Wararka Maanta ee suuqa Kiribto, 23-ka Febraayo 2026

Suleyman Tubeec

Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa Kiribto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, Kiribto, Blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo Kiribto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu Kiribto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Kiribto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.

📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa

Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.28 tirilyan, waxa uuna sameeyay hoos u dhac ah 1.39%.

Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 14% taasoo ka dhigan in dareenka suuqu yahay mid cabsi xooggan ka jirto.

Bitcoin waxay hoos u dhacday 49%, shantii bilood ee aan soo dhaafnay iyada oo lumisay maalgashi dhan $1.21 tirilyan.

In ka badan $503.61M ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $427.07M ay ka yimaadeen dad kor u galay suuqa (Long positions).

xigasho : Coinglass

📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa

- Pre Order -

Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad

Madax-bannaani ★ Daah-furnaan ★ Musuq-maasuq Laa’aan. 🚀 Ku soo dhawoow kacaankii qarniga 21-aad.

$16.99 - $22.99Get It Now

Donald Trump ayaa sheegay inuu u adeegsan karo canshuuraha la ansixiyey (tariffs) si aad u xun ama ba’an oo ka dhan ah dalalka uu ku eedeeyo inay ganacsi ahaan ka faa’iidaysteen Maraykanka.

Bankiga Kuuriyada Koonfureed ayaa ku boorriyay sharci dejiyeyaasha inay xaddidaan soo saarista stablecoin-ka ku xidhan won-ka, kaliyana loo oggolaado bangiyada ganacsi ee shatiga haysta, isagoo tixraacaya walaacyo la xidhiidha lacag dhaqida iyo xasilloonida maaliyadeed.

💰 3. ETFs iyo Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)

ETF-yada $SOL iyo $XRP waxay heleen maalgashi cusub toddobaadkii u dambeeyay, halka ETF-yada Bitcoin iyo Ethereum ay lumiyeen maalgashi.

BTC: – $315.86M

ETH: – $123.37M

SOL: $14.31M

XRP: $1.84M

🪙 4. Coins-ka & Token-ada Cusub

B. ROBO Token (ROBO)

  • Waxaa lagu daray liiska lacagaha soo socda ee CoinMarketCap, iyadoo taariikhdu muujinayso febraayo 23, 2026 — taasoo tilmaamaysa in token-ku uu si cusub u bilaabanayo, isla markaana ay suuragal tahay inuu maanta la bilaabo ka ganacsiga.
  • Liisaska “Upcoming” badanaa waxay muujinayaan tokenno cusub oo toddobaadkan soo galaya suuqyada.

🐋 5. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa

Shirkadda Jane Streets ayaa kor ugu qaadday saamiyada ay ka haysato shirkadda Strategy ($MSTR) 951K oo saami oo u dhigma $121M, waana kor u kac dhan 403%.

Shirkadda Strategy ayaa iibsatay Bitcoin markii 100aad iyada oo maanta iibsatay 592 $BTC.

Shirkadda Bitdeer ayaa kala baxday maalgashigeedii Bitcoin iyada oo iska iibisay 1,132.9 $BTC.

🤖 6. AI iyo Web 3.0

Maamulaha guud ee Metaplanet, Simon Gerovich, ayaa ku doodaya in AI-gu uu ka tallaabi doono bangiyada isla markaana uu hayn doono hanti dhijitaal ah sida Bitcoin.

🔗 7. Tiknooloojiyadda Blockchain

Sida lagu sheegay warbixintii ugu dambeysay ee la qabsiga Blockchain-ka, Ethereum Foundation ayaa ahayd shabakadda blockchain-ka aasaasiga ah ee ugu kobaca badan sannadkii 2025, iyadoo tirada isticmaaleyaasha haysta ama la falgala ETH ay kor u kacday in ka badan 22%, taas oo si weyn uga sarreysa shabakadaha kale.

Ogaysiis

Sida aad wada ogtihiin waa yimaadday buuggeennii Kiribto, Kacdoonka Qarniga 21aad, haddaba waxaad ka dalban kartaa website-keenna adiga oo raacaya lifaaqan https://gellecrypto.com/shop/crypto/kiribto-kacdoonka-qarniga-21-aad/

Crypto bilaw ilaa dhamaad AF:Somali

Best Somali Cryptocurrency Course: Learn the fundamentals of cryptocurrencies, blockchain, and secure trading. Master using Metamask, Binance, and Crypto.com….

Crypto Trading Mastery: From A to Z

A complete beginner-to-expert crypto trading course. Learn how crypto markets work, how to choose secure exchanges, and how to trade safely using proven strategies…

Share This Article