wararka maanta suuqa Kiribto 02-11-2025

Jacfar
By Jacfar

Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee suuqa waxyaabaha aan ugu hadli doono waxaa ka mid ah, crypto, blockchainDefiCefiNFT, Ai, Web 3.0, iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walibo dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto waxyaabaha ku soo kordha technologiyada Bloickchain

📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa

  • Market Cap ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $3.71 trillion, halka (Volume) hantida guud ee suuqa la isku dhaafsaday 24 saac u dambaysay ay gaarayso 97.81 billion.
  • Awooda suuqa Dominance waxaa haysto maanta Coinka Bitcoin awood dhan %59.1 halka Altcoins ay haystaan awood dhan 43.91%
  • Altcoin season Index waxuu sheegayaa in uu yahey 30% taasoo ka dhigan in damaca altcoins laga qabo ay soo hagaagayso
  • Fear and Greed index halbeega lagu cabiro dareenka maalgashiyaasha waxuu muujinayaainuu yahay 35% taasoo ka dhigan inay hoosayso damaca maalgashiyaasha suuqa.
  • Stablecoins sida USDT iyo USDC ayaa weli door muhiim ah ka ciyaaraya isdhaafsiga lacagaha suuqa Crypto. USDT waxaa la isku dhaafsaday maanta hanti dhan $100.10 billion halka USDC lagu kala ganacsaday 12 billion.
  • Bitcoin (BTC) wuxuu joogaa qiimihiisa manta $110,315.21
  • Ethereum (ETH) waxa uu qiimihiisa haatan marayaa $3,862.89
  • Tether (USDT): waa stable coin-ka isku xero Fait iyo Cryptocurrency isma badeo qiimihiisa waa $1.
  • Binance Coin (BNB)- waa coin ee leedahay shirkada Binance waxaa loo adeegsadaa bixinta adeegyada madasha qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $1,83.10
  • Rippe (XRP)- waa coin-ka ee leedahay shirkada Ripple loona adeegsado lacag dirida caalamiga ah xawaare sare iyo qiimo jaban wuxuu qiimihiisa joogaa haatan $2.52

📜 2. Xeerar-ka & Siyaasada Suuqa

  • Hay’adaha maaliyadeed ee caalamiga ah waxay dib-u-eegis ku sameynayaan shuruucda bangiyada ku saabsan haynta crypto-ga iyo stablecoins-ka, si loo hirgeliyo nidaam cusub oo ka dhaqan galaya sannadka soo socda.
  • Guddiga sharci-dejineed ee gobolka New Hampshire wuxuu soo jeediyay in la siiyo waqti dheeraad ah si loo baaro hindise sharci oo ka mamnuucaya dawladaha hoose in ay xayiraan mining-ka crypto-ga ama canshuuraha gaarka ah qaadaan.
  • Maalgashadayaashu waxay mar kale eegayaan sida ay uga faa’iidaysan karaan sharciyada cusub.
  • Sharciyada cusub ee stablecoins-ka waa kuwo door muuqda helaya—sababta oo ah tirada isticmaalka ayaa aad u kordhay.

💰 3. ETFs & Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)

  • Maalgashadayaasha waaweyn ayaa si xooggan u eegaya fursadaha ETFs-ka altcoins—waxay doonayaan kaliya Bitcoin iyo Ethereum inay xooga saarin, balse ay ku darsadaan qorshaooda maalgashi ETF tokens kale sida SOL iyo XRP.
  • ETFs-ka Bitcoin waxaa toddobaadkan ka baxday ku dhawaad $600 milyan.  
  • Hay’adaha maal-gashiga waxay hadda u arka in altcoins-ku noqon karaan jihada xigta ee maal-gashiga ETFs-ka rasmi ah.  
  • Shirkadda 21Shares waxay diiwaangelisay codsi ETF cusub oo ku saleysan token-ka Hype.  

🆕💰 4. Coins- ka Cusub ee Suuqa la filaayo in la keeno

  • Tokenka ePowerX (EPWX) — mashruuc cusub oo isku daraaya tamar-ta iyo blockchain.
  • Tokenka MetaAI (METAI) — mashruuc AI iyo Web3 ah, leh qorshe la filayo in si ballaaran loo isticmaalo.
  • Tokenka Hydrex (HYDX) — mashruuc DeFi ah oo cusub.
  • Tokenka AlphaPepe (ALPE) — meme-token cusub oo BNB Chain ka dhisan, leh staking iyo utility dheeraad ah.

🐋 5. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeyo Suuqa

  • Whales-ka (maalgashadayaasha waaweyn) ayaa saamayn muuqata ku leh suuqa: sida looga arkay hoos-u-dhac weyn ka dib, qaar ayaa iibiyey coins badan
  • Dhaqdhaqaaqa Whales ayaa saamayn ku leh qiimaha altcoins-ka leh liquidity hoose
  • Xog-ururintu waxay muujinaysaa in maal-gashadayaasha waaweyn ay dib u eegayaan istiraatiijiyadooda, ma ahan oo keliya “buy and hold”.

🚀 6. Mashaariicda Horumarka ku socdo ee Suuqa

  • Mashruucyo cusub Web3, GameFi iyo AI-Blockchain ayaa maanta orumar ku socda.
  • Tokenisation-ka hantida dhab ah (real-world assets) ayaa ah waxa saamaynta leh— tusaale ahaan shirkadda JPMorgan waxay hanti dhab geesay blockchain-keeda.
  • Mashaariicda ka shaqeynaayo interoperability (isku xirka blockchains kala duwan)— waxay doonayaan in ka badan hal network ay ku shaqeeyaan.

🔗 7. Tignoolajiyada Blockchain

- Pre Order -

Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad

Madax-bannaani ★ Daah-furnaan ★ Musuq-maasuq Laa’aan. 🚀 Ku soo dhawoow kacaankii qarniga 21-aad.

$16.99 - $22.99Get It Now
  • Bridge-yada iyo isku-xirka blockchains (cross-chain) ayaa muhiimad cusub yeeshay — isticmalayaashu wuxuu rabaan in ay si fudud ugu kala beddelaan assets kala duwan.
  • Horumarinta infrastructure-ka (APIs, SDKs, nodes)— taasi waxay u oggolaaneysaa horumariyeyaasha in ay si sahlan u dhisaan dApps.
  • Blockchain-ku wuxuu hadda si muuqata ula falgalayaa dhaqaalaha caadiga ah — taasoo muujineysa in uu ka baxayo xaaladdiisii tijaabada ahaa.

🤖 8. AI & Web 3.0

  • Isku-darka AI iyo Web3 ayaa noqday jihada ugu horreysa ee hal-abuurnimada
  • GameFi, metaverse-yada waxay isticmaalayaan AI.
  • Suuqyada loogu talagalay “decentralized AI” ayaa bilaabanaya — dadka xogtooda ama model-yada ay ku iibin karaan tokens.

🎨 9. NFT & DeFi

  • DeFi maanta wuxuu wajahayaa cadaadis — iyadoo hoos-u-dhacyo suuq ah jiray, haddana isticmaalka adeegyo sida staking iyo liquidity provisioning ayaa sii socday.
  • NFTs-ka bixinaya adeeg dhab ah sida xuquuq gelitaan, ciyaar ama dakhliga qaybsan ayaa sii waday koror iyo horumar muuqda.

Halkaan ka baro coursada Crypto

https://gellebashir.com/courses/barashada-cryptocurrency-somali-cryptocurrency-coursecrypto-bilaw-ilaa-dhamaad-afsomali-cryptocurrency-course

Crypto bilaw ilaa dhamaad AF:Somali

Best Somali Cryptocurrency Course: Learn the fundamentals of cryptocurrencies, blockchain, and secure trading. Master using Metamask, Binance, and Crypto.com….

Crypto Trading Mastery: From A to Z

A complete beginner-to-expert crypto trading course. Learn how crypto markets work, how to choose secure exchanges, and how to trade safely using proven strategies…

Share This Article