milyan, taasoo wadarta ay hayso ka dhigaysa 400,091 SOL.

Maalgashadeyaasha waaweyn ee Bitcoin ayaa lixdii toddobaad ee la soo dhaafay urursaday 81,338 BTC, halka ganacsatada yaryar ay iska iibiyeen 290 BTC, sida ay sheegtay warbixinta Santiment.

Kala duwanaanshahan badanaa wuxuu ka horeeyaa isbeddel weyn oo qqiimahaku iman doona, taasoo muujinaysa dhaqaaqa suuq oo kor u jeeda.

Shirkadda ganacsi ee Thumzup Media Corp ayaa codsatay in la kordhiyo xadka ugu badan ee ay BTC ku maalgelin karto oo laga dhigo $500 milyan halkii ay hore uga ahayd $200 milyan, si ay u iibsato Bitcoin dheeraad ah.

Shiinaha ayaa kordhiyay kaydkiisa dahabka markii lixaad oo xiriir ah, wuxuuna hadda haystaa dahab qiimihiisu gaarayo $243.6 bilyan.

  1. 🚀 Mashruucyada Horumarinta ku socdo ee Crypto

Tether ayaa ku dhawaaqday in ay si rasmi ah geyn doonta USDT blockchain-ka Kaia, iyadoo la kaashanaysa LINE NEXT.

USDT ayaa lagu dari doonaa madalaha Mini Dapp ee LINE, taasoo suurta gelinaysa lacag ku bixinta gudaha app-ka, xawilaadda xuduudaha ka baxsan, iyo hawlaha DeFi-ga ah.

Bhutan ayaa la kaashatay Binance Pay iyo DK Bank si ay u bilaabaan nidaamka lacag-bixinta dalxiis ee qaranka, kaas oo noqonaya kii ugu horreeyay adduunka ee ku saleysan cryptocurrency.

Standard Chartered waxay saadaalisay in qiimaha BNB uu labanlaabmi karo oo gaari karo $1,275 dhammaadka sanadkan iyo $2,775 dhammaadka sanadka 2028.

Ganacsade Robert Kiyosaki ayaa sharxay sababta uu Bitcoin uga doorbido dahabka ama Silverka:

“Sababta aan ugu kalsoonahay Bitcoin waa in tiradeedu tahay 21 milyan oo keliya, mana dhaafayso.”

  1. 📊 ETFs iyo Maalgashi Hay’ado Suuqa saameeyo

Qiyaastii 905 BTC iyo 9,840 ETH ayaa la iibiyay 6-da May.

ETF-yada BTC waxaa ka baxday hanti gaaraysa $85.7 milyan.

ETF-yada ETH-na waxay la kulmeen $17.9 milyan oo ah maalgelin ka baxday.

Our Courses

  • Cryptocurrency Course bilaw ilaa dhamaad.
  • Forex Trading A-Z Af-soomaali
  • Website Design WordPress.
  • Cisco Certified Network Associate (CCNA 200-301)
  • Dropshipping Mastery Course
  • Somali alibaba Online Course
  • MongoDB No-SQL Database
  • Ultimate react JS course
  • HTML and CSS beginner to advanced Course
  • Video Editing in CapCut Desktop + Mobile.
  • Facebook Ads (Digital Marketing).
  • Somali Alibaba Online Course.
  • Git and Github Course
  • Modern Javascript master Course
  • Graphic Design Course.
  • Basic Computer and Office  Mastery.
  • Premiere Pro (Video Editing).
  • Python for beginners
  • Blogging & Monetisation(WordPress).
  • E-commerce Course.
  • Tailwind CSS modern Course.
Our Services
  • Website Design
  • Business Consulting
  • Digital Marketing

Leave a comment