Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa Kiribto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, Kiribto, Blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.
Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo Kiribto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu Kiribto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Kiribto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.
📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa
Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.33 tirilyan, waxa uuna sameeyay hoos u dhac ah 0.48%.
Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 12% taasoo ka dhigan in dareenka suuqu yahay mid cabsi xooggan ka jirto.
In ka badan $220.70M ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $146.14M ay ka yimaadeen dad kor u galay suuqa (Long positions).

xigasho : Coinglass
📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa
Sharciga Digital Assets Strategic Reserve Fund (SB1649) ee gobolka Arizona ayaa ka gudbay Guddiga Maaliyadda ee Senate-ka cod 4–2 ah, waxaana hadda loo gudbinayaa Guddiga Xeerarka (Rules Committee) si tallaabada xigta loo qaado.
Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in Japan ay bilowday maalgashi ku saabsan mashaariic waaweyn oo tamar iyo warshado ah oo ka socda Mareykanka, taasoo qayb ka ah heshiis ganacsi oo qiimihiisu yahay $550 bilyan.
💰 3. ETFs iyo Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)
ETF-yada $SOL iyo $ETH waxay heleen maalgashi cusub shalay, halka ETF-yada Bitcoin ay lumiyeen maalgashi, ETF-yada $XRP iyagu guud ahaan waxba ma soo gelin.
BTC: – $104.87M
ETH: $48.63M
SOL: $2.19M
XRP: 0
🐋 4. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa
Shirkadda ARK Invest ayaa Talaadadii iibsatay 41,400 saamiyo oo ka tirsan Coinbase, kuwaas oo qiimahoodu yahay $6.9 milyan, taasoo muujinaysa inay dib uga laabatay dhimista saamiyadeeda ee dhowaan dhacday.
Sida ku cad xogta Arkham Intelligence, celceliska qiimaha iibsiga $BTC ee Michael Saylor ayaa hoos ugu dhacay $76,027 kadib iibsi dhan $168.4 milyan, taasoo noqotay markii ugu horreysay ee ay hoos u dhacdo qiimaha ay Bitcoin walba ugu fadhido celcelis ahaan tan iyo 2023-kii.
🚀 5. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa
Peter Thiel ayaa si buuxda uga baxay shirkadda kaydisa Ethereum ee ETHZilla, kadib markii uu iibiyay dhammaan saamiyadiisii.
Satoshi Nakamoto ayaa weli ah haystaha ugu weyn ee Bitcoin, isagoo leh qiyaastii 1.1 milyan BTC (qiyaastii $75 bilyan) sanadka 2026.
Sida ay sheegtay Arkham Intelligence, kuwa ugu sarreeya ee haysta Bitcoin waxaa ka mid ah Coinbase, BlackRock, Strategy, Dawladda Maraykanka, iyo Tether.
Milkiyadda Bitcoin ayaa la kulantay isbeddel weyn sanadkii 2025, iyadoo shirkado, sanduuqyo maalgashi, iyo dowlado ay kordhiyeen kaydkooda, halka milkiyadda shaqsiyaadka (individuals) ay si weyn hoos ugu dhacday.
Michael Saylor ayaa yidhi “Waxaa laga yaabaa inaan ku jirno bartamaha jiilaalka Kiribto, balse guga ayaa iman doona, Bitcoin-na way guuleysanaysaa.”
🤖 6. AI iyo Web 3.0
Nvidia iyo Meta Platforms ayaa gaadhay heshiis chips ah oo malaayiin doollar ah oo soconaya dhowr sano, iyadoo Meta ay sii labanlaabayso maalgashigeeda kaabayaasha AI (AI infrastructure).
🔗 7. Tiknooloojiyadda Blockchain
TON Foundation ayaa ku dhawaaqday iskaashi istiraatiiji ah oo ay la yeelatay shirkadda bixinta lacagaha Banxa, si loo ballaadhiyo kaabayaasha lacag bixinta stablecoin guud ahaan gobolka Aasiya–Baasifigga (Asia‑Pacific region).
Ogaysiis
Sida aad wada ogtihiin waa yimaadday buuggeennii Kiribto, Kacdoonka Qarniga 21aad, haddaba waxaad ka dalban kartaa website-keenna adiga oo raacaya lifaaqan https://gellecrypto.com/shop/crypto/kiribto-kacdoonka-qarniga-21-aad/


