Wararka Maanta ee suuqa Kiribto, 29-ka Maarso 2026

Suleyman Tubeec

Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa Kiribto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, Kiribto, Blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo Kiribto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu Kiribto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Kiribto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.

📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa

Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.3 tirilyan, waxa uuna sameeyay hoos u dhac ah 0.38%.

Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 24% taasoo ka dhigan in dareenka suuqu yahay mid cabsi u janjeedha.

Laga yaabaa inaan aragno markii koowaad ee Bitcoin ay saddex bilood ee isu xiga ku xidhanto hoos u dhac.

In ka badan $99.26M ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $65.12M ay ka yimaadeen dad kor u galay suuqa (Long positions).

xigasho : Coinglass

📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa

- Pre Order -

Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad

Madax-bannaani ★ Daah-furnaan ★ Musuq-maasuq Laa’aan. 🚀 Ku soo dhawoow kacaankii qarniga 21-aad.

$16.99 - $22.99Get It Now

Madaxweyne Trump ayaa ansixiyay in weerar dhulka ah lagu qaado Iiraan kaas oo qaadan kara waqti badan in la soo af-meero.

Canada ayaa soo jeedisay mamnuucid buuxda oo ku saabsan deeqaha siyaasadeed ee Kiribto lagu bixiyo, sababo la xidhiidha cabsi ku saabsan faragelin shisheeye.

Bernie Sanders iyo Alexandria OcasioCortez ayaa dabada ka riixaya in la hakiyo xarumaha xogta AI ee cusub, iyadoo ay kordhayaan kharashaadka tamarta, shaqooyinkuna yaraanayaan, sidoo kale wasakhowga hawaduna sii kordhay.

🪙 3. Coins-ka & Token-ada Cusub

B. Zylo Token (ZYLO)

  • Waa token si rasmi ah loo bilaabay bartamihii Maarso, hadda waxa uu galayaa marxaladda suuq-geynta iyadoo la diyaarinayo liis-gareynta madalaha kala duwan, ujeedkuna yahay ballaadhinta nidaamkiisa oo uu ku jiro gaming, trading, iyo adeegyo kale.

🚀 4. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa

Maamulaha Goldman Sacks ayaa hadda haysta Bitcoin, isaga oo markii hore aan haysan.

Lacagta stablecoin ahaan suuqa Kiribto ku dhex martay ayaa dhannayd $33T sannadkii tagay.

Maanta oo kale 2013-kii ayuu qiime suuqeedkeeda Bitcoin kor u dhaafay $1B.

🤖 5. AI iyo Web 3.0

Meta Platforms ayaa soo bandhigtay nidaam cusub oo AI ah oo loo yaqaan “Hyperagents”, kaas oo ah qaab-dhismeed is-horumarin kara oo loogu talagalay in AI-yadu si madax-bannaan u bartaan oo ula qabsadaan xaalado kala duwan.

Ujeeddadu waa in la horumariyo “agentic AI” oo awood u leh inuu iskiis isu xalliyo iyadoo ay yaraanayso faragelinta aadanaha.

🔗 6. Tiknooloojiyadda Blockchain

Ripple ayaa xaqiijisay isbeddel ku wajahan qaab maalgelin oo cusub oo ka decentralisation badan qaababkii hore oo loogu talagalay XRP Ledger (XRPL).

Qaabab cusub sida maalgelin ay bulshadu hoggaaminayso iyo barnaamijyo horumariyeyaal madax-bannaan ah ayaa la soo bandhigay.

Ujeedadu waa in la yareeyo ku-tiirsanaanta Ripple lana ballaadhiyo horumarinta nidaam furan oo ka dhex shaqeeya blockchain-ka laftiisa.

Ogaysiis

Sida aad wada ogtihiin waa yimaadday buuggeennii Kiribto, Kacdoonka Qarniga 21aad, haddaba waxaad ka dalban kartaa website-keenna adiga oo raacaya lifaaqan https://gellecrypto.com/shop/crypto/kiribto-kacdoonka-qarniga-21-aad/

Crypto bilaw ilaa dhamaad AF:Somali

Best Somali Cryptocurrency Course: Learn the fundamentals of cryptocurrencies, blockchain, and secure trading. Master using Metamask, Binance, and Crypto.com….

Crypto Trading Mastery: From A to Z

A complete beginner-to-expert crypto trading course. Learn how crypto markets work, how to choose secure exchanges, and how to trade safely using proven strategies…

Share This Article