Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee suuqa waxyaabaha aan ugu hadli doono waxaa ka mid ah, crypto, blockchain, Defi, Cefi, NFT, Ai, Web 3.0, iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.
Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walibo dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto waxyaabaha ku soo kordha technologiyada Bloickchain.
📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa
- Market Cap ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.27 trillion, halka (Volume) hantida guud ee suuqa la isku dhaafsaday 24 saac u dambaysay ay gaarayso 98.38 billion.

- Awooda suuqa Dominance waxaa haysto maanta Coinka Bitcoin awood dhan %59.1 halka Altcoins ay haystaan awood dhan 43.91%
- Altcoin season Index waxuu sheegayaa in uu yahey 23% taasoo ka dhigan in damaca altcoins laga qabo ay soo hagaagayso
- Fear and Greed index halbeega lagu cabiro dareenka maalgashiyaasha waxuu muujinayaainuu yahay 36% taasoo ka dhigan inay hoosayso damaca maalgashiyaasha suuqa.
- Stablecoins sida USDT iyo USDC ayaa weli door muhiim ah ka ciyaaraya isdhaafsiga lacagaha suuqa Crypto. USDT waxaa la isku dhaafsaday maanta hanti dhan $82.10 billion halka USDC lagu kala ganacsaday 8.483 billion.

- Bitcoin (BTC) waa Coin-ka ugu qiimaha badan lacagaha Digital-ka ah e Crypto wuxuu joogaa qiimihiisa manta $65,804.21
- Ethereum (ETH) waa coin-ka labaad ugu qiimaha lacagaha digital-ka wuxuna leeyahay Blockchain ugu awooda badan Crypto qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $1,932.89
- Binance Coin (BNB)- waa coin ee leedahay shirkada Binance waxaa loo adeegsadaa bixinta adeegyada madasha qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $622.14
- Solana (SOL)- waa coin sumcad ku dhex leh lacagaha digitalka ah ee Crypto wuxuuna leeyahyay Blockchainta loogu adegsiga badan yahay Crypto qiimihiisa wuxuu manta joogaa $83.50.
- Rippe (XRP)- waa coin-ka ee leedahay shirkada Ripple loona adeegsado lacag dirida caalamiga ah xawaare are iyo qiimo jaban wuxuu qiimihiisa joogaa haatan $1.34.
⚖️2. Xeerarka & Sharciyada (Regulation)
- Khubarada JPMorgan ayaa maanta sheegay in sharciga weyn ee qaab-dhismeedka suuqa Crypto ee Mareykanka la filayo in la meelmariyo badhtamaha sanadkan 2026, taas oo suuqa u horseedi doonta kor u kac weyn qaybta dambe ee sanadka.
- Mareykanka ayaa wada qorshe lagu xaqiijinayo in Stablecoins-ka loo aqoonsado “Digital Cash“, taas oo ka dhigaysa kuwo nidaamsan sida lacagta caadiga ah.
🏛️3. ETFs & Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)
- Toddobaadkii la soo dhaafay, Bitcoin ETFs waxay arkeen lacag bixitaan (Outflow) gaaraya $3.8 Bilyan, taas oo muujinaysa in hay’adaha qaar ay boosaskooda yareeyeen khatarta dagaalka darteed.
- In kasta oo ay jiraan bixitaanno, maanta oo Isniin ah waxaa la arkay soo laabashada in ka badan $1 Bilyan oo ay geliyeen shirkado waaweyn oo u arka qiimaha $60k-$65k mid aad u jaban.
- Si ka duwan Bitcoin, Ethereum ETFs ayaa weli arkay dakhli aad u yar (Marginal Inflows), iyadoo maalgashadayaashu ay ka fiirsanayaan ETH ilaa ay ka gaarto heerka $2,100.
🪙4. Coins-ka Cusub & Token-ada
- Kor u kac wayn ayaa lagu arkay Lacagaha cusub sida Kava (+21%), MyNeighborAlice (+19%), iyo Kyber Network (+17%).
- Mashruuca cusub ee Pepeto ayaa maanta gaaray $7.4 Milyan oo ah iibka hordhaca ah (Presale), iyadoo xan lala xiriirinayo Elon Musk ay sii kordhisay xiisaha dadka.
- Sarrifka Binance ayaa maanta liis-gareeyay dhowr tokens oo cusub oo ay ka mid yihiin Brevis (BREV) iyo Espresso (ESP).
🐋5. Maalgashiga “Whales” (Whale Investments)
- Whale-ka caanka ah ee loo yaqaan “Machi Big Brother” ayaa ku dhow inuu lumiyo dhamaan hantidiisii kadib markii uu ku khamaaray (Leverage Long) Ethereum. Waxaa la soo weriyay inuu lumiyay $74 Milyan tan iyo September, waxaana boorsadiisii hadda ugu haray kaliya $8,500.
- Xogta on-chain ayaa muujinaysa in boorsooyinka haysta 100k ilaa 1M ETH ay yareeyeen iibka, taas oo calaamad u noqon karta inay isu diyaarinayaan kor u kac dhaca bisha Maarso.
⛓️6. Tiknoolajiyadda Blockchain
- Bishii Febraayo, lacagta lagala baxay hacks-ka Crypto waxay hoos ugu dhacday $26.5 Milyan, taas oo ah hoos u dhac 69% ah marka lala barbardhigo bishii Janaayo. Tani waa heerkii ugu hooseeyay tan iyo sanadkii hore.
- Qandaraasyada mustaqbalka ee Binance ayaa hoos u dhacay 25% sanadkan, taas oo muujinaysa in ganacsatadu ay yareeyeen isticmaalka deynta khatarta suuqa darteed.
🤖7. AI & Web 3.0
- Shirkadda Digi Power X ayaa ku dhawaaqday inay dakhli gaaraya $150 Million ka heli doonto kaabayaasha AI ee ku shaqeeya tamarta ay iyagu leeyihiin.
- Bandhig ka dhacay Nigeria ayaa lagu soo bandhigay xalal ku dhisan AI iyo Web3 oo loogu talagalay caafimaadka iyo beeraha.
Ogaysiis
Sida aad wada ogtihiin waa yimaadday buuggeennii Kiribto, Kacdoonka Qarniga 21aad, haddaba waxaad ka dalban kartaa website-keenna adiga oo raacaya lifaaqan: https://gellecrypto.com/shop/crypto/kiribto-kacdoonka-qarniga-21-aad/


