Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa Kiribto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, Kiribto, Blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.
Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo Kiribto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu Kiribto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Kiribto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.
📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa
Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $3.15 tirilyan, waxa uuna sameeyay kor u kac ah 6.61%.
Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 22% taasoo ka dhigan inay dareenka suuqu yahay mid cabsi xooggan ka jirto.
In ka badan $485.05M ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $409.33M ay ka yimaadeen dad hoos u galay suuqa (Short positions).

xigasho : Coinglass
📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa
Dawladda UK waxay meel marisay sharci u aqoonsanaya hantida dhijitaalka ah sida Kiribto iyo stablecoins hanti gaar ahaaneed oo sharci ahaan la ilaaliyo, ka dib marka uu helo sharcigu oggolaanshaha boqortooyada.
Madaxweynaha Trump ayaa Kevin Hassett ku tilmaamay “musharrax Guddoomiyaha Fed” intii lagu jiray bayaan ka soo baxay Aqalka Cad.
Texas ayaa noqday gobolka ugu horreeya Mareykanka ee ku daray Bitcoin sanduuq maalgashi oo dowladeed, kadib markii uu iibsaday ku dhawaad $5M oo ah BlackRock IBIT ETF oo hoos taga sanduuqa cusub ee SB 21 Bitcoin Reserve.
Koox ka kooban 10 bangi oo Midowga Yurub ah ayaa qorsheynaysa inay soo saaraan stablecoin ku xidhan euro sannadka 2026, iyadoo hoos imaanaysa hay’ad uu hoggaamiyo Bangiga Dhexe ee Netherlands, waxana ay raadin doonaan oggolaanshaha sharciyadeed badhka labaad ee 2026-ka.
💰 3. ETFs iyo Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)
BTC, SOL, iyo XRP spot ETFs-ku waxay diiwaangeliyeen maalgashi cusub oo soo galay Diseembar 2-deedii, halka ETH spot ETFs-ku uu ka baxay maalgashi.
BTC: $58.5M
ETH: -$9.91M
SOL: $45.77M
XRP: $67.74M
🐋 4. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa
Tether ayaa daabacday 1B oo $USDT.
BitMine ayaa maanta iibsatay 18,345 $ETH oo qiimahoodu gaadhayo ku dhawaad $55M.
Fidelity iyo Grayscale ayaa hadda iibsatay Ethereum qiimaheedu dhan yahay $78.8 milyan.
🚀 5. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa
Binance waxa ay soo bandhigtay Binance Junior, oo ah akoon kayd Kiribto ah oo loogu talagalay carruurta iyo dhallinyarada, kuna shaqaysa ilaalada waalidka.
TRON waxa ay si rasmi ah kor u dhaaftay 350 milyan oo akoon.
Shirkadda Strategy ee Michael Saylor ayaa sheegtay inay mustaqbalka ka fiirsan doonaan amaahinta Bitcoin, sida uu sheegay wargayska Bloomberg.
Shirkadda Coinbase ayaa sheegtay in suuqu uu diyaar u ahaan karo is-beddel bisha Diseembar maadaama Federal Reserve uu yareyn karo heerarka ribada, taas oo furi karta maalgashi cusub, sida ku xusan warbixinnadii ugu dambeeyay.
Hedera ayaa la saxiixatay heshiis is af-garad (Memorandum of Understanding) Wasaaradda Cadaaladda Georgia si loo hirgeliyo tignoolajiyada Hedera ee qaybaha kala duwan ee adeegyada dowladda dalkaas.
🤖 6. AI iyo Web 3.0
OpenAI diiradda saaraysa si loo horumariyo ChatGPT iyada oo tartan xooggan jiro, Maamulaha Guud ee OpenAI ayaa ku dhawaaqay dadaal diiradda lagu saarayo xawaaraha, kalsoonida, iyo horumarinta ChatGPT. Shirkaddu waxay hakisay qaar ka mid ah mashaariicda kale si ay xoogga u saarto xoojinta moodelkeeda aasaasiga ah.


