Wararka Maanta ee Suuqa Kiribto 04-03-2026

Jacfar
By Jacfar

Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee suuqa waxyaabaha aan ugu hadli doono waxaa ka mid ah, crypto, blockchainDefiCefiNFT, Ai, Web 3.0, iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.  

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walibo dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto waxyaabaha ku soo kordha technologiyada Bloickchain.

📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa

  • Market Cap ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.4 trillion, halka (Volume) hantida guud ee suuqa la isku dhaafsaday 24 saac u dambaysay ay gaarayso 130.78 billion.
  • Awooda suuqa Dominance waxaa haysto maanta Coinka Bitcoin awood dhan %59.1 halka Altcoins ay haystaan awood dhan 43.91%
  • Altcoin season Index waxuu sheegayaa in uu yahey 23% taasoo ka dhigan in damaca altcoins laga qabo ay soo hagaagayso
  • Fear and Greed index halbeega lagu cabiro dareenka maalgashiyaasha waxuu muujinayaainuu yahay 36% taasoo ka dhigan inay hoosayso damaca maalgashiyaasha suuqa.
  • Stablecoins sida USDT iyo USDC ayaa weli door muhiim ah ka ciyaaraya isdhaafsiga lacagaha suuqa Crypto. USDT waxaa la isku dhaafsaday maanta hanti dhan $82.10 billion halka USDC lagu kala ganacsaday 8.483 billion.
  • Bitcoin (BTC) waa Coin-ka ugu qiimaha badan lacagaha Digital-ka ah e Crypto wuxuu joogaa qiimihiisa manta $70,585.21
  • Ethereum (ETH) waa coin-ka labaad ugu qiimaha lacagaha digital-ka wuxuna leeyahay Blockchain ugu awooda badan Crypto qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $2,044.89
  • Binance Coin (BNB)- waa coin ee leedahay shirkada Binance waxaa loo adeegsadaa bixinta adeegyada madasha qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $649.14
  • Solana (SOL)- waa coin sumcad ku dhex leh lacagaha digitalka ah ee Crypto wuxuuna leeyahyay Blockchainta loogu adegsiga badan yahay Crypto qiimihiisa wuxuu manta joogaa $89.82.
  • Rippe (XRP)- waa coin-ka ee leedahay shirkada Ripple loona adeegsado lacag dirida caalamiga ah xawaare are iyo qiimo jaban wuxuu qiimihiisa joogaa haatan $1.39.

️2.  Xeerarka & Sharciyada (Regulation)

  • Dagaalka Bariga Dhexe: Weerarkii lagu qaaday Iran toddobaadkan ayaa keenay in dowladaha caalamku ay dejiyaan qorshayaal degdeg ah oo lagula soconayo qulqulka lacagaha si looga hortago maalgelinta dagaalka.
  • Xirnaanshaha marinka Hormuz (oo 20% saliidda adduunku marto) ayaa keenay in Midowga Yurub iyo Mareykanku ay soo saaraan xeerar cusub oo lagu xaddidayo macaamilka shirkadaha tamarta qaarkood.
  • Maxkamadda Sare ee Mareykanka ayaa u xukuntay in canshuuraha Trump ay ahaayeen kuwo sharci-darro ah, taas oo keentay in maalgashadayaashu ay kalsooni dib u helaan.
  • Shirkadda Ripple waxay wajaheysa diidmo xooggan oo ka timaaday 42 bangi oo waaweyn (sida Morgan Stanley), kuwaas oo ka soo horjeeda in Ripple la siiyo shati bangi oo federaal ah.
  • Hay’adda SBI Holdings ayaa dowladda Japan u gudbisay codsigii ugu horreeyay ee lagu doonayo in lagu oggolaado Bitcoin iyo XRP ETFs gudaha dalkaas.

🏛️3. ETFs & Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)

  • Hal maalin gudaheed, lacag dhan $458 Milyan ayaa soo gashay Bitcoin ETFs ee Mareykanka xilli suuqu uu hooseeyo, waxaana hoggaaminaya sanduuqa IBIT ee BlackRock.
  • Shirkadda MicroStrategy ayaa ku dhawaaqday inay iibsatay 3,015 BTC oo dheeraad ah xilli qiimuhu yahay $68,700..
  • In kasta oo cabsi suuqa ka jirtay, in ka badan $1.5 Bilyan oo doolar ayaa toddobaadkan gudihiisa soo gashay suuqa ETFs.

🪙4.  Coins-ka Cusub & Token-ada

  • Mashruuca cusub ee Pepeto ayaa maanta ururiyay in ka badan $7.43 Milyan ka hor inta aan suuqa la soo gelin, iyadoo lala xiriirinayo xan ku saabsan Elon Musk oo sii kiciyay dalabka.
  • Waxaa soo baxay warar sheegaya in MetaMask ay dhisayso Stablecoin u gaar ah oo la yiraahdo mmUSD oo lala xiriirinayo nidaamka lacag-bixinta ee Stripe.

🐋5.  Maalgashiga “Whales” (Whale Investments)

  • Xogta On-chain ayaa muujisay in Whales-ku ay iibiyeen ku dhawaad $5 Bilyan oo Crypto ah ka hor inta uusan suuqu hoos u dhicin usbuucan gudihiisa.
  • Halka ganacsatada yaryar ay iibinayeen ETH markii uu gaaray $1,970, Whales-ka waa-wayn ayaa si xawli ah u iibsanayay oo kaydsanaya
  • Cadadka Bitcoin iyo Ethereum ee yaalla sarrifyada ayaa gaaray heerkii ugu hooseeyay muddo toban sano ah, taasoo muujinaysa in Whales-ku ay hantidooda geysteen boorsooyinka qabow (Cold Wallets) si ay u sugaan mustaqbalka.

️6. Tiknoolajiyadda Blockchain

  • Waxaa socda doodo waaweyn oo ku saabsan in la kordhiyo “Gas Limit” ee Ethereum si hoos lagu dhigo khidmadaha xad-dhaafka ah ee macaamilka.

🤖7. AI & Web 3.0

- Pre Order -

Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad

Madax-bannaani ★ Daah-furnaan ★ Musuq-maasuq Laa’aan. 🚀 Ku soo dhawoow kacaankii qarniga 21-aad.

$16.99 - $22.99Get It Now
  • Shirkadda Classover Holdings ayaa joojisay maalgelin gaaraysa $400 Milyan si ay gebi ahaanba diiradda u saarto tiknoolajiyadda AI iyo Web 3.0.
  • Qalab casri ah oo AI ah ayaa lagu daray shabakadaha Web 3.0 si ay si toos ah u gartaan ugana digaan tokens-ka been-abuurka ah ee maalin kasta la soo saaro.

🎨 9. NFT & DeFi

  • Isku-dhafka DeFi iyo NFT-yada ee shabakadda Solana ayaa maraya heerkii ugu sarreeyay, iyadoo dhiirigelinaysa horumarinta aalado cusub oo sahla ganacsiga degdegga ah.

Ogaysiis

Sida aad wada ogtihiin waa yimaadday buuggeennii Kiribto, Kacdoonka Qarniga 21aad, haddaba waxaad ka dalban kartaa website-keenna adiga oo raacaya lifaaqan: https://gellecrypto.com/shop/crypto/kiribto-kacdoonka-qarniga-21-aad/

Crypto bilaw ilaa dhamaad AF:Somali

Best Somali Cryptocurrency Course: Learn the fundamentals of cryptocurrencies, blockchain, and secure trading. Master using Metamask, Binance, and Crypto.com….

Crypto Trading Mastery: From A to Z

A complete beginner-to-expert crypto trading course. Learn how crypto markets work, how to choose secure exchanges, and how to trade safely using proven strategies…

Share This Article