Wararka Maanta ee suuqa Kiribto, 19-ka Maarso 2026

Suleyman Tubeec

Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa Kiribto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, Kiribto, Blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo Kiribto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu Kiribto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Kiribto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.

📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa

Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.39 tirilyan, waxa uuna sameeyay hoos u dhac ah 2.88%.

Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 30% taasoo ka dhigan in dareenka suuqu yahay mid cabsi u janjeedha.

In ka badan $541.09M ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $442.78M ay ka yimaadeen dad kor u galay suuqa (Long positions).

xigasho : Coinglass

📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa

Xisbiga mucaaradka ee South Korea ayaa lagu soo waramayaa inay laalu doonaan qorshaha ah in canshuur 20% ah lagu soo rogo Kiribtada.

- Pre Order -

Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad

Madax-bannaani ★ Daah-furnaan ★ Musuq-maasuq Laa’aan. 🚀 Ku soo dhawoow kacaankii qarniga 21-aad.

$16.99 - $22.99Get It Now

Bangiga dhexe ee dalka Japan ayaa heerka ribada ku daayay sidiisii oo ahayd 0.75%.

Dawladaha France, Germany, UK, Italy, Netherlands, iyo Japan ayaa sheegay inay ku soo biirayaan dadaallada lagu furayo Marinka Hurmuz.

💰 3. ETFs iyo Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)

Dhammaan ETF-yada suuqa Kiribto waxa shalay ay heleen hanti ama maalgashi cusub.

BTC: -$163.5M

ETH: -$55.7M

SOL: -$295.73K

🐋 4. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa

Dawladda Shiinaha ayaa iibsanaysay dahabka 16 bilood oo xidhiidh ah, iyada oo hadda haysata 2,309 tan oo qiime ahaan u dhigma $370B.

🚀 5. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa

Micheal Saylor ayaa yidhi ” Bitcoin waa mid lagaga badbaadayo buuq kasta oo suuqyada maaliyadeed ku furma“.

Stablecoins-ka lagu daabacday shabakadda Solana ayaa gaadhay meeshii ugu sarreysay abid oo ah $17B.

🤖 6. AI iyo Web 3.0

Guddomiyaha Crypto.com ayaa sheegay inay dhimayaan 12% shaqaalahooda, maadaama adeegsiga AI kordhay.

🔗 7. Tiknooloojiyadda Blockchain

Mashaariicda waaweyn ee blockchain-ka ayaa dedejinaya horumarinta ku saabsan Tokenize-gareynga hantida dhabta ah sida bonds-ka, sanduuqyada maalgashi, iyo deymaha (credit).

Madalaha sida Chainlink iyo Avalanche ayaa hoggaaminaya isku-xidhyo cusub (integrations) oo u oggolaanaya hantida maaliyadeed ee dhaqameed in si toos ah loogu diiwaangeliyo loogana maamulo shabakadaha blockchain-ka.

Ogaysiis

Sida aad wada ogtihiin waa yimaadday buuggeennii Kiribto, Kacdoonka Qarniga 21aad, haddaba waxaad ka dalban kartaa website-keenna adiga oo raacaya lifaaqan https://gellecrypto.com/shop/crypto/kiribto-kacdoonka-qarniga-21-aad/

Crypto bilaw ilaa dhamaad AF:Somali

Best Somali Cryptocurrency Course: Learn the fundamentals of cryptocurrencies, blockchain, and secure trading. Master using Metamask, Binance, and Crypto.com….

Crypto Trading Mastery: From A to Z

A complete beginner-to-expert crypto trading course. Learn how crypto markets work, how to choose secure exchanges, and how to trade safely using proven strategies…

Share This Article