Dunidan maanta waa mid lagu tartamayo dhinaca tiknoolajiyadda AI-ga iyo Kiribto oo dhinaca maaliyadda sannaddadan danbe ka ciyaarta door muhiim ah.
Heerar kala duwan ayay soo martay tiknoolajiyaddan Kiribto, iyada oo xilliyada qaar ahayd mid khatar loo yaqaanno oo bangiyada iyo dalalka caalamku ay iska dhawraan adeegsigeeda.
Maanta se waa mid ka mid ah tiknoolajiyadaha maaliyadeed ee dunida ugu saameyn badan.
Haddaba, ka soomaali ahaan suuqan in badan ma aanan ahayn kuwo la fal-gala oo adeegsigiisa joogteeya sannado ka hor.
Balse wacyiga kordhaya iyo aqoonta aan u qabno suuqyada maaliyadeed ee caalamiga ah ayaa keentay inaynu ka mid noqonno ummadaha ugu horreeya ee tiknoolajiyaddan la qabsada.
Shirkadda soomaliyeed ee WAAFI oo ah shirkad maaliyadeed oo adeegyo badan kulmisatay, hoos imatana dalladda weyn ee Salaam Group ayaa adeegyadeeda ku soo dartay boorso Kiribto (Crypto Wallet) inaad ka dhex furan karto App-keeda isla markaana aad ku shuban karto lacagaha Kiribto qaar, dabcan waqti kadib dhammaan lacagaha Kiribto way keeni doonaan.
1. Furashada Wallet cusub
B. Marka aad furto App-ka qaybta ugu horreysa ee soo baxaysa ayaad ka dooranaysaa crypto oo ay saaran tahay calaamadda Bitcoin.

T. Maadaama aan wallet cusub furayno waxaad dooranaysaa Create new Wallet.

J. Qaybtan waxa uu ku siinayaa tilmaamo ah inaad ilaaliso 12-ka eray-sireed oo lagu siin doono, isla markaana aad qof kale tusin, create ayaad taabanaysaa.

X . kadib waxa uu ku siinayaa 12 eray-sireed oo adi kuu gaar ah Copy ayaad odhan oo meel aamin ah ayaad ku kaydsan.
Kadib labada meel ee hoose ayaad saxaysaa, kadibna Continue dheh.

KH. Meesha ‘Name’ ku qoran tahay magaca wallet-ka aad u bixinayso ku qor.
Saddexda meel ee hoosena ku qor tirada boos walba ku qoran erayga u dhigma ee eray-sireedyadii lagu siiyay ka mid ah.
Tusaale: erayga labaad ayaa annaga la ina waydiiyay hadda, waxa aan ku qoraynaa ‘snack‘ maadaama uu yahay erayga labaad ee eray-sireedyadii ka mid ah.

D. Waxaa kuu soo baxay dashboard-ka Wallet-ka ama waajahaaddiisa hore, intaa kadib waxa aad u adeegsan sida aan u adeegsanaysay Wallet-yada kale.
2. Ku xidhidda Wallet horey u jiray
B. Waxaa aad dooranaysaa Open existing Wallet.

T. Saddexda ikhtiyaar ee kuu soo baxa ayaad midka aad rabto inaad ku gasho Wallet-kaagi hore ayaad ka dooran
• 12-kii eray-sireed ee marka aad furanaysay Wallet-ka lagu siiyay
• QR code aad hadda sawirayso
• QR code aad horey u sawirtay

J. Meesha ‘Name‘ ay ku qoran tahay ku qor magacii aad Wallet-ka u bixisay, meesha hoosena ku Paste-garee 12-kii eray-sireed oo dhan, adigu ha qorin laga yaabaa inaad qalado e’, kaliya waxaad soo Copy-gareysay ku Paste-garee.
Haddaba sidaa waxaad ku haysataa Wallet-kaagii hore.
Galaangalka ay soomaalidu ku leeyihiin suuqan ayaa kordhi doona haddii sidan si la mid ah ay bangiyada soomaliyeed ula qabasadaa suuqan.


