Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa Kiribto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, Kiribto, Blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.
Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo Kiribto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu Kiribto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Kiribto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.
📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa
Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.97 tirilyan, waxa uuna sameeyay hoos u dhac ah 0.83%.
Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 29% taasoo ka dhigan inay dareenka suuqu yahay mid cabsi u janjeedha.
Dahabka ayaa taariikhda markii u horreysay gaadhay $5000.
In ka badan $750.8M ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $578.98M ay ka yimaadeen dad kor u galay suuqa (Long positions).

xigasho : Coinglass
📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa
Guddiga Midowga Yurub (EU Commission) ayaa Isniinta furaya dacwado ka dhan ah chatbot-ka AI ee Grok iyadoo lagu saleynayo Sharciga Adeegyada dhijitaalka ah (Digital Services Act – DSA).
Dawladda Hong Kong ayaa ansixisay sharciga dhigaya in wax canshuur ah laga qaadin faa’idada laga helo Kiribtada.
💰 3. ETFs iyo Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)
Dhammaan ETF-yada suuqa Kiribto waxa shalay ay lumiyeen hanti ama maalgashi, marka laga reebo ETF-yada SOL.
BTC: – $1.33B
ETH: – $611.17M
SOL: $9.57M
XRP: – $40.64M
Dawladda Japan ayaa ansixin karta ETF-yada Kiribto sanadka 2028, iyadoo Nomura iyo SBI Holdings ay hoggaamin doonaan wareegga koowaad ee liis-gareynta.
🪙4. Coins-ka & Token-ada Cusub
B. ENSO
- Madasha HTX ayaa soo liis-gareeynaysa token-ka $ENSO, waxaana aad kaga trade-gareyn kartaa magaca ENSO/USDT.
🐋 5. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa
Shirkadda World Liberty Financial oo uu taageero Trump ayaa iibisay 93.77 WBTC oo qiimahoodu yahay $8.07 milyan.
🚀 6. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa
Hay’adda Ethereum Foundation ayaa daah-furtay koox amni oo kadib hawlgal-ka Quantum-ka shaqayn doonta, iyadoo siisay $2 milyan maalgelin si looga hortago khataraha ka iman kara awoodaha quantum-ka.
Ethereum ayaa shirkadaha hoggaaminaysa marka loo eego lacagta ay amaah on-chain ah ay ku bixiyeen, lacagtaas oo dhan $28B.
Dawladda Shiinaha waxaa uga hadhsan 4,012 $BTC oo keli ah si ay u dhaafo Maraykanka.
🤖 7. AI iyo Web 3.0
Shirkadaha waaweyn ee dawooyinka ayaa bilaabay inay adeegsadaan qalabyo AI ah si loo dedejiyo horumarinta dawooyinka, oo ay ku jirto dardar-gelinta tijaabooyinka caafimaad (clinical trials) iyo diyaarinta dukumentiyada sharciyeynta si ka Degdeg badan sidii hore.
Tani waxay muujinaysaa sida AI loogu adeegsanayo in lagu beddelo hal-abuurnimada daryeelka caafimaadka isla markaana dawooyin cusub si degdeg ah loo gaadhsiiyo suuqa.
🔗 8. Tiknooloojiyadda Blockchain
Shirkadda Ripple ayaa is-kaashi la samaysay Jeel Movement, oo ah laanta hal-abuurnimada ee bangiga Riyad Bank oo maamula $130 bilyan, si ay u sahmiyaan adeegsiyada kala duwan ee tiknoolajiyada blockchain.


