Wararka Maanta ee suuqa Kiribto, 27-ka Maarso 2026

Suleyman Tubeec

Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa Kiribto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, Kiribto, Blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo Kiribto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu Kiribto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Kiribto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.

📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa

Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.29 tirilyan, waxa uuna sameeyay hoos u dhac ah 3.81%.

Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 23% taasoo ka dhigan in dareenka suuqu yahay mid cabsi u janjeedha.

In ka badan $487.83M ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $442.39M ay ka yimaadeen dad kor u galay suuqa (Long positions).

xigasho : Coinglass

7

📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa

Elizabeth Warren ayaa soo bandhigtay sharci lagu ku soo rogaya 2% canshuur hantiyeed sanadle ah qoysaska leh hanti ka badan $50M, iyadoo lagu darayo 1% dheeraad ah dadka bilyaneerada ah.

💰 3. ETFs iyo Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)

- Pre Order -

Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad

Madax-bannaani ★ Daah-furnaan ★ Musuq-maasuq Laa’aan. 🚀 Ku soo dhawoow kacaankii qarniga 21-aad.

$16.99 - $22.99Get It Now

Dhammaan ETF-yada suuqa Kiribto waxa shalay ay lumiyeen hanti ama maalgashi.

BTC: – $171.22M
ETH: – $92.54M

SOL: – $1.04M
XRP: $0

ETF-yada Bitcoin ayaa muddo saddex toddobaad ah la kulmay maalinkii ugu xumaa shalay oo ay lumiyeen $171M oo maalgashi ah.

🐋 4. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa

Maalgashade Ethereum dhan 38,800 ah ku iibsaday $12k sannadkii 2014, ayaa hadda iska iibiyay 11,552 $ETH ah oo u dhiganta $23.42M.

Maalgashadayaasha waaweyn ee haysta 10 ilaa 10k oo Bitcoin ayaa iibsaday guud ahaan 61,000 $BTC bishii u dambeysay.

🚀 5. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa

S&P500 ayaa ku dhow in ay la kulanto hoos u dhac toddobaadkii shanaad oo xidhiidh ah.

Micheal Saylor ayaa sheegay in 80% saamiyada STRC ay leeyihiin maalgashadayaasha yaryar (Retail).

Bitcoin iyo Ethereum ayaa suuqa Kiribto ka ah 67% iyo 13%.

🤖 6. AI iyo Web 3.0

Shirkadda DeepMind ayaa sii daysay Google Gemini 3.1.

Aqoonyahan Australian ah oo lagu magacaabo Paul Conyngham ayaa adeegsaday AI si uu u naqshadeeyo tallaal kansar oo mRNA ah oo si gaar ah loogu talo galay ay uu lahaa, isagoo isticmaalaya 300GB oo xog hidde-side ah, hadda waxaa muuqda in uu aygu soo roonaanayo.

Tani waxay keeni kartaa qaybo cusub oo noqon doona habab wanaagsan oo lagula tacaalo xanuunka Kansarka.

🔗 7. Tiknooloojiyadda Blockchain

Shirkadda Ernst & Young (EY) ayaa daahfurtay Blockchain Privacy Sandbox oo loogu talagalay horumariyeyaasha. Waxay u fududaynaysaa dhismaha iyo tijaabinta smart contracts ilaalinaya daahsoonaanta xogta shaqsiyeed oo ku shaqeeya Blockchain-ka iyadoo la adeegsanayo tiknoolajiyada Zero-Knowledge Proofs (ZK).

Ogaysiis

Sida aad wada ogtihiin waa yimaadday buuggeennii Kiribto, Kacdoonka Qarniga 21aad, haddaba waxaad ka dalban kartaa website-keenna adiga oo raacaya lifaaqan https://gellecrypto.com/shop/crypto/kiribto-kacdoonka-qarniga-21-aad/

Crypto bilaw ilaa dhamaad AF:Somali

Best Somali Cryptocurrency Course: Learn the fundamentals of cryptocurrencies, blockchain, and secure trading. Master using Metamask, Binance, and Crypto.com….

Crypto Trading Mastery: From A to Z

A complete beginner-to-expert crypto trading course. Learn how crypto markets work, how to choose secure exchanges, and how to trade safely using proven strategies…

Share This Article