Wararka Maanta Suuqa Kiribto 16-11-2025

Jacfar
By Jacfar

Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee suuqa waxyaabaha aan ugu hadli doono waxaa ka mid ah, crypto, blockchainDefiCefiNFT, Ai, Web 3.0, iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walibo dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto waxyaabaha ku soo kordha technologiyada Bloickchain

📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa

  • Market Cap ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $3.2 trillion, halka (Volume) hantida guud ee suuqa la isku dhaafsaday 24 saac u dambaysay ay gaarayso 117.92 billion.
  • Awooda suuqa Dominance waxaa haysto maanta Coinka Bitcoin awood dhan %59.1 halka Altcoins ay haystaan awood dhan 43.91%
  • Altcoin season Index waxuu sheegayaa in uu yahey 23% taasoo ka dhigan in damaca altcoins laga qabo ay soo hagaagayso
  • Fear and Greed index halbeega lagu cabiro dareenka maalgashiyaasha waxuu muujinayaainuu yahay 36% taasoo ka dhigan inay hoosayso damaca maalgashiyaasha suuqa.
  • Stablecoins sida USDT iyo USDC ayaa weli door muhiim ah ka ciyaaraya isdhaafsiga lacagaha suuqa Crypto. USDT waxaa la isku dhaafsaday maanta hanti dhan $85.10 billion halka USDC lagu kala ganacsaday 8.061 billion.
  • Bitcoin (BTC) waa Coin-ka ugu qiimaha badan lacagaha Digital-ka ah e Crypto wuxuu joogaa qiimihiisa manta $95,160.21
  • Ethereum (ETH) waa coin-ka labaad ugu qiimaha lacagaha digital-ka wuxuna leeyahay Blockchain ugu awooda badan Crypto qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $3,144.89
  • Binance Coin (BNB)- waa coin ee leedahay shirkada Binance waxaa loo adeegsadaa bixinta adeegyada madasha qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $928.00
  • Rippe (XRP)- waa coin-ka ee leedahay shirkada Ripple loona adeegsado lacag dirida caalamiga ah xawaare are iyo qiimo jaban wuxuu qiimihiisa joogaa haatan $2.21
  • Solana (SOL)- waa coin sumcad ku dhex leh lacagaha digitalka ah ee Crypto wuxuuna leeyahyay Blockchainta loogu adegsiga badan yahay Crypto qiimihiisa wuxuu manta joogaa $139.91.

📜 2. Xeerar-ka & Siyaasada Suuqa

- Advertisement -
  • Hay’ada SEC-da Mareykanka waxay wadaa qorshayn nidaam cusub oo lagu kala saaraayo tokens-ka crypto-ga: Goorma ay noqonayaan security (hanti maalgashi) iyo Goorma ay noqonayaan commodity (badeecad sida Bitcoin).
    Tani waxay saamayn ku yeelan doontaa suuqyada iyo mashruucyada crypto.
  • Dowladda Hong Kong waxay shaacisay: Inay dabcin doonto xeerarka ganacsiga crypto, tani waxay u jeedaa in la xoojiyo dhaqaalaha dijitaalka ah iyo Web3.
  • Hay’ada SEC waxaa la sheegay inuu fududeeysay hanaanka oggolaanshaha ETFs-yada crypto, taasoo keeni karta in maalgashadayaasha hay’adaha ay si fudud ugu galaan suuqa.
  • Waxaa laga shaqeynayaa in sharciyo loo sameeyo Web3 iyo DeFi Projects taasoo laga yaabaa inay keento cadaadis suuqeed.  

💰 3. ETFs & Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)

  • Shirkadda 21Shares waxay soo saartay laba ETF oo usub, kuwaas oo raacaya index cryptocurrencies sida Ethereum, Solana, iyo Dogecoin.
  • Noocyada ETF-yada cusub waxay u baahan yihiin inay buuxiyaan shuruudo sharci ee hay’adaha si u helaan oggolaanshaha maadaama SEC-ga uu fududeeyay shuruudaha.
  • Qaar ka mid ah maalgashadayaasha waaweyn ayaa aragti wanaagsan ka qabaan in ETFs-ku yihiin dariiq fiican oo lagu maalgashado crypto-ga.

🆕💰 4. Coins- ka Cusub ee Suuqa la filaayo in la keeno

  • Digitap ($TAP) – Mashruuca ug kacsan suuqa Presale-ka maanta
  • Token-kaan Digitap ($TAP) wuxuu noqday midka ugu sameynta badan, wuxuuna bixinayaa adeegyo sida:
    • App rasmi ah.
    • adeegyo Visa card ah.
  • Qiimaha token-ka ayaa si xoog leh u kordhay, Maalgashadeyaal badan ayaa hadda xiiseynaya.

🐋 5. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeyo Suuqa

  • On-chain data waxay muujinaysaa in whales (malgashadayaal waaweyn) ay dib u dhisayaan boosaskooda crypto, gaar ahaan marka suuqa hooseeyo’.
  • Qaar ka mid ah whales-ka waxay hagaajinayaan istiraatiijiyadooda iyadoo la tixgelinayo in dowladda iyo sharci-dejinayaasha ay kordhinayaan kormeerka.
  • Dhaqdhaqaaqyada weyn ee whale-yada waxay saameyn ku yeelan karaan qiimaha, sababtoo ah markay iibsadaan ama iibiyaan, waxuu keeni karaa isbedello xooggan.

🚀 6. Mashaariicda Horumarka ku socdo ee Suuqa

  • Mashruucyo Web3 cusub ayaa xooga saaraya tokenization-ka hantida dhaqameed sida bonds, taasoo ka dhigan in dhaqaalaha caadiga ah uu si toos ah ugu xidhan karo blockchain.
  • Qaar ka mid ah mashaariicda DeFi ayaa qorsheynaya inay hormariyaan amniga iyo xasilloonida protocol-kooda si ay u soo jiitaan isticmaaleyaal waaweyn iyo hay’ado.

🔗 7. Tignoolajiyada Blockchain

- Pre Order -

Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad

Madax-bannaani ★ Daah-furnaan ★ Musuq-maasuq Laa’aan. 🚀 Ku soo dhawoow kacaankii qarniga 21-aad.

$16.99$12.99Get It Now
  • Cilmi-baaris waxay tilmaamaysa decentralization-ka blockchains inay keeni doonto nidaam maaliyadee cusub ee caalamka.  
  • Mashruucyada oracle (sida Chainlink) ayaa sii kordhaya si loo fududeeyo isdhaafsiga xogta iyo hantida.

🤖 8. AI & 🌐 Web 3.0

  • Waxaa jira barnaamijyo weyn oo isku dara AI iyo Web3 si loo abuuro nidaamyo caqli badan oo maaliyadeed.
  • Teknolojiyada LLM (large language model) ayaa la tijaabinayaa in lagu maamulo maalgashiga crypto, iyadoo la adeegsanayo AI agents.

🎨 9. NFT & 💸 DeFi

  • DeFi-ga ayaa wajahaya caqabad sharci iyo suuq: maal-gashadeyaasha qaar ayaa ka walaacsan khatarta iyo xasiloonida protocol-yada.
  • NFT-yada cusub waxay diiradda saarayaan adeegyo dhab ah — tusaale ahaan, NFTs- wax barasho, NFTs- ganacsi la xiriira.

Crypto bilaw ilaa dhamaad AF:Somali

Best Somali Cryptocurrency Course: Learn the fundamentals of cryptocurrencies, blockchain, and secure trading. Master using Metamask, Binance, and Crypto.com….

Crypto Trading Mastery: From A to Z

A complete beginner-to-expert crypto trading course. Learn how crypto markets work, how to choose secure exchanges, and how to trade safely using proven strategies…

Share This Article
Leave a Comment