Skip to content Skip to sidebar Skip to footer

Waa maxay Boorsooyinka suuqa Kripto ‘What’s a Crypto Wallet’s’?

Suuqa Crypto wuxuu ugu duwan yahey suuqyada kale ee Financial-ka sida Forex iyo Stock-ga in uu leeyahey “Wallet” oo ah boorso digital ah taasoo aad ku kaydsan karto lacagtaada cryptada adigoo aan u baahnayn “Midlle Man” wax bangi ah aadna maamulan karto waqtiga aad doontana, kalana soo bixi karto, laguna soo diri karo crypto.

Noocyada boorsooyinka Suuqa Crypto “Kinds of Crypto Wallets”

Boorsooyinka suuqa crypto waxay u kala baxaan labo Nooc oo kala ah Hot wallet iyo Cold wallet.

Waa Maxay Boorsada Kulayl “What’s Hot wallet?

Hot wallet waa boorsooyinka ku xeran net-ka tasoo qofka aan  isticmaali Karin internet la’aan, waxay ku haboontahey dadka trade-ka sameeyo maalin walibo “transactions” ama sariflayaasha suuqaa si ay ugu kaydsadaan asset-ka ay kala sarfayaan sida USDT/BTC, waxay sidoo kale muhiim u tahey adeegsogeeda maalgashiyaasha ay u kaydsan yihiin ammount yar oo crypto ah.

Dadka ku cusub suuqaan waxaa u fudud in ay isticmaalaan noocaan, maxaa yeelay adeegsigeeda aad ayee ugu fududahey, wayna sahlan tahey in aad ka dirto laguna soo diro crypto ama aad ku samayso Swap ‘labo crypto isku badesho’.

Qaybaha Boorsooyinka Kulul “Types of Hot wallets’

Boorsooyinkaan kulul waxay u qaybsamaan ilaa saddex qaybood:

  1. Mobile wallets: Waa boorsooyin aad ku isticmaali karto mobile-kaaga, waxaad kala soo dagi kartaa hadba ‘Device’ ka aad adeegsanayso system ka uu ku shaqeeyo sida , Aandroid’ PlayStore, ‘iPhone’ App Store, Waxaa ka mid ah, trust wallet, Tonkeeper, Metamask, phantom.
  2. Web wallet:  waa boorsooyin aad ku xeran karto browser-ka aad isticmaalayso qaab qaab ‘extension’ ah, way fududahey in aad booqato maadaama ay kaa xegto in aad ‘click’ siiso kaliya. Waxaa ka mid ah coinbase wallet, Binance wallet, Exdus wallet.
  3. Desktop Wallet: waa boorsooyin software ah, kuwaasoo aad ku soo dagsan karto labtop-kaaga aadna ku dhex isticmaali karto, wayna ka amni badan yihiin kuwa web wallet, maadaama ay ku Instal garaysan yihiin computer-kaaga, Waxaa ka mid ah, Atomic wallet, Guarda Wallet, BitcoinCore, Bitpay wallet.

Faa’idooyinka iyo Qasaaraha ay lee yihiin Boorsooyinka kulul

 Faa’idooyinkooda waxaa ka mid ah:

  • Waxaad ku kaydsan kartaa maalgashiyada yar yar
  • Waxaad u isticmaali kartaa transaction-ada daily-ga ah’maalinle’ hadii aad tahey sarifle.
  • Waxaad dhigan kartaa lacagta aad rabti in aad trade ku gasho
  • Way u fudu-dahey dadka ku cusub suuqa crypto adeegsigeeda.
  • Waxay leedahey noocyo badan, sida kuwa aad ku adeegsan karto mobile-kaaga, labtopkaaga.

Qasaarooyinka ay lee yihiin waxaa ka mid ah:

  • In lagu sameeyo hacking, boorsooyinka way u sahlantahey in hackers soo weeraraan.
  • Ma lahan kalsooni buuxdo, boorsooyinkaan waxaa dhacdo mararka qaar in scamers maalgashi been ah dad ku dhacaan.
  • Lama adeegsan karo internet la’aan, si aad u isticmaasho boorsooyinkaan waxa aad u baahantahey internet.

Waa maxay Boorsada qabow What’s a Cold Wallet?

Cold wallet waa boorso aan ku xernayn internet-ka, waxaana loo adeegsadaa in lagu kaydsado maalgashiyada waa wayn, wayna adagtahey in lagu sameeyo hacking, waxayna ku haboontahey isticmaalkeeda jeeb waynayaasha suuqa ‘Whales’.

Qaybaha Boorsooyinka qaboow ‘Types of Cold Walet’s”

Waxay u qaybsamaan boorsoyinkaan labo qayb oo kala ah: Hardware walet iyo Paper walet.

  1. Waa Maxay Hardware walet?

Hardware walet: waa boorso physical ah taasoo aad u isticmaali karto qaab ‘USB Flash’ ahaan si aad ugu gaydsado lacagaha ugu maket capka wayn Suuqa Crypto sida Bitcoin, Ethrium, Solana, USDT, XRP iyo Coinska kale ee Top 10ka ku jiro, waxaana ugu caansan noocyadaan; Trezor,Ledger, Safepal iyo Keep Key.

  • Waa Maxay Paper wallet?

Paper wallet: waa boorso la adeegsan jiriay inta crypto ay  ‘Popular’ caan noqon waxaana lugu isticmaali jirey kaliya dhawr coin sida Bitcoin, Eth, LiteCoin waxyna u shaqaynaysi in aad booqato website ‘Offline ah’ internet la’aan la adeegsanaayo kaasoo kuu generate garaynaayo Puplic key and private key-gaaga sida ‘Bitaddress.org’, ka dib waxaad ku daawacanaysaa printer ama waxaad ku kaydsanaysaa device aan internet ku xernayn, Waxaa ka mid ahaa Noocyadaan: Bitaddress.org, BitcoinPaperwallet.com myetherwallet.com.

Faa’idooyinka iyo qaaraha Cold walet.  “boorsooyinka qabow”

Faaidoonk ay leeyihiin waxaa ka mid ah:

  • Waxaad ku kaydsan kartaa‘degital assest-kaada’ muddo fog.
  • Hackers-ka si fudud uma jabsan karaan
  • Maamulkooda adiga ayaa u madax banaan tahey

Qasaarooyinkooda waxaa  ka mid ah:

  • Isticmaalkooda waxay u baahnatahey qibrad iyo fahan qoto dheer.
  • Waa qaali oo waxad u baahantahey in aad iibsato.
  • Way kaa lumi kartaa ama lagaa xadi karaa waa boorso physical ah.

ka baro halkaan Coursada Crypto Bilaaw ilaa dhamaad

Leave a comment