">
Skip to content Skip to sidebar Skip to footer

Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee la xiriira crypto, blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto.

  1. 📈 xaalada guud ee Suuqa

Qiimaha guud ee suuqa crypto waxuu marayaa maanta $3.09 Tirilyan, waxuuna kor u kacay 3.05%

Fear and Greed Index: Toolka lagu cabiro kalsoonida maalgashiyaasha ay ku qabaan suuqa waxuu sheygayaa inuu yahey Neutral (53) aysan jiran cabsi xoogan iyo damac sare waxuuna is badeli karaa daqiiqad kasta.

$369.66 milyan ayaa lagu khasaaray suuqyada crypto 24-kii saac ee la soo dhaafay iyadoo BTC ay u dhowdahay $100,000.

Bitcoin (BTC): Qiimaha lagu kala iibsanaayo ayaa kor u kacay waxuuna gaaray $99,600, kor u kac ah 2.61% ayay sameysay maanta.

Ethereum (ETH): Qiimaha Ethereum waxa uu kor u kacay 6.34% 24-kii saac ee u dambeeyay waxa uuna hadda marayaa $1,953.33.

XRP: Waxaa kor u kacay qiimahiisa qiyaastii 3.01%Waxaana hada suuqyada lagu kala iibsanayaa qiimo ah $2.20.

Solana:- Qiimaha Coinka Sol ayaa maanta ku jira kor u kac ah 4.43% waxuuna marayaa qiimihiisa hadda $154.24.

  1. 🏛 Xeerarka Sharciyeed iyo Siyaasada Suuqa

Madaxweyne Trump ayaa ku dhawaaqay shir jaraa’id oo berri 05:00 Galabnimo ka dhici doona Xafiiska Oval, si uu ugu dhawaaqo “heshiis ganacsi weyn” oo lala galay “dal weyn oo sumcad sare leh.”

Sharciga HB2749 ee Arizona ayaa si rasmi ah loo ansixiyay, wuxuuna u oggolaanayaa gobolka inuu haysto hantida dhijitaalka ah iyadoo aan la beddelin, isla markaana uu aasaaso Sanduuqa Kaydka Bitcoin.

Oregon ayaa saxiixday sharciga SB167, kaasoo caddaynaya xeerarka hantida dhijitaalka ah isla markaana si sharci ah u aqoonsanaya isticmaalka crypto.

Sharciga kaydka Bitcoin ee Texas, SB21, ayaa ka gudbay guddiga Aqalka looga taliyo gobolka Texas, wuxuuna hadda u gudbayaa codbixinta kama dambaysta ah ee golaha.

Senator Cynthia Lummis waxay tiri, “Hantida dhijitaalka ahi waa mustaqbalka. Waa inaan aqbalnaa, ama waan khasaaraynaa. Ma jiro wax u dhexeeya”

Hoggaamiyeyaasha G7 ayaa laga yaabaa inay ka hadlaan jabsiga lacagaha crypto ee ay sameeyaan Waqooyiga Kuuriya shir-madaxeedka bisha Juun ka dhacaya Alberta, sida uu sheegay wargayska Bloomberg.

OCC-da ayaa caddeysay in bangiyada qaranka ay xaq u leeyihiin inay iibsadaan isla markaana ay iska iibiyaan hantida dhijitaalka ah iyaga oo ka amar qaadanaya macmiilka, isla markaana ay adeegyada kaydinta iyo fulinta uga faa’iideysan karaan shirkado kale haddii ay u hirgeliyaan maaraynta khatarta si habboon.

  1. 🐋 Dhaq-dhaqaaqa Maalgashadeyaasha

Tether ayaa mar kale daabacday 1,000,000,000 USDT oo cusub oo lagu sameeyay shabakadda Tron, taasoo wadarta guud ee la daabacay sannadkan 2025 ka dhigaysa 14 bilyan USDT.

Nin maalqabeen ah ayaa ku jira faa’iido uunan wali suuqa kala bixin (Unrealised) oo kor u dhaafaysa $970,000 kadib markii Bitcoin ay mar kale gaadhay $98,000.

Ganacsaduhu wuxuu suuqa ka galay meelo culus oo laalaabad badnayd, isagoo ku galay 40x long oo ah BTC iyo 25x long oo ah ETH.

Maalgashade ka mid ah ICO-ga Ethereum ayaa ku shubay 5,200 ETH (oo u dhigmeysa $9.57 milyan) exchange-ga Kraken, iyadoo uu weli haysto 8,300 ETH (qiyaastii $15.29 milyan) oo ka mid ah 76,000 ETH uu helay sanadkii 2015.

  1. 🚀 Mashruucyada Horumarinta ku socdo ee Crypto

CZ ayaa yiri: “Waad iibsan kartaa Bitcoin inta dowladuhu iibsanayaan ama kadib marka ay iibsadaan. Ikhtiyaarka ah ‘ka hor inta aysan iibsan’ wuu sii yaraanayaa.”

Shirkadda Strategy oo horey loo odhan jiray MicroStrategy ayaa soo deyn doonta 2025-ka Bitcoin Standard Model si ay uga caawiso shirkadaha u gudbista iyo qaadashada Bitcoin.

  1. 📊 ETFs iyo Maalgashi Hay’ado Suuqa saameeyo

Qiyaastii 1,470 BTC ayaa la iibsaday halka 12,000 ETH la iska iibiyay May 7.

ETF-yada Bitcoin waxay heleen $142.3 milyan oo ah hanti maalgashi.

ETF-yada Ethereum waxaa ka baxay $21.8 milyan oo lacag ah.

  1. 🌐 Web 3.0

Solana ayaa weli hoggaaminaysa dhammaan blockchains-ka marka la eego DEX -ka 24-kii saac ee la soo dhaafay.

Ku baro halkan crypto bilaw ilaa dhammaad luqaddaada hooyo

Leave a comment