Wararka Maanta ee suuqa Kiribto, 25-ka Febraayo 2026

Suleyman Tubeec

Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa Kiribto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, Kiribto, Blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo Kiribto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu Kiribto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Kiribto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.

📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa

Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.29 tirilyan, waxa uuna sameeyay kor u kac ah 5.19%.

Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 11% taasoo ka dhigan in dareenka suuqu yahay mid cabsi xooggan ka jirto.

In ka badan $315.71M ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $256.56M ay ka yimaadeen dad hoos u galay suuqa (Short positions).

xigasho : Coinglass

📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa

Xisbiga talada haya ee South Korea ayaa soo jeediyay sharci ku qasbaya dadka caanka ah ee xayaysiiya Kiribto inay shaaciyaan hantidooda iyo xayeysiisyada ay lacagta ku qaataan marka ay xayeysiinayaan tokennada.

- Pre Order -

Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad

Madax-bannaani ★ Daah-furnaan ★ Musuq-maasuq Laa’aan. 🚀 Ku soo dhawoow kacaankii qarniga 21-aad.

$16.99 - $22.99Get It Now

Binance ayaa wajahaysaa baadhitaan iyo cadaadis ka imanaya Senator Richard Blumenthal kadib eedeymo sheegaya ku lug lahaansho qiyaastii $1.7 bilyan oo xidhiidh la leh Iiraan.

Binance way beenisay eedahaas, waxayna sheegtay inay la wadaagi doonto dib-u-eegis gudaha ah waaxda cadaaladda ee Maraykanka.

💰 3. ETFs iyo Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)

Dhammaan ETF-yada suuqa Kiribto waxay heleen maalgashi cusub maalinkii shalay.

BTC: $257.71M

ETH: $9.23M

SOL: $3.78M

XRP: $3.04

🪙 4. Coins-ka & Token-ada Cusub

B. xMoney (XMN)

  • HTX ayaa si rasmi ah u shaacisay inay ku dari doonto xMoney ($XMN) Innovation Zone-keeda taariikhdu markay tahay 25 Febraayo, 2026.

🐋 5. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa

Shirkadda Strategy ayaa noqotay shirkadda ugu badan ee saamiyadeeda la iska iibiyay, kadib marka maalgashigeeda Bitcoin uu galay khasaare dhan $9.5B.

Vitalik oo ah aasaasaha Ethereum ayaa iska iibiyay 11,244 $ETH ah oo u dhiganta $23.33M.

🚀 6. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa

Mugga lacag-bixinta stablecoin-yada ayaa labanlaabmay oo gaadhay $400 bilyan sanadkii 2025, iyadoo shirkadda Stripe ay warbixinteeda sannadlaha ah ku tilmaantay arrintan “stablecoins summer“.

Bangiga weyn ee sarifka lacagaha qalaad ee Brazil, Banco Braza, ayaa soo saaray stablecoin-ka lacagta Real-ka Brazil ee $BBRL, kaas oo lagu dhisay shabakadda Polygon.

Shirkadda Stripe ayaa ku talo jirta inay iibsato PayPal.

🤖 7. AI iyo Web 3.0

Garsoore ayaa laalay dacwaddii shirkadda xAI ee uu leeyahay Elon Musk ee ka dhanka ahayd OpenAI, taas oo ku saabsan eedeymo xatooyo sir ganacsi, isagoo go’aamiyay in kiisku ku guuldareystay inuu muujiyo wax khalad ah oo ay si toos ah u samaysay OpenAI.

Ogaysiis

Sida aad wada ogtihiin waa yimaadday buuggeennii Kiribto, Kacdoonka Qarniga 21aad, haddaba waxaad ka dalban kartaa website-keenna adiga oo raacaya lifaaqan https://gellecrypto.com/shop/crypto/kiribto-kacdoonka-qarniga-21-aad/

Crypto bilaw ilaa dhamaad AF:Somali

Best Somali Cryptocurrency Course: Learn the fundamentals of cryptocurrencies, blockchain, and secure trading. Master using Metamask, Binance, and Crypto.com….

Crypto Trading Mastery: From A to Z

A complete beginner-to-expert crypto trading course. Learn how crypto markets work, how to choose secure exchanges, and how to trade safely using proven strategies…

Share This Article