Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa Kiribto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, Kiribto, Blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.
Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo Kiribto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu Kiribto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Kiribto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.
📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa
Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.28 tirilyan, waxa uuna sameeyay hoos u dhac ah 1.89%.
Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 11% taasoo ka dhigan in dareenka suuqu yahay mid cabsi xooggan ka jirto.
In ka badan $205.72M ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $162.65M ay ka yimaadeen dad kor u galay suuqa (Long positions).

xigasho : Coinglass
📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa
Madaxweynaha Donald Trump ayaa sheegay in khasaaraha ganacsi ee Maraykanka uu hoos u dhacay 78% sababo la xidhiidha canshuuraha (tariffs), isla markaana uu isu beddeli doono faa’iido sannadkan markii ugu horreysay tobannaan sano gudahood.
💰 3. ETFs iyo Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)
Dhammaan ETF-yada suuqa Kiribto waxa shalay ay lumiyeen hanti ama maalgashi, marka laga reebo ETF-yada SOL.
BTC: – $133.27M
ETH: – $41.83M
SOL: $2.40M
XRP: – $2.21M
🪙 4. Coins-ka & Token-ada Cusub
B. ZAMA ($ZAMA)
Maanta ayaa lagu liis-gareeyay suuqyada is-weydaarsi ZAMA, waxaana Binance TH ay ku soo bandhigtay calaamadda ZAMA/USDC iyo ZAMA/USDT.
🐋 5. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa
Shirkadda Bitmine ee uu leeyahay Tom Lee waxay hal maalin gudaheed ku iibsatay 35,000 $ETH oo qiimahoodu yahay $69.37 milyan, iyadoo wax-iibsigu ka dhacay dhowr macaamil oo kala duwan oo laga fuliyay FalconX iyo BitGo.
🚀 6. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa
Maamulaha guud ee Goldman Sachs, David Solomon, ayaa sheegay inuu haysto qadar aad u yar oo $BTC ah, balse uu si dhow ula socdo hantidan, isaga oo xeerarka iyo sharciyeynta ku tilmaamay caqabad weyn.
Aasaasaha Binance, CZ ayaa sheegay inuu ku boorriyay madaxda Imaaraadka Carabta inay Bitcoin iibsadaan, waxa uuna sheegay inay ka aaminsan yihiin Bitcoin hanti lagu kaydiyo qiimaha lacagta sida Dahabka oo kale.
🤖 7. AI iyo Web 3.0
Shirkadda OpenAI ayaa ku dhow inay soo gabagabeyso wareeg maalgelineed ka badan $100 bilyan, kaas oo kor u qaadi kara qiimeynta shirkadda inay dhaafto $850 bilyan, sida uu sheegay wargayska Bloomberg.
Mukesh Ambani oo ah maalqabeen u dhashay Hindiya ayaa qorshaynaya inuu $110B ku maalgeliyo kaabayaasha la xidhiidha Garaadka Macmalka ah.
🔗 8. Tiknooloojiyadda Blockchain
Blockchain-ka Robinhood oo tijaabo ku jira ayaa $4M oo lacag ah ay dhex martay toddobaadkiisii ugu horreeyay.
Ogaysiis
Sida aad wada ogtihiin waa yimaadday buuggeennii Kiribto, Kacdoonka Qarniga 21aad, haddaba waxaad ka dalban kartaa website-keenna adiga oo raacaya lifaaqan https://gellecrypto.com/shop/crypto/kiribto-kacdoonka-qarniga-21-aad/


