Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa Kiribto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, Kiribto, Blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.
Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo Kiribto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu Kiribto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Kiribto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.
📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa
Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.47 tirilyan, waxa uuna sameeyay hoos u dhac ah 2.24%.
Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 36% taasoo ka dhigan in dareenka suuqu yahay mid cabsi u janjeedha.
In ka badan $298.58M ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $222.99M ay ka yimaadeen dad kor u galay suuqa (Long positions).

xigasho : Coinglass
📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa
Caawa 9:00PM xilliga bariga Afrika waxaa soo baxaya go’aanka Fed ee heerka ribada, kaas oo suuqa wax weyn ka baddeli doona.
Guddi ka tirsan baarlamaanka UK ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo deeqaha Kiribto ee la siiyo xisbiyada siyaasadeed ilaa laga hirgelinayo xeerar adag.
Deynta lagu leeyahay dawladda Maraykanka ayaa gaadhay meeshii ugu sarreysay abid oo ah $39 tirilyan.
💰 3. ETFs iyo Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)
Dhammaan ETF-yada suuqa Kiribto waxa shalay ay heleen hanti ama maalgashi cusub.
BTC: $199.37M
ETH: $138.2M
SOL: $17.81M
XRP: $4.64M
🪙 4. Coins-ka & Token-ada Cusub
B. Katana ($KAT)
Coin-kan ayaa madasha ganacsi ee OKX ayaa lagu soo liis-gareeyay maanta.
🐋 5. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa
Dawladda Bhutan ayaa wareejisay $44.44M oo Bitcoin ah, iyadoo wadarta lacagaha ay wareejisay tahay ku dhawaad $72M 24-kii saac ee la soo dhaafay.
Macaamiisha BlackRock ayaa iibsaday $168.27M oo Bitcoin ah iyo $81.72M oo Ethereum ah.
🚀 6. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa
$71B ayaa ka baxday suuqa Kiribto 2-dii saac ee u dambeysay.
🤖 7. AI iyo Web 3.0
Shirkadda Microsoft ayaa ku dhawaaqday isbeddel weyn oo gudaha ah oo Waxay isku daraysaa kooxaha AI ee u adeega macaamiisha (consumer) iyo ganacsiyada (enterprise) ee ka hawlgala Copilot.
Ujeeddadu waa in la dedejiyo horumarinta nidaamyada AI ee horumarsan isla markaana la mideeyo istaraatiijiyadda AI ee shirkadda.
🔗 8. Tiknooloojiyadda Blockchain
Vitalik Buterin ayaa sheegay in marka “Lean Ethereum” si buuxda loo hirgeliyo, Ethereum ($ETH) uu noqon doono silsiladda weyn ee keliya ee leh amniga ugu sarreeya (under synchrony) iyo dhaqaalaha ugu xooggan.
Ogaysiis
Sida aad wada ogtihiin waa yimaadday buuggeennii Kiribto, Kacdoonka Qarniga 21aad, haddaba waxaad ka dalban kartaa website-keenna adiga oo raacaya lifaaqan https://gellecrypto.com/shop/crypto/kiribto-kacdoonka-qarniga-21-aad/


