Xidhitaankii (Shutdown) dawladda Mareykanka oo Dhammaaday

Suleyman Tubeec

Horumarka Kiribto oo dib u bilawday kadib Markii Trump Saxiixay Sharciga lagu soo afjarayo xayiraaddii ama xidhitaankii dawladda

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa saxiixay sharcigii soo afjarayay xidhitaankii ugu dheeraa ee dowladda Mareykanka oo socday 43 maalmood, taasoo ka dhigtay inay dib u bilowdaan hawlaha hay’adaha dawladda.

Sharcigan u fasaxaya dawladda maaliyadda ay ku shaqayn lahayd ayaa horey uga gudbay Senate-ka Isniintii iyo Aqalka Wakiillada Arbacadii, waxaana Trump saxiixay saacado yar kadib, si dawladda dib loogu howlgeliyo.

Mid ka mid ah qodobadii muranka dhaliyay wuxuu ahaa maalgelinta daryeelka caafimaadka, iyadoo Dimuqraadiyiintu doonayeen in la kordhiyo taageerada, halka Jamhuuriyiintu ay rabaan in arrintaas la xalliyo kadib marka sharciga la meel mariyo.

- Advertisement -

Kadib saxiixa, Madaxweyne Trump wuxuu sheegay inuu diyaar u yahay inuu la shaqeeyo Dimuqraadiyiinta si loo helo xal waara:

Mar walba waxaan diyaar u ahay inaan la shaqeeyo cid kasta, xitaa xisbiga kale,” ayuu yidhi Trump, isagoo intaas ku daray:
Waxaan ka shaqayn doonaa qorshe la xidhiidha daryeelka caafimaadka — waxaan sameyn karnaa wax aad u wanaagsan.

Sharcigan cusub wuxuu oggolaanayaa maalgelin ku-meel-gaadh ah oo socon doonta ilaa Janaayo 30-keeda, taas oo u oggolaaneysa labada xisbi waqti dheeraad ah si ay uga heshiiyaan qorsheyaal dhaqaale oo ballaadhan sanadka 2026-ka.

Macnaha ay u leedahay Kiribto

Dib-u-furitaanka dowladda wuxuu keenayaa in shaqaalaha ku laabtaan hay’adaha saameeya suuqyada Kiribto, sida SEC (Securities and Exchange Commission) iyo CFTC (Commodity Futures Trading Commission).

- Pre Order -

Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad

Madax-bannaani ★ Daah-furnaan ★ Musuq-maasuq Laa’aan. 🚀 Ku soo dhawoow kacaankii qarniga 21-aad.

$16.99$12.99Get It Now

Waxaana jira shirkado badan oo sugayay ogolaanshaha SEC ee ETF-yada suuqyada Kiribto ee spot-ka ah, halka CFTC-du ay horey ugu sii socotay qorshaha ay ku qabanayso dhagaysiga xaqiijinta Mike Selig oo ah musharraxa uu Trump u doortay inuu madax ka noqdo hay’addaas 19-ka Noofambar.

Sidoo kale, Waaxda Maaliyadda (Treasury) ayaa hadda dib u bilaabi karta qiimeynta jawaabaha dadweynaha ee ku saabsan GENIUS Act, oo diiradda saaraya xeerarka stablecoin-ka.

Inkasta oo xidhitaanku dhammaaday, suqyada Kiribto si weyn uma falcelin qiimaha Bitcoin ayaa isbedel yar muujiyay.

Si kastaba ha ahaatee, taariikh ahaan, marka dawladda Mareykanka dib u furanto, waxaa badanaa xiga korodh weyn oo ku dhaca suuqyada Kiribto.

Crypto bilaw ilaa dhamaad AF:Somali

Best Somali Cryptocurrency Course: Learn the fundamentals of cryptocurrencies, blockchain, and secure trading. Master using Metamask, Binance, and Crypto.com….

Crypto Trading Mastery: From A to Z

A complete beginner-to-expert crypto trading course. Learn how crypto markets work, how to choose secure exchanges, and how to trade safely using proven strategies…

Share This Article
Leave a Comment