Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa Kiribto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, Kiribto, Blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.
Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo Kiribto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu Kiribto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Kiribto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.
📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa
Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.18 tirilyan, waxa uuna sameeyay hoos u dhac ah 4.11%.
Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 11% taasoo ka dhigan in dareenka suuqu yahay mid cabsi xooggan ka jirto.
Bitcoin waxay ku socotaa hoos u dhac bille ah kii ugu xumaa tan iyo Juun 2022, iyada oo hoos u dhacay in ka badan 19% bishii Febraayo, sababo la xidhiidha cabsi laga qabo dagaalka canshuuraha , sida ay warisay Bloomberg.
In ka badan $412.36M ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $345.40M ay ka yimaadeen dad kor u galay suuqa (Long positions).

xigasho : Coinglass
📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa
Hindise-sharciyeedka Sanduuqa Kaydka Istaraatiijiga ah ee Hantida Dijitaalka (SB1649) ee Arizona ayaa u gudbay jadwalka oggolaanshaha ee Arizona Senate kadib markii uu ka gudbay Guddiga Xeerarka.
💰 3. ETFs iyo Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)
ETF-yada $SOL waxay heleen maalgashi cusub maalinkii shalay, halka ETF-yada Bitcoin iyo Ethereum ay lumiyeen maalgashi.
BTC: – $203.82M
ETH: – $49.48M
SOL: $7.99M
XRP: 0
🐋 4. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa
Macaamiisha BlackRock ayaa iska iibiyay Bitcoin qiime ahaan dhan $117.44M iyo Ethereum dhan $45.62M.
🚀 5. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa
Dawladda Bhutan ayaa soo bandhigtay fiisaha “Digital Nomad” oo ku dhisan teknoolojiyadda Solana, halkaas oo codsadayaashu ay maalgelinayaan $10,000 oo TER ah, bixinayaanna $2,800, isla markaana ay dalka ku joogi karaan muddo dhan 36 bilood.
Hyperliquid ayaa hoggaaminaysa dhanka dakhliga khidmadaha ka soo galay 24-saac, iyadoo gaadhay $947K, halka Solana ay ku xigto $685K.
Hantida Maraykanka ee la tokenize-gareeyay ayaa gaadhay qiime suuqeed ka badan $10 bilyan, sida ay sheegtay Token Terminal.
Micheal Saylor ayaa yidhi ” Quantum computing kuma aha Bitcoin khatar Degdeg ah oo tobannaan sano ayay qaadan kartaa inay saamayntiisu muuqato“.
🤖 6. AI iyo Web 3.0
Shirkadda Meta iyo AMD ayaa galay heshiis ay ku kala iibsanayaan Chips qiima ahaan ku fadhiya $100B.
🔗 7. Tiknooloojiyadda Blockchain
HashKey Group ayaa ku dhawaaqay madal cusub oo lagu soo saarayo hantida dhabta ah ee la token-gareeyay (RWA), taas oo ujeedadeedu tahay inay isku xidho maaliyadda dhaqameed (TradFi) iyo kaabayaasha blockchain/Web3.
Aasaasaha TRON, Justin Sun, ayaa dhawaan wada-hadallo la yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan Golaha Qaranka ee Horumarinta Hantida dhijitaalka iyo Tiknoolajiyada Blockchain ee dalka Kyrgyzstan, si ay uga taageeraan kaabayaasha blockchain-ka dalka iyo hindiseyaasha stablecoins-ka.
Ogaysiis
Sida aad wada ogtihiin waa yimaadday buuggeennii Kiribto, Kacdoonka Qarniga 21aad, haddaba waxaad ka dalban kartaa website-keenna adiga oo raacaya lifaaqan https://gellecrypto.com/shop/crypto/kiribto-kacdoonka-qarniga-21-aad/


