Skip to content Skip to sidebar Skip to footer

Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee suuqa waxyaabaha aan ugu hadli doono waxaa ka mid ah, crypto, blockchainDefiCefiNFT, Ai, Web 3.0, iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walibo dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto waxyaabaha ku soo kordha technologiyada Bloickchain

📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa

  • Market Cap ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $3.80 trillion, halka (Volume) hantida guud ee suuqa la isku dhaafsaday 24 saac u dambaysay ay gaarayso 160.81 Billion.
  • Awooda suuqa Dominance waxaa haysto maanta Coinka Bitcoin awood dhan %57.9 halka Altcoins ay haystaan awood dhan 43.91%
  • Altcoin season Index waxuu sheegayaa in uu yahey 52% taasoo ka dhigan in damaca altcoins laga qabo ay soo hagaagayso
  • Fear and Greed index halbeega lagu cabiro dareenka maalgashiyaasha waxuu muujinayaainuu yahay 41% taasoo ka dhigan inay hoosayso damaca maalgashiyaasha suuqa.
  • Stablecoins sida USDT iyo USDC ayaa weli door muhiim ah ka ciyaaraya isdhaafsiga lacagaha suuqa Crypto. USDT waxaa la isku dhaafsaday maanta hanti dhan $100.10 billion halka USDC lagu kala ganacsaday 12 billion.

Xaalada 10-ka Coin ee ugu sareeyo suuqa

  1. Bitcoin (BTC) waa Coin-ka ugu qiimaha badan lacagaha Digital-ka ah e Crypto wuxuu joogaa qiimihiisa manta $111,636.21
  2. Ethereum (ETH) waa coin-ka labaad ugu qiimaha lacagaha digital-ka wuxuna leeyahay Blockchain ugu awooda badan Crypto qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $4,289.89
  3. Tether (USDT): waa stable coin-ka isku xero Fait iyo Cryptocurrency isma badeo qiimihiisa waa $1.
  4. Binance Coin (BNB)- waa coin ee leedahay shirkada Binance waxaa loo adeegsadaa bixinta adeegyada madasha qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $1,000.10
  5. Rippe (XRP)- waa coin-ka ee leedahay shirkada Ripple loona adeegsado lacag dirida caalamiga ah xawaare are iyo qiimo jaban wuxuu qiimihiisa joogaa haatan $2.55
  6. Solana (SOL)- waa coin sumcad ku dhex leh lacagaha digitalka ah ee Crypto wuxuuna leeyahyay Blockchainta loogu adegsiga badan yahay Crypto qiimihiisa wuxuu manta joogaa $191.91.
  7. Circle (USDC)- waa stable coinka labaad ee ugu qiimaha badan crypto waxaa ka dambayso shirkada Circe isma baddelo qiimihisa waa $1.
  8. Doge-coin (DOGE)- waa memeo-coinka ugu caansan Crypto laguna sameeyo maalgashiga ugu badan waxuu haatan marayaa qiimihiisa $0.197.
  9. Tron (TRX)- waa coin-ka ku dhisan Blockchian-ta ugu xawaaraha badan Crypto waxuu qiimihiisa joogaa manta $0.298
  10. Cardano (ADA)- waa coin qiimo leh laguna sameeyo maalgashi badan waxuu ku disan yahay Blockchain sumcad ku dhex leh Kiribto qiimihiisa wuxuu maanta joogaa $0.65

📜 2. Xeerar-ka & Siyaasada Suuqa

  • Hay’adaha sharci-dejinta waxay kordhinayaan kormeerka shirkadaha crypto si looga hortago lacag-dhaqid iyo khiyaano.
  • Dalal dhowr ah ayaa qorsheynaya inay fududeeyaan habka rukhsadda shirkadaha crypto si ay u shaqeeyaan si sharciyeysan gudaha waddanka.
  • Qiimaynta sharciyada crypto caalamiga ah ayaa xoogeysatay — warar ayaa sheegeya in hay’adaha sharci-dejinta iyo maamulka maaliyadda ay sii adkeynayaan kormeerka suuqyada Crypto.
  • Qaar ka mid ah shirkadaha crypto-ga ayaa bilaabaya in ay fuliyaan habraacyada compliance-ka si ay ula jaanqaadaan sharciyada cusub.
  • Sharciyada la filayo oo so socda ayaa ah kuwa laga yaabo in ay si gaar ah u saameeyaan ETFs-ka crypto-ga iyo liisaska coins-ka cusub.

💰 3. ETFs & Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)

  • ETFs-yada Bitcoin iyo Ethereum waxay noqdeen albaabka hay’adaha waaweyn ee suuqa crypto ay ka soo galaan.
  • Spots sida Rex Global Crypto Industry ETF oo ku saleysan XRP ayaa hal bil gudaheed helay in ka badan $100 milyan oo assets.
  • Bangiyo qaar ayaa bilaabay in ay tijaabiyaan adeega “crypto custody” si ammaan ah loogu haysto coins-ka.
  • Isbedelada sharci waxay saameyaan ETF-yada cusub iyo maal-gashadayaasha “institution-ka” waxay horumariyaan saamiga iyo maalgalintooda crypto-ga.

🆕💰 4. Coins- ka Cusub ee Suuqa la filaayo in la keeno

·  Little Pepe (LILPEPE) — meme token cusub, presale-keeda ayaa si dhaqso ah u socota.

·  AlphaPepe (ALPE) — meme coin ku saleysan BNB Chain, leh staking iyo utility cusub.

·  EcoYield (EYE) — mashruuc isku dara tamar iyo Ai infrastructure, presale firfircoon.

·  BlockchainFX (BFX) — token loogu talagalay in uu isku xiro DeFi iyo dhaqaalaha caadiga ah (TradFi).

·  Pepenode (P oo la filayo in suuqayada la keen.

🐋 5. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeyo Suuqa

  • Maalgashadayaasha waaweyn (whales) ayaa bilaabay in ay taageeraan coins-ka cusub iyo presale-yada, taasoo muujinaysa in ay raadinayaan fursado qiimo sare leh “Sell Low Buy High”
  • On-chain analytics waxaymuujinayaan in whales-ku aysan hadda iibin; waxay u muuqdaan kuwo sugaya xilliga ku habboon.

🚀 6. Mashaariicda Horumarka ku socdo ee Suuqa

  • Mashaariicda la xariiro Web3 iyo GameFi ayaa sii xoogeysanaya
    • Projects isku dara AI iyo blockchain waxay heleyaan maal-gelin badan
    • Projects ka shaqeeyo tokenisation-ka hantida dhabta ah (real-world assets) ayaa bilaabay lagu sameynayaa maalgalin balaaran taasoo keeni karta isbeddelo weyn.

🔗 7. Tignoolajiyada Blockchain

  • Teknoolojiyada Layer-2 iyo rollups ayaa sii horumaraya si loo yareeyo khidmadaha loona dedejiyo isticmaalka blockchains (xawaare sare leh).
    • Bridges iyo isku-xirka blockchains kala duwan ayaa sii noqonaya mid muhiim ah.
    • Hantida dhab ah sida guryaha, bonds-ka iyo saamiyada oo lagu dhisay Blockchain ayaa sii xoogaysanaya.

🤖 8. AI & Web 3.0

  • AI iyo Web3 waxay lahaadeen xariir: tusaale ahaan Copilot AI-ga Microsoft ayaa saadaalinaya qiimaha coins-ka sida Solana, XRP iyo BNB dhammaadka bisha.
  • GameFi iyo Metaverse-yada waxay isticmaalaya AI si ay u bixiyaan adeegyo dheerad ah.
  • Suuqyada loogu talagalay xogta AI-ga (decentralised data markets) ayaa bilaabanaya inay suurtogal noqdaan—dadku xogtooda iyo models-kooda ay ku iibinayaan.

9. NFT & DeFi

  • DeFi- ayaa soo gordhiyay adeegyo la horumariyay oo la xariirto staking iyo yield farming.
  • NFTs leh adeeg dhab ah sida xuquuq gelitaan ama dakhliga qaybtiisa ayaa soo badanaya
  • Marketplaces cusub ayaa bilaabay inay la yimaadaan qaabab cusub sida kiraynta NFTs, xubinnimada (membership-based) iyo ciyaaro ku saleysan NFTs.

Halkaan ka baro coursada Crypto

Leave a comment