Wararka Maanta ee suuqa Kiribto, 15-ka Janaayo 2026

Suleyman Tubeec

Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa Kiribto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, Kiribto, Blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo Kiribto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu Kiribto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Kiribto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.

📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa

Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta 3.27 tirilyan, waxa uuna sameeyay kor u kac ah 1.35%.

- Advertisement -

Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 54% taasoo ka dhigan inay dareenka suuqu yahay mid damac u janjeedha.

In ka badan $444.42M ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $261.35M ay ka yimaadeen dad hoos u galay suuqa (Short positions).

xigasho : Coinglass

📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa

Madaxweyne Trump wuxuu filayaa in Imaaraadka Carabta (UAE) uu ku maalgeliyo Maraykanka hanti gaadhaysa $4 tiriliyan muddo 14 maalmood gudahood ah.

- Pre Order -

Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad

Madax-bannaani ★ Daah-furnaan ★ Musuq-maasuq Laa’aan. 🚀 Ku soo dhawoow kacaankii qarniga 21-aad.

Guddiga Bangiyada ee Senate-ka ayaa baajiyay kulankii la qorsheeyay berrito ee dib-u-eegista sharciga qaab-dhismeedka suuqa Kiribto, kadib markii Coinbase ay ka laabatay taageeradii ay siinaysay, sida ay werisay Eleanor Terrett.

Dawladda Sucuudiga ayaa sheegtay inay hantida qaranka ay ku qodi (Mine) doonto Bitcoin.

💰 3. ETFs iyo Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)

Dhammaan ETF-yada suuqa Kiribto waxa shalay ay heleen maalgashi cusub.

BTC: $843.62M
ETH: $175M
SOL: $23.57M
XRP: $10.63M

🪙 4. Coins-ka Cusub & Token-ada

B. Sport.fun (FUN)

  • Waxaa lagu liis-gareyn doonaa Bitget.
  • Ganacsiga FUN/USDT (spot) wuxuu bilaabanayaa maanta.

🐋 5. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa

Dawladda Maraykanka ayaa suuqa ku shubtay hanti dhan $2B.

Shirkadda BlackRock ayaa iibsatay Bitcoin u dhiganta $646.6M.

🚀 6. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa

Shirkadda JPMorgan waxay filaysaa in qulqulka maalgashiga Kiribto uu sii kordho sanadka 2026, kadib markii uu gaadhay $130 bilyan sanadkii 2025.

Bangiga weyn ee Spanish Bankinter ayaa helay saami yar (minority stake) oo uu ka iibsaday is-weydaarsiga lacagaha dhijitaalka ah Bit2Me.

Shirkadda Canaan Inc. waxay bishii Diseembar qodday 86 Bitcoin (BTC), waxaana ay sanadka ku soo gabagabeysay iyadoo haysata 1,750 BTC iyo 3,951 Ethereum (ETH).

Shirkadda MasterCard ayaa ku talo jirta soo kordhinta lacag-bixinta Ethereum.

🤖 7. AI iyo Web 3.0

Daraasad ay soo saartay shirkadda Cognizant maanta ayaa muujisay in Garaadka macmalka ah (AI) uu kor u qaadi karo ilaa $4.5 tiriliyan wax-soo-saarka Mareykanka, maadaama nidaamyada AI si ballaaran loogu adeegsanayo shaqooyinka kala duwan.

🔗 8. Tiknooloojiyadda Blockchain

Shirkadda amaahda bixisa ee ku saleysan blockchain-ka ee Figure, ayaa soo bandhigtay adeeg cusub oo u oggolaanaya shirkadaha inay saamiyadooda si toos ah ugu diiwaangeliyaan blockchain-ka.

Crypto bilaw ilaa dhamaad AF:Somali

Best Somali Cryptocurrency Course: Learn the fundamentals of cryptocurrencies, blockchain, and secure trading. Master using Metamask, Binance, and Crypto.com….

Crypto Trading Mastery: From A to Z

A complete beginner-to-expert crypto trading course. Learn how crypto markets work, how to choose secure exchanges, and how to trade safely using proven strategies…

Share This Article