Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa Kiribto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, Kiribto, Blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.
Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo Kiribto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu Kiribto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Kiribto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.
📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa
Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.34 tirilyan, waxa uuna sameeyay kor u kac ah 2.04%.
Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 16% taasoo ka dhigan in dareenka suuqu yahay mid cabsi xooggan ka jirto.
In ka badan $567.3M ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $437.25M ay ka yimaadeen dad hoos u galay suuqa (Short positions).

xigasho : Coinglass
📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa
Waxaa soo idlaaday wareeggii 3aad ee wada-hadallada Maraykanka iyo Iiraan ee khusaaya Nuclear-ka.
💰 3. ETFs iyo Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)
Dhammaan ETF-yada suuqa Kiribto waxay heleen maalgashi cusub maalinkii shalay.
BTC: $506.6M
ETH: $157.2M
SOL: $30.9M
XRP: $3.09M
🪙 4. Coins-ka & Token-ada Cusub
B. Esports TV ($ESTV)
- Waxaa maanta lagu liis-gareyay BitMart ka ganacsiga ayaa si rasmi ah u bilowday iyadoo loo asteeyay magaca ESTV/USDT.
T. FastLiquid ($FLD)
- Maanta ayaa lagu daray suuqa Is-weydaarsi ee MEXC (Spot).
🐋 5. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa
Vitalik Buterin wuxuu dhammaystiray 97% qorshihiisii iibinta 16,384 $ETH kadib markii uu sii daayay 4,458 ETH oo qiimahoodu yahay $8.92M, iyadoo ay ka hadhsan tahay oo keliya 504 ETH oo u dhiganta $1.04M, sida xogta Arkham muujinayso.
🚀 6. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa
Bangiga ganacsi ee Morgan Stanley ayaa sheegay inuu ku talo jiro fududaynta ka ganacsiga, deyminta iyo kaydinta Kiribto mustaqbalka.
Shirkadda American Bitcoin oo qoyska Trump uu taageero ayaa sheegtay in 3-dii bilood ee u dambaysay 2025 ay khasaareen $59M.
Suuqa Is-weydaarsi ee SolCex ayaa barnaamijkiisa mobile-ka ah la soo gelin doonaa App store-ka iyo Google play 3-da bisha maarso.
Gate waxay heshay rukhsadda Malta PSD2, taas oo u suurtagelinaysa inay hirgeliso lacag-bixinno stablecoin ah oo waafaqsan xeerka MiCA kana shaqeeya guud ahaan Midowga Yurub.
🤖 7. AI iyo Web 3.0
Shirkadda Nvidia ($NVDA) ayaa diiwaangelisay iibka 3-dii bilood ee u dambeysay 2025 oo noqday $68.1 bilyan waana korodh dhan 73%, halka faa’iidaduna ay kacday 94% oo gaadhay $43 bilyan, taasoo si weyn uga sarreysay saadaashii falanqeeyayaasha, iyadoo ay sabab u tahay baahida sii kordheysa ee tiknoolajiyadda AI.
Shirkadda Samsung ayaa sheegtay in mobile-ladu noqonayaan meesha ugu muhiimsan ee dadku ay AI ka adeegsan doonaan.
Ogaysiis
Sida aad wada ogtihiin waa yimaadday buuggeennii Kiribto, Kacdoonka Qarniga 21aad, haddaba waxaad ka dalban kartaa website-keenna adiga oo raacaya lifaaqan https://gellecrypto.com/shop/crypto/kiribto-kacdoonka-qarniga-21-aad/


