Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa Kiribto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, Kiribto, Blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.
Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo Kiribto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu Kiribto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Kiribto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.
📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa
Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $3.17 tirilyan, waxa uuna sameeyay kor u kac ah 0.64%.
Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 27% taasoo ka dhigan inay dareenka suuqu yahay mid cabsi ka jirto.
In ka badan $310.81M ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $203M ay ka yimaadeen dad hoos u galay suuqa (Short positions).

xigasho : Coinglass
📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa
Senator Cynthia Lummis waxay soo jeedisay in Maraykanku dhawaan qaadi karo tallaabo uu Bitcoin ku iibsanayo.
Gobolka Connecticut ayaa ku amray Robinhood, Crypto․com, iyo Kalshi inay joojiyaan oo ka waantoobaan adeegyo gaar ah, isagoo sheegay in “event contracts”-kooda ay yihiin khamaar aan shati haysan.
💰 3. ETFs iyo Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)
ETF-yada ETH iyo XRP ee suuqa (spot ETFs) ayaa sheegay inay heleen maalgashi cusub (inflows) maalintii 3aad ee Diseembar, halka BTC iyo SOL uu ka baxay maalgashi (outflows).
BTC: – $14.9M
ETH: + $140.16M
SOL: – $32.19M
XRP: + $50.27M
🐋 4. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa
Circle ayaa daabacday 500M oo $USDC ah.
Shirkadda BitMine oo uu leeyahay Tom Lee ayaa iibsatay $150 milyan oo Ethereum ah.
Shirkadda Tether ayaa iibsatey 26 tan oo dahab ah bishii 6aad ilaa bishii 9aad ee 2025, taasoo ka sarreysa inta ay iibsadeen inta badan bangiyada dhexe, iyadoo guud ahaan haysata 116 tan.
Shirkadda American Bitcoin oo xidhiidh la leh Trump ayaa kordhisay kaydkeeda Bitcoin, iyagoo wadarta guud gaadhsiiyay 4,367 $BTC.
BlackRock, Fidelity, Grayscale iyo ETF-yada kale ayaa maanta iibsaday $138.96 milyan oo Ethereum ah.
🚀 5. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa
Revolut Bank ayaa hadda bilaabaya inuu oggolaado lacag bixinta Solana, wareejinta, iyo staking-keedaba.
CleanSpark ayaa sheegtay inay 587 $BTC qoday bishii Noofembar, waxayna guud ahaan haysataa 13,054 $BTC. Wax soo saarkeeda sanadka 2025 wuxuu gaadhay 7,124 $BTC.
🤖 6. AI iyo Web 3.0
OpenAI waxay heshiis la gashay inay iibsato Neptune, oo ah shirkad bilow ah oo dhista qalabka lagu kormeero laguna maamulo tababarka moodellada AI, tallaabo loogu talagalay xoojinta kaabayaasha gudaha ee OpenAI ee dhisidda moodellada waaweyn.
🔗 7. Tiknooloojiyadda Blockchain
Cusboonaysiinta Fusaka ee Ethereum ayaa si rasmi ah uga dhaqan gashay shabakadda weyn ee Ethereum, iyadoo keenaysa horumarro cusub oo loogu talagalay in lagu kordhiyo kordhinta awoodda (scalability), waxtarka (efficiency), iyo amniga (security).


