Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa Kiribto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, Kiribto, Blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.
Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo Kiribto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu Kiribto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Kiribto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.
📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa
Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.38 tirilyan, waxa uuna sameeyay hoos u dhac ah 3.13%.
Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 30% taasoo ka dhigan in dareenka suuqu yahay mid cabsi u janjeedha.
In ka badan $247.87M ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $202.43M ay ka yimaadeen dad kor u galay suuqa (Long positions).

xigasho : Coinglass
📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa
Dawladda UK ayaa mamnuucday dhammaan deeqaha siyaasadeed ee Kiribto, si looga ilaaliyo dimuqraadiyadda lacagaha aan la raad-raaci karin meesha ay ka yimeen, ilaa laga hirgelinayo xeerar ku filan.
Bernie Sanders ayaa qorsheynaya inuu soo bandhigo sharci hakad gelinaya dhismaha xaruuma-xogeedyada cusub ilaa Congress-ku ansixinayo xeerar ku saabsan AI.
Xildhibaanada ayaa soo bandhigay sharci wadajir ah oo la yidhaahdo PREDICT Act si looga mamnuuco xubnaha Congress-ka, madaxweynaha, iyo saraakiisha sare inay ka ganacsadaan suuqyada saadaasha (Khamaarka) siyaasadeed.
Kulanka Trump iyo Xi Jinping ayaa loo qorsheeyay 14–15 bisha May, iyada oo la sugayo booqasho uu Madaxweynaha Shiinuhu isna ku iman doono Washington.
💰 3. ETFs iyo Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)
ETF-yada Bitcoin iyo XRP ayaa helay maalgashi cusub maalinkii shalay halka ETF-yada Ethereum ay lumiyeen maalgashi.
BTC: $7.81M
ETH: – $8.51M
SOL: $0
XRP: $1.26M
🐋 4. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa
Ganacsadaha Machi Big Brother ayaa mar kale ku khasaaray $ETH dhammaan hantidii uu suuqa la soo galay oo dhannayd $30.7M.
🚀 5. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa
Resolv Labs ayaa ka saartay 57% tokens-ka USR ee si sharci-darro ah lagu soo saaray kadib weerarkii dhacay bishan ee lagu soo saaray $80M.
Aasaasaha Binance ayaa ka digay in qof kasta oo sheegta in token-kiisa lagu liis-gareeynayo Binance, gaar ahaan isagoo isticmaalaya xidhiidh shaqsiyeed oo aasaasaha uu la yeelanayo, uu u badan yahay khiyaanoole waana in laga fogaadaa.
Federal National Mortgage Association oo ku fadhiya qiime dhan $4 tirilyan ayaa markii ugu horreysay aqbali doonta amaahda guriyada in lagu dammaanad qaado Bitcoin.
🤖 6. AI iyo Web 3.0
Nvidia ayaa wajahaysa dacwad ku saabsan eedeymo sheegaya inay qarisay dakhli ka badan $1 bilyan oo ka yimid iibka GPU-yada loo adeegsaday qodista Kiribto.
🔗 7. Tiknooloojiyadda Blockchain
Shirkadda Visa Inc. ayaa ku biiri doonta Canton Network iyada oo noqoneysa Super Validator, iyadoo ujeedadu tahay in la keeno lacag-bixinno blockchain ah oo ilaalinaya daahsoonaabta xogta shakhsiga ah iyo kaabayaal stablecoin ah oo ay adeegsadaan bangiyada iyo hay’adaha maaliyadeed.
Ogaysiis
Sida aad wada ogtihiin waa yimaadday buuggeennii Kiribto, Kacdoonka Qarniga 21aad, haddaba waxaad ka dalban kartaa website-keenna adiga oo raacaya lifaaqan https://gellecrypto.com/shop/crypto/kiribto-kacdoonka-qarniga-21-aad/


