Wararka Maanta ee suuqa Kiribto, 20-ka Febraayo 2026

Suleyman Tubeec

Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa Kiribto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, Kiribto, Blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo Kiribto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu Kiribto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Kiribto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.

📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa

Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.28 tirilyan, waxa uuna sameeyay kor u kac ah 0.65%.

Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 12% taasoo ka dhigan in dareenka suuqu yahay mid cabsi xooggan ka jirto.

In ka badan $171.99M ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $87.54M ay ka yimaadeen dad kor u galay suuqa (Long positions).

xigasho : Coinglass

📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa

Madaxweynaha Donald Trump ayaa sheegay inuu dib u rogay dhibaatadii awoodda wax-iibsiga, isaga oo ku dooday in wax walba hoos u dhaceen, kadib markii uu xilka la wareegay iyada oo qiimaha alaabuhu sarreeyaan , sidoo kale uu jiro sicir-barar xooggan.

- Pre Order -

Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad

Madax-bannaani ★ Daah-furnaan ★ Musuq-maasuq Laa’aan. 🚀 Ku soo dhawoow kacaankii qarniga 21-aad.

💰 3. ETFs iyo Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)

ETF-yada $SOL iyo $XRP waxay heleen maalgashi cusub toddobaadkii u dambeeyay, halka ETF-yada Bitcoin iyo Ethereum ay lumiyeen maalgashi.

BTC: – $165.8M
ETH: – $130.1M
SOL: $5.94M
XRP: $4.05M

🐋 4. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa

Tirada USDT ee Tether ayaa hoos u dhacday –1.7% bishii la soo dhaafay, taasoo noqotay hoos u dhicii ugu weynaa tan iyo burburkii FTX.

Shirkadda Consensys ee ay taageerto shirkadda SharpLink Gaming, ayaa hadda haysata 867,798 $ETH oo qiimahoodu gaadhayo ku dhowaad $1.68 bilyan, iyadoo ku dhowaad dhammaan hantideeda la geliyay staking.

🚀 5. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa

Maamulaha guud ee Tether, Paolo Ardoino, ayaa sheegay in 94 tan oo XAUT oo ah dahab on-chain ah la isugu diray si degdeg ah lixdii bilood ee la soo dhaafay, iyadoo khidmadaha macaamilladu ahaayeen kaliya 0.0016%.

Maamulaha guud ee Coinbase, Brian Armstrong ayaa yidhi “kiribto waxa ay dib-u-cusboonaysiinaysaa dhammaan nidaamka maaliyadeed, laga bilaabo ganacsiga, lacag-bixinta ilaa dayminta iyo waxyaabo kale oo badan,” isaga oo xusay in dakhli tirilyano doolar ah oo halis iyo fursadba ku jirto.

🤖 6. AI iyo Web 3.0

Nvidia ayaa ku dhow inay dhamaystirto maalgashi dhan $30 bilyan oo ay ku gasho wareegga maalgelinta cusub ee OpenAI, taas oo beddelaysa ballanqaadkii $100 bilyan ee sannadkii hore, sida ay sheegtay majallada Financial Times.

🔗 7. Tiknooloojiyadda Blockchain

Shabakadda Bitcoin Lightning Network ayaa dhaaftay $1 bilyan oo mugga macaamillada billaha ah, sida ay sheegtay River Financial.

Ogaysiis

Sida aad wada ogtihiin waa yimaadday buuggeennii Kiribto, Kacdoonka Qarniga 21aad, haddaba waxaad ka dalban kartaa website-keenna adiga oo raacaya lifaaqan https://gellecrypto.com/shop/crypto/kiribto-kacdoonka-qarniga-21-aad/

Crypto bilaw ilaa dhamaad AF:Somali

Best Somali Cryptocurrency Course: Learn the fundamentals of cryptocurrencies, blockchain, and secure trading. Master using Metamask, Binance, and Crypto.com….

Crypto Trading Mastery: From A to Z

A complete beginner-to-expert crypto trading course. Learn how crypto markets work, how to choose secure exchanges, and how to trade safely using proven strategies…

Share This Article