wararka Maanta Suuqa Kiribto 30-11-2025

Jacfar
By Jacfar

Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee suuqa waxyaabaha aan ugu hadli doono waxaa ka mid ah, crypto, blockchainDefiCefiNFT, Ai, Web 3.0, iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.  

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walibo dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto waxyaabaha ku soo kordha technologiyada Bloickchain.

📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa

  • Market Cap ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $3.10 trillion, halka (Volume) hantida guud ee suuqa la isku dhaafsaday 24 saac u dambaysay ay gaarayso 79.9 billion.
  • Awooda suuqa Dominance waxaa haysto maanta Coinka Bitcoin awood dhan %59.1 halka Altcoins ay haystaan awood dhan 43.91%
  • Altcoin season Index waxuu sheegayaa in uu yahey 23% taasoo ka dhigan in damaca altcoins laga qabo ay soo hagaagayso
  • Fear and Greed index halbeega lagu cabiro dareenka maalgashiyaasha waxuu muujinayaainuu yahay 20% taasoo ka dhigan inay hoosayso damaca maalgashiyaasha suuqa.
  • Stablecoins sida USDT iyo USDC ayaa weli door muhiim ah ka ciyaaraya isdhaafsiga lacagaha suuqa Crypto. USDT waxaa la isku dhaafsaday maanta hanti dhan $55.84 billion halka USDC lagu kala ganacsaday 5.57 billion.
  • Bitcoin (BTC) waa Coin-ka ugu qiimaha badan lacagaha Digital-ka ah e Crypto wuxuu joogaa qiimihiisa manta $91,327.21
  • Ethereum (ETH) waa coin-ka labaad ugu qiimaha lacagaha digital-ka wuxuna leeyahay Blockchain ugu awooda badan Crypto qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $3,10.89
  • Binance Coin (BNB)- waa coin ee leedahay shirkada Binance waxaa loo adeegsadaa bixinta adeegyada madasha qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $878.14
  • Rippe (XRP)- waa coin-ka ee leedahay shirkada Ripple loona adeegsado lacag dirida caalamiga ah xawaare are iyo qiimo jaban wuxuu qiimihiisa joogaa haatan $2.194.
  • Solana (SOL)- waa coin sumcad ku dhex leh lacagaha digitalka ah ee Crypto wuxuuna leeyahyay Blockchainta loogu adegsiga badan yahay Crypto qiimihiisa wuxuu manta joogaa $136.60.

📜 2. Xeerar-ka & Siyaasada Suuqa

  • Bankiga Dhexe ee Shiinaha (PBOC) wuxuu sheegay in crypto & stablecoins aysan ahayn lacag sharci ah.
  • Dalal badan waxay xoojinayaan kormeerka stablecoins iyo dhaq-dhaqaaqyada crypto.
  • Turkiga, Ukraine iyo kuwo kale waxay dib u eegayaan sharciyada cashuuraha crypto.
  • Waxaa socda dadaal lagu mideynayo xeerarka crypto ee caalamka oo dhan.
  • Sharci cad iyo nidaam adag ayaa horseedi kara in mashruucyo badan noqdaan kuwo sharciyada -u-hoggaansan.

💰 3. ETFs & Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)

  • Spot Bitcoin ETFs waxay wajaheen lacag-la bixid aad u waaweyn (outflows) maalmahan.
  • Si kastaba, hay’ado badan weli waxay xiiseynayaan crypto muddo-dheer in ay maalgashtaan.
  • Suuqa derivatives-ka ayaa sababay liquidations badan, taas oo wiiqday kalsoonida qaar ka mid ah maalgashadayaasha waaweyn.
  • Waxaa la filayaa kobac ku saabsan ETFs ku saleysan “tokenised real-world assets.”

🆕💰 4. Coins- ka Cusub ee Suuqa la filaayo in la keeno

  • ChainOpera AI (COAI) waa Token cusub oo isku dara AI iyo Web3, Waxaa maanta kordhay xiisaha iyo dadka iibsanaya.
  • Wall Street Pepe (WEPE) waa Meme-coin cusub, waxay lee yahay qorshe NFTs, perks.SILVER (SILVER) waa Token cusub oo lagu daray liisaska suuqyada maanta, wuxuu leeyahay market-cap yar, ku haboon dadka jecel coins-ka cusub early stage.
  • Bitdealer2 (BIT) waa Token cusub oo ku jira ecosystem-ka Solana. Waxaa laga filayaa in uu koboco haddii isticmaalka iyo liquidity-ga mashruuca ay kordhaan.
  • Best Wallet Token (BEST) waa Token cusub oo la xiriira wallet Web3 ah oo bixiya swap iyo features kale. Mashruuca weli waa bilow laakiin xiiso ayuu leeyahay.

🐋 5. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeyo Suuqa

  • Whales-ka ayaa sameeyay dhaq-dhaqaaqyo waaweyn: qaar way iibinayaan, halka qaarna ay iibsanayaan.
  • Whales badan waxay uruurinayaan BTC marka qiimuhu hoos u dhaco.
  • Dhaqdhaqaaqyadooda ayaa si toos ah u saameeya istaraatiijiyadda suuqa.
  • Qaar waxay u wareegayaan stablecoins si ay u yareeyaan khatarta.
  • Whale moves waxay caddeynayaan in crypto weli yahay hanti xiiso leh oo dhaqdhaqaaq degdeg ah leh.

🚀 6. Mashaariicda Horumarka ku socdo ee Suuqa

  • Dalal badan waxay dhisayaan sharciyo u fududeynaya mashruucyada blockchain & Web3.
  • Tokenised real-world assets ayaa noqday meel ay hay’aduhu si gaar ah u eegayaan.
  • DeFi protocols waxay xoogga saarayaan amniga & ka hortagga hacks.
  • Horumarka Layer-2 iyo cross-chain interoperability ayaa sii kordhaya.
  • Mashruucyada isku dara AI iyo blockchain ayaa noqday jiho cusub oo aad loo xiiseeyo.

🔗 7. Tignoolajiyada Blockchain

- Pre Order -

Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad

Madax-bannaani ★ Daah-furnaan ★ Musuq-maasuq Laa’aan. 🚀 Ku soo dhawoow kacaankii qarniga 21-aad.

  • Teknolojiyada cross-chain iyo interoperability waxay fududeyneysaa xiriirka dhaxal-wareejinta blockchains kala duwan.
  • Amniga smart-contracts ayaa noqday mudnaanta koowaad ee horumariyeyaasha.
  • Tokenised assets (RWAs) ayaa noqday mid ka mid ah isticmaalka ugu waaweyn ee blockchain-ka.
  • Blockchain scalability (xawaaraha ballaarinta Blockchain-ka) ayaa si joogto ah loo horumarinayaa.

🤖 8. AI & 🌐 Web 3.0

  • Mashruucyo badan ayaa isku dara AI iyo blockchain si loo helo amni & automation sare.
  • Web3 identity (DID) ayaa noqotay mowduuc aad loo hadal haayo.
  • AI waxay si weyn u kordhisay falanqaynta suuqa crypto iyo on-chain analytics.
  • Web3 wallets smarter ah (AI-powered wallets) ayaa soo baxaya.

🎨 9. NFT & 💸 DeFi

  • NFT projects-ka qaarkood waxay u wareegayaan soo kordhinta utility dhab ah sida (tickets, access, membership).
  • DeFi TVL (Total Value Locked) ayaa hoos u dhacay sababo la xiriira cabsida suuqa.
  • Stablecoins DeFi ah ayaa noqday kuwa lagu isticmaalka badan yahay.
  • NFT gaming-ka iyo metaverse-ka ayaa bilaabay soo-kabasho yar.
  • DEXs waxay kordhiyaan adeegyada liquidity-yada iyo amniga.

Crypto bilaw ilaa dhamaad AF:Somali

Best Somali Cryptocurrency Course: Learn the fundamentals of cryptocurrencies, blockchain, and secure trading. Master using Metamask, Binance, and Crypto.com….

Crypto Trading Mastery: From A to Z

A complete beginner-to-expert crypto trading course. Learn how crypto markets work, how to choose secure exchanges, and how to trade safely using proven strategies…

Share This Article