Wararka Maanta ee suuqa Kiribto, 24-ka Abriil 2026

Suleyman Tubeec

Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa Kiribto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, Kiribto, Blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo Kiribto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu Kiribto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Kiribto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.

📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa

Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.61 tirilyan, waxa uuna sameeyay kor u kac ah 0.58%.

Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 45% taasoo ka dhigan in dareenka suuqu yahay mid damaca u janjeedha.

In ka badan $177.37M ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $92.81M ay ka yimaadeen dad kor u galay suuqa (Long positions).

xigasho : Coinglass

📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa

Dawladda Shiinaha ayaa sii adkeysay tallaabooyinka ka dhanka ah Kiribto, iyadoo soo saartay xeerar cusub oo ku saabsan suuq-geynta internetka oo mar kale u aqoonsanaya xayeysiinta, soo saarista, iyo ka ganacsiga Kiribto inay yihiin hawlo maaliyadeed oo sharci-darro ah.

- Available -

Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad

Madax-bannaani ★ Daah-furnaan ★ Musuq-maasuq Laa’aan. 🚀 Ku soo dhawoow kacaankii qarniga 21-aad.

$16.99 - $22.99Get It Now

Bangiga dhexe ee Yurub (ECB) ayaa saxiixay heshiisyo uu la galay European Cards Payment Cooperative, Nexo Standards, iyo Berlin Group si loo dhiso lacag-bixinno ku salaysan Euro-da dhijitaalka ah oo ku saleysan xeerarka Yurub.

💰 3. ETFs iyo Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)

Dhammaan ETF-yada suuqa Kiribto waxa maalinkii shalay soo gashay hanti ama maalgashi cusub, marka laga reebo ETF-yada Ethereum.

BTC: $223.21M
ETH: -$75.94M
SOL: $7.33M
XRP: $3.89M

🪙 4. Coins-ka & Token-ada Cusub

B. OneFootball Credits (OFC)

Waxaa maanta lagu daray BitMart (ganacsiga wuxuu bilaabmay Abriil 24 kadib ogeysiiskii Abriil 23), iyadoo OFC/USDT pair uu si toos ah u hanaqaaday.

🐋 5. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa

Shirkadda Tether ayaa daabacday $3B oo USDT toddobaadkii la soo dhaafay.

Shirkadda Metaplanet ayaa soo saartay bonds aan ribo lahayn (0%) oo dhan 8 bilyan Japanese Yen ah (~$50M) si ay u iibsato Bitcoin dheeraad ah.

🚀 6. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa

Tirada stablecoins-ka ee BNB Chain ayaa kor u kacday ku dhowaad 200% tan iyo 2025, halka ku dhowaad saddex-meelood meel dhammaan cinwaanada (Addresses) firfircoon ee stablecoins-ka ay ku jiraan shabakaddaas.

Saamiga shirkadda Intel ayaa kor u kacay in ka badan 15% kadib natiijooyinkii rubuca 1aad ee 2026, isagoo dhaafay heerkii ugu sarreeyay ee uu gaadhay Agoosto 2000.

🤖 7. AI iyo Web 3.0

Meta Platforms iyo Microsoft ayaa iska caydhinaya kumannaan shaqaale ah iyadoo labada shirkadood ay kordhinayaan kharashaadka AI.

Meta waxay dhimaysaa 10% shaqaalaheeda, halka Microsoft ay 7% oo shaqaalaheeda ah ay u soo bandhigtay inay iskood ay hawlgab isu diwaangeliyaan.

☢️ 8. Xogta dhaca kiribto

Waaxda cadaaladda ee dawladda Maraykanka ayaa dacwad ku soo oogtay laba muwaadin oo Shiinaha u dhashay oo lagu eedeeyay inay maamulayeen xarun khiyaano Kiribto ka shaqaysa (pig butchering) oo ku taal Myanmar, taas oo bartilmaameedsaneysay muwaadiniinta Maraykanka.

$700 milyan oo Kiribto ah ayaa la xannibay, halka 503 website oo maalgashi been abuur ah la xayiray.

Ogaysiis

Sida aad wada ogtihiin waa yimaadday buuggeennii Kiribto, Kacdoonka Qarniga 21aad, haddaba waxaad ka dalban kartaa website-keenna adiga oo raacaya lifaaqan https://gellecrypto.com/shop/crypto/kiribto-kacdoonka-qarniga-21-aad/

Crypto bilaw ilaa dhamaad AF:Somali

Best Somali Cryptocurrency Course: Learn the fundamentals of cryptocurrencies, blockchain, and secure trading. Master using Metamask, Binance, and Crypto.com….

Crypto Trading Mastery: From A to Z

A complete beginner-to-expert crypto trading course. Learn how crypto markets work, how to choose secure exchanges, and how to trade safely using proven strategies…

Share This Article