Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee suuqa waxyaabaha aan ugu hadli doono waxaa ka mid ah, crypto, blockchain, Defi, Cefi, NFT, Ai, Web 3.0, iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.
Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walibo dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto waxyaabaha ku soo kordha technologiyada Bloickchain.
📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa
- Market Cap ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.41 trillion, halka (Volume) hantida guud ee suuqa la isku dhaafsaday 24 saac u dambaysay ay gaarayso 103.81 billion.

- Awooda suuqa Dominance waxaa haysto maanta Coinka Bitcoin awood dhan %59.1 halka Altcoins ay haystaan awood dhan 43.91%
- Altcoin season Index waxuu sheegayaa in uu yahey 23% taasoo ka dhigan in damaca altcoins laga qabo ay soo hagaagayso
- Fear and Greed index halbeega lagu cabiro dareenka maalgashiyaasha waxuu muujinayaainuu yahay 30% taasoo ka dhigan inay hoosayso damaca maalgashiyaasha suuqa.

- Stablecoins sida USDT iyo USDC ayaa weli door muhiim ah ka ciyaaraya isdhaafsiga lacagaha suuqa Crypto. USDT waxaa la isku dhaafsaday maanta hanti dhan $82.10 billion halka USDC lagu kala ganacsaday 8.483 billion.

- Bitcoin (BTC) waa Coin-ka ugu qiimaha badan lacagaha Digital-ka ah e Crypto wuxuu joogaa qiimihiisa manta $70,915.21
- Ethereum (ETH) waa coin-ka labaad ugu qiimaha lacagaha digital-ka wuxuna leeyahay Blockchain ugu awooda badan Crypto qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $2,079.89
- Binance Coin (BNB)- waa coin ee leedahay shirkada Binance waxaa loo adeegsadaa bixinta adeegyada madasha qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $653.14
- Solana (SOL)- waa coin sumcad ku dhex leh lacagaha digitalka ah ee Crypto wuxuuna leeyahyay Blockchainta loogu adegsiga badan yahay Crypto qiimihiisa wuxuu manta joogaa $87.82.
- Rippe (XRP)- waa coin-ka ee leedahay shirkada Ripple loona adeegsado lacag dirida caalamiga ah xawaare are iyo qiimo jaban wuxuu qiimihiisa joogaa haatan $1.39.
⚖️2. Xeerarka & Sharciyada (Regulation)
- SEC iyo CFTC: Labada hay’adood ee ugu awoodda badan Maraykanka dhanka maaliyadda ayaa saxiixday heshiis is-faham si ay isaga kaashadaan dejinta shuruucda Crypto-ga iyo aqbalaadda cusub.
- Hong Kong ayaa soo saartay shuruudaha qaybtii ugu horreysay ee shatiyada Stablecoin-ka. Shirkadaha waxaa laga rabo inay heystaan raasumaal gaaraya ugu yaraan 25 milyan oo HKD.
- Laanta Canshuuraha UK ayaa shaacisay inay tijaabinayso qalab casri ah oo awood u leh inay dabagal ku sameeyaan dadka hantidooda Crypto-ga aan ka bixin canshuuraha.
🏛️3. ETFs & Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)
- Shirkadda BlackRock ayaa Maanta suuqa Nasdaq ka daah-furtay sanduuqii ugu horreeyay ee “Staked Ethereum ETF”, kaas oo macaash gaaraya (3.1% sannadkii) siinaya maalgashadayaasha isagoo Staking u samaynaya ilaa 95% hantida Ethereum.
- Sanduuqa Bitcoin ETF ee BlackRock (IBIT) ayaa maalin gudaheed ururiyay $115 milyan oo doolar, iyadoo qulqulka lacagaha hay’adaha ay weli yihiin kuwo aad u xooggan.
- Shirkadda Strategy: ayaa shaacisay inay iibsatay 17,994 Bitcoin oo dheeraad ah, oo qiimahoodu dhan yahay $1.28 Bilyan, taas oo ka dhigaysa hantidooda guud in ka badan 738,731 BTC.
- Bangiga SoFi ayaa heshiis la galay shirkadda BitGo si ay u taageeraan soo saarista Stablecoin-kooda u gaarka ah ee ku xiran doolarka Maraykanka.
🪙4. Coins-ka Cusub & Token-ada
- Metal Blockchain (METAL): Token-kan ayaa isbuucan noqday midka ugu faa’iidada badan, isagoo qiimihiisu kordhay 8.8%.
- DeepBook (DEEP): Token-ka DEEP ee lagu dul dhisay shabakadda Sui ayaa galay kaalinta labaad ee mashaariicda ugu horumarka badan bishan Maarso.
🐋5. Maalgashiga “Whales” (Whale Investments)
- Nibiri wayn ayaa hal mar isku dayay inuu isku beddelo $50.4 Milyan oo USDT isagoo raba token-ka AAVE. Balse cilad xisaabeed oo dhanka suuqa ah (Slippage 99%) darted, wuxuu helay kaliya hanti u dhiganta $36,000!
- Xogta silsiladda on-chain ayaa xaqiijisay in Whales-ka Cardano ay iibiyeen 130 milyan oo ADA todobaadkii la soo dhaafay.
⛓️6. Tiknoolajiyadda Blockchain
- Cilmibaarayaasha Ethereum ayaa sameeyay tijaabo guulaysatay oo ku saabsan tignoolajiyad cusub (‘Native Rollups’) oo si weyn u yareynaysa culayska xaqiijinta xogta ee Layer 2.
🤖7. AI & Web 3.0
- Mashruuca kaabayaasha AI-ga ee General Tensor oo ku xiran shabakadda Bittensor ayaa helay malaayiin doolar oo maalgelin ah.
🚨 8. Amniga
- Cilmibaarayaal ayaa ogaaday cilad khatar ah oo ku jirta aaladaha Ledger ee Android-ka, taas oo u oggolaan karta in ilbiriqsiyo gudahood lagu xado furaha sirta ah (seed phrase). Shirkadda ayaa degdeg u wada xal.
Ogaysiis
Sida aad wada ogtihiin waa yimaadday buuggeennii Kiribto, Kacdoonka Qarniga 21aad, haddaba waxaad ka dalban kartaa website-keenna adiga oo raacaya lifaaqan: https://gellecrypto.com/shop/crypto/kiribto-kacdoonka-qarniga-21-aad/


