Wararka Maanta ee suuqa Kiribto, 21-ka Febraayo 2026

Suleyman Tubeec

Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa Kiribto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, Kiribto, Blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo Kiribto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu Kiribto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Kiribto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.

📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa

Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.34 tirilyan, waxa uuna sameeyay kor u kac ah 2.06%.

Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 14% taasoo ka dhigan in dareenka suuqu yahay mid cabsi xooggan ka jirto.

Suuqa Kiribto ayaa lumiyay dhammaan maalgashigii soo galay sannadihii 20242025.

In ka badan $120.35M ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $85.97M ay ka yimaadeen dad hoos u galay suuqa (Short positions).

xigasho : Coinglass

📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa

- Pre Order -

Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad

Madax-bannaani ★ Daah-furnaan ★ Musuq-maasuq Laa’aan. 🚀 Ku soo dhawoow kacaankii qarniga 21-aad.

Madaxweyne ku xigeenka Maraykanka, Vance ayaa canbaareeyay xukunka ay maxkamaddu ku ridday cashuurihii uu Trump soo rogay, isaga oo sheegay inay xeer la’aan tahay tallaabadaasi.

Bangiga dhexe ee Midawga Yurub ayaa sheegay in canshuuraha Trump ay Maraykanka wax u dhimeen in ka badan inta dalalka kale ay wax u dhimeen.

Dahabka ay dawladda Turkigu haysato ayaa gaadhay 585.5 tan, taas oo ka dhigan in sannadkii ugu dambeeyay oo kali ah ay ku kordhisay 74.8 tan.

💰 3. ETFs iyo Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)

ETF-yada $BTC waxay heleen maalgashi cusub maalinkii shalay.

BTC: $88.10M

ETF-yada Bitcoin ayaa guud ahaan toddobaadkan lumiyay maalgashi dhan $125M.

🐋 4. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa

Shirkadda Bitmine waxay haysataa ku dhawaad 3M oo $ETH ah oo ay stake-gareysay.

🚀 5. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa

Dubai ayaa sii horumarisay tijaabadeeda tokenization-ka hantida maguurtada ah, halka DarGlobal iyo World Liberty Financial ay soo bandhigeen qorshe ay ku tokenize-gareynayaan mashruuc dalxiis oo uu leeyahay Donald Trump oo laga dhisayo Maldives.

Shirkadda Bitmine waxay gaadhay 72.3% yoolkeeda ahaa inay haysato 5% tirada Ethereum-ka suuqa taal.

Maamulaha Coinbase ayaa yidhi dalalka la qabsada Kiribtada ee adeegsada ayaa noqon doona kuwa yeesha horumarka ugu badan sannadaha soo socda

🤖 6. AI iyo Web 3.0

Senator-ka Mareykanka Bernie Sanders ayaa ku baaqay tallaabooyin siyaasadeed oo degdeg ah oo ku saabsan Garaadka macmalka (AI), isaga oo sheegay in sharci-dejiyeyaasha iyo hay’adaha kormeerka aysan si buuxda u fahmin xawaaraha iyo baaxadda hal-abuurnimada AI, isla markaana ay lagama maarmaan tahay in la adkeeyo xeerarka maadaama shirkaduhu dhisayaan nidaamyo sii xoogeysanaya.

Ogaysiis

Sida aad wada ogtihiin waa yimaadday buuggeennii Kiribto, Kacdoonka Qarniga 21aad, haddaba waxaad ka dalban kartaa website-keenna adiga oo raacaya lifaaqan https://gellecrypto.com/shop/crypto/kiribto-kacdoonka-qarniga-21-aad/

Crypto bilaw ilaa dhamaad AF:Somali

Best Somali Cryptocurrency Course: Learn the fundamentals of cryptocurrencies, blockchain, and secure trading. Master using Metamask, Binance, and Crypto.com….

Crypto Trading Mastery: From A to Z

A complete beginner-to-expert crypto trading course. Learn how crypto markets work, how to choose secure exchanges, and how to trade safely using proven strategies…

Share This Article