Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa Kiribto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, Kiribto, Blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.
Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo Kiribto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu Kiribto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Kiribto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.
📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa
Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.8 tirilyan, waxa uuna sameeyay hoos u dhac ah 0.59%.
Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 26% taasoo ka dhigan inay dareenka suuqu yahay mid cabsi u janjeedha.
In ka badan $598.19M ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $484.96B ay ka yimaadeen dad kor u galay suuqa (Long positions).

xigasho : Coinglass
📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa
Trump ayaa sheegay in Kevin Warsh oo uu ka dhigay madaxa Fed uu Jari doono heerka ribada isaga oo aan cadaadis ka soo gaadhin aqalka cad.
Dawladda Maraykanka ayaa si rasmi ah u gashay xayiraad Kadib markii la isku af-garan waayay miisaaniyadda sidaana lagu ansixin waayay.
Haayadaha SEC iyo CFTC ayaa soo saaray xeer ay ku magacaabeen “Project crypto” kaas oo isku duwi doona xeerarka Kiribto la xidhiidha ee labada haayadood soo saaraan.
Lacagta dalka Iran ayaa gaadhay meeshii ugu hooseysay oo 1-kii dollar waa 1.6M oo riyaal.
💰 3. ETFs iyo Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)
Dhammaan ETF-yada suuqa Kiribto waxa shalay ay lumiyeen hanti ama maalgashi.
BTC: – $509.7
ETH: – $252.9
🪙 4. Coins-ka & Token-ada Cusub
B.CRYPGPT ($CRYPGPT)
Waxaa maanta lagu liis-gareyn doonaa suuqa is-weydaarsi ee MEXC.
🐋 5. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa
Ganacsade ayaa ku jira $110 million oo ah khasaare, kadib markii uu ka qaatay trade-yo $BTC, $ETH iyo $SOL oo si xooggan uu BUY u galay.
🚀 6. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa
Binance ayaa xafiiskeeda guud u wareejisay Magaalada Dubai.
Hantida la Tokenize-gareeyay ayaa gaadhay $21B sida ay sheegtay CryptoRank.
🤖 7. AI iyo Web 3.0
Shirkadda SpaceX ee Elon Musk ayaa ku talo jirta inay ka samayso 1 milyan oo xaruun xogeed ah hawada sare ee dunida.
🔗 8. Tiknooloojiyadda Blockchain
Qiimaha Bitcoin ayaa sii waday hoos u dhaca, isagoo ku jira hoos u dhac bishii afaraad oo xidhiidh ah, taasoo keentay in in ka badan $800 milyan oo hanti blockchain ah la khasaaro (liquidations) 24-kii saac ee la soo dhaafay.
Hoos u dhacu wuxuu ka tarjumayaa xaaladda guud ee khatarta (risk sentiment) ee suuqyada blockchain wuxuuna saameyn ku yeeshay dhaqanka maalgashadayaasha “on-chain”-ka ah.


