Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa Kiribto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, Kiribto, Blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.
Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo Kiribto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu Kiribto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Kiribto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.
📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa
Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.36 tirilyan, waxa uuna sameeyay hoos u dhac ah 2.56%.
Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 27% taasoo ka dhigan in dareenka suuqu yahay mid cabsi u janjeedha.
In ka badan $354.40M ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $291.80M ay ka yimaadeen dad kor u galay suuqa (Long positions).

xigasho : Coinglass
📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa
Iiraan ayaa ka digtay in la weeraro goobaha tamarta ay ka dhaliso, iyada oo tilmaantay in tallaabadaasi ay ku abuuri doonto gobolka xaalad aan la mahadin.
Wasiirka Maaliyadda ee Brazil ayaa dib u dhigay siyaasadda canshuurta Kiribto ilaa laga dhammaanayo doorashooyinka madaxtinimada dalka ee dhacaysa Oktoobar 2026.
🪙 3. Coins-ka & Token-ada Cusub
B. River ($RIVER)
- Waxaa la furayaa (Unlock) Ku dhowaad 1.1 milyan oo tokens RIVER ah oo la gelinayaa suuqa.
🐋 4. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa
Shirkadda Circle ayaa hoggaaminaysa tirada stablecoins-ka la soo galiyay suuqa tan iyo bilawgii sannadkan, iyada oo daabacday $4.5B.
🚀 5. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa
Bitcoin ayaa ilaa hadda kor u kacday 2.8% bishii Maarso, iyadoo ka soo kabanaysa bilow adag oo sannadkan helay, ka dib markii ay lumisay 10.17% bishii Janaayo iyo 14.94% bishii Febraayo.
Booliska dalka Hindiya ayaa xidhay Aasaasayaha CoinDCX isaga oo loo jeediyay eedeymo la xidhiidha jebinta kalsoonida maalgashadayaasha (waa lacag maalgashi oo dano gaar ah loo adeegsaday).
CoinDCX ayaa beenisay eedeymahaas, iyadoo ku tilmaantay inay tahay khiyaano ay sameeyeen dad iyaga iska dhigaya (impersonators).
Stablecoin-ka USR ee Resolv Labs ayaa lumiyay qiimihiisii (peg) kadib markii hacker uu ka faa’iideystay contract-giisa si uu u abuuro 80 milyan oo tokens ah, isagoo la baxay ugu yaraan $25 milyan.
🤖 6. AI iyo Web 3.0
Shirkadda Tencent ayaa isku xidhay WeChat iyo wakiilkeeda AI ee OpenClaw, iyadoo adeegsanaysa qalab cusub oo la yidhaahdo ClawBot.
Elon Musk shirkadihiisa Tesla Inc., SpaceX, iyo xAI ayaa ku dhawaaqay TERAFAB, oo ah xarunta ugu weyn adduunka ee soo saarista chips-ka, looguna talagalay in lagu xoojiyo AI-ga dayax-gacmeedyada iyo robots-ka Optimus.
Ogaysiis
Sida aad wada ogtihiin waa yimaadday buuggeennii Kiribto, Kacdoonka Qarniga 21aad, haddaba waxaad ka dalban kartaa website-keenna adiga oo raacaya lifaaqan https://gellecrypto.com/shop/crypto/kiribto-kacdoonka-qarniga-21-aad/


