Wararka Maanta ee suuqa Kiribto, 30-ka Maarso 2026

Suleyman Tubeec

Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa Kiribto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, Kiribto, Blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo Kiribto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu Kiribto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Kiribto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.

📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa

Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.34 tirilyan, waxa uuna sameeyay kor u kac ah 1.62%.

Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 28% taasoo ka dhigan in dareenka suuqu yahay mid cabsi u janjeedha.

In ka badan $370.13M ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $239.96M ay ka yimaadeen dad kor u galay suuqa (Long positions).

xigasho : Coinglass

📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa

Donald Trump ayaa ku hanjabay inuu burburin doono xarumaha korontada, ceelasha saliidda, Kharg Island, iyo xarumaha biyo-macaaneeynta ee Iran haddii heshiis la gaadhi waayo isla markaana Marinka Hurmuz uu sii xidhnaado.

- Pre Order -

Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad

Madax-bannaani ★ Daah-furnaan ★ Musuq-maasuq Laa’aan. 🚀 Ku soo dhawoow kacaankii qarniga 21-aad.

$16.99 - $22.99Get It Now

Senate Banking Committee ayaa la filayaa inay qabato dhageysiga ansixinta musharraxa guddoomiyaha Federal Reserve, Kevin Warsh, horraanta bisha Abriil.

💰 3. ETFs iyo Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)

Dhammaan ETF-yada suuqa Kiribto waxa shalay ay lumiyeen hanti ama maalgashi.

BTC: -$296.18M
ETH: -$206.58M
SOL: -$4.24M
XRP: $2.66M

🐋 4. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa

Shirkadda Strategy ee Micheal Saylor toddobaadkii aan soo dhaafnay wax Bitcoin ah ma iibsan, haddana waxa ay haysataa 762,099 $BTC.

Shirkadda Ethereum foundation ayaa stake-gareysay 22,517 $ETH oo u dhiganta $46.25M.

🚀 5. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa

Robert Kiyosaki ayaa sheegay in dahabka, silver-ka, saliidda, cuntada, Bitcoin, iyo Ethereum ay yihiin maalgashiyada ugu amniga badan 2026, iyadoo sicir-bararka, deynta, iyo khilaafaadka caalamiga ah ay sii kordhayaan.

BlackRock ayaa shaqaaleysiinaysa Maareeye Sare (Managing Director) oo Digital Assets ah gudaha New York City, iyadoo bixineysa mushahar gaadhaya $350K si uu u hoggaamiyo istaraatiijiyadda Kiribto iyo tokenization-ka.

Qiimaha shidaalka ayaa kor u kacay oo gaadhay $116 halkii fuusto, sababo la xidhiidha dagaalka bariga dhexe.

🤖 6. AI iyo Web 3.0

Shirkadda Mistral AI ayaa uruurisay $830 milyan oo deyn ah si ay uga dhisto xarumo xogeed ku shaqeeya NVIDIA guud ahaan Europe.

🔗 7. Tiknooloojiyadda Blockchain

Xogtii ugu dambeysay waxay muujinaysaa in dhaqdhaqaaqa macaamilka blockchain-ka iyo liquidations-ka ay kordheen shabakadaha waaweyn sida Bitcoin iyo Ethereum kadib isbeddellada siyaasadeed ee caalamiga ah.

Isbeddelladan ayaa horseeday dhaqdhaqaaq suuqa oo xooggan, iyadoo mararka qaar la arkay boqolaal milyan oo doolar oo suuqa laga saaray maalin gudaheed, taasoo ka dhalatay isbeddel degdeg ah oo ku yimid dareenka maalgashadayaasha.

Ogaysiis

Sida aad wada ogtihiin waa yimaadday buuggeennii Kiribto, Kacdoonka Qarniga 21aad, haddaba waxaad ka dalban kartaa website-keenna adiga oo raacaya lifaaqan https://gellecrypto.com/shop/crypto/kiribto-kacdoonka-qarniga-21-aad/

Crypto bilaw ilaa dhamaad AF:Somali

Best Somali Cryptocurrency Course: Learn the fundamentals of cryptocurrencies, blockchain, and secure trading. Master using Metamask, Binance, and Crypto.com….

Crypto Trading Mastery: From A to Z

A complete beginner-to-expert crypto trading course. Learn how crypto markets work, how to choose secure exchanges, and how to trade safely using proven strategies…

Share This Article