Wararka Maanta ee suuqa Kiribto, 28-ka Maarso 2026

Suleyman Tubeec

Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa Kiribto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, Kiribto, Blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo Kiribto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu Kiribto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Kiribto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.

📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa

Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.31 tirilyan, waxa uuna sameeyay kor u kac ah 1.43%.

Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 25% taasoo ka dhigan in dareenka suuqu yahay mid cabsi u janjeedha.

In ka badan $159.34M ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $91M ay ka yimaadeen dad hoos u galay suuqa (Short positions).

xigasho : Coinglass

📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa

Trump ayaa sheegay in Maraykanku noqon doono awoodda Bitcoin iyo Kiribto ee mustaqbalka.

- Pre Order -

Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad

Madax-bannaani ★ Daah-furnaan ★ Musuq-maasuq Laa’aan. 🚀 Ku soo dhawoow kacaankii qarniga 21-aad.

$16.99 - $22.99Get It Now

Dawladda Thailand ayaa amaan ku maraysa marinka Hurmuz kadib markii ay Iiraan u oggolaatay.

Senator Elizabeth Warren ayaa soo jeedisay in la baadho shirkadda Bitmain iyada oo ku eedaysay inay khatar badan u badheedhaan sidoo kale ay Trump la leeyihiin xidhiidh.

Gavin Newsom ayaa saxiixay amar fulineed ka mamnuucaya maamullada gobolka California inay adeegsadaan macluumaadka gudaha dawladda ah si ay ugu sameeyaan sharad ama khamaar.

💰 3. ETFs iyo Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)

Dhammaan ETF-yada suuqa Kiribto waxa shalay ay lumiyeen hanti ama maalgashi.

BTC: -$225M
ETH: -$48.5M
SOL: -$7.8M
XRP: $0

🐋 4. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa

Strategy waxay iibsatay ku dhowaad 45,000 Bitcoin 30-kii maalmood ee la soo dhaafay, halka iibsadayaasha kale ee shirkadaha ay iibsadeen qiyaastii 1,000 $BTC oo keliya, taasoo ka dhigan 2% oo kaliya qorshaha ay dhigteen ee iibsiga Bitcoin.

🚀 5. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa

Halving-ka soo socda waxaa ka hadhay 2 sano oo keli ah.

Haddii loo ansixiyo ETF-nimada Morgan Stanley waxa uu noqon doona ETF-ka khidmadda ugu yar qaada oo noqon doonta 0.14%.

🤖 6. AI iyo Web 3.0

Google ayaa ku dhow heshiis ay ku maalgelinayso xarun xogeed oo ku taal Texas oo qiimaheedu ka badan yahay $5 bilyan, taas oo ay kiraysan doonto shirkadda Anthropic, lana filayo inay bixiso awood dhan ku dhowaad 500MW dhammaadka 2026, sida uu sheegay wargayska Financial Times.

🔗 7. Tiknooloojiyadda Blockchain

Bank of Montreal ayaa horumarinaysa nidaam lacag bixin tokenized ah oo loogu talagalay macaamiisha hay’adaha ah, Waxayna adeegsan doontaa blockchain si ay u suurtageliso lacag-bixinnada.

Ogaysiis

Sida aad wada ogtihiin waa yimaadday buuggeennii Kiribto, Kacdoonka Qarniga 21aad, haddaba waxaad ka dalban kartaa website-keenna adiga oo raacaya lifaaqan https://gellecrypto.com/shop/crypto/kiribto-kacdoonka-qarniga-21-aad/

Crypto bilaw ilaa dhamaad AF:Somali

Best Somali Cryptocurrency Course: Learn the fundamentals of cryptocurrencies, blockchain, and secure trading. Master using Metamask, Binance, and Crypto.com….

Crypto Trading Mastery: From A to Z

A complete beginner-to-expert crypto trading course. Learn how crypto markets work, how to choose secure exchanges, and how to trade safely using proven strategies…

Share This Article